Sir Culus: Shirka Soomaalida ee Ingiriiska oo la ogaaday Qorshaha iyo Ajandaha looga Hadli Doono (Xog Muhiim ah, iyo Gumeysi Cusub)

Dhawaan, bisha soo Socota ee Feberaayo, waxaa la qorsheenaayaa in Lagu qabto Wadanka Ingiriiska Shir looga hadlaayo Arimaha Soomaaliya. Shabakadda ayaa ogaatay Xog Muhiim ah ku Saabsan Ajandaha Rasmiga ah ee looga hadli doono Shirkaas, kaas oo uu soo Bandhigay Wadanka Ingiriiska.

Waxaa lagu wadaa in Shirkaas uu Socdo wax aan ka badneyn 5 Saacadood oo Kaliya, waxaana ka qeyb gali doona, sida aan Xogta ku heleyno, Dad Matala dhamaan Qeybaha kala Duwan ee Qabaa’ilka Soomaalida.

Ingiriiska oo la Tashanaaya Mareykanka iyo Wadamada reer Yurub ee Sida gaarka ah u daneeya Arimaha Soomaaliya, ayaa Qorsheeyay in Shikraas looga hadlo amaba loo soo bandhigo ka qeyb galayaasha Qorshe ah ” Xukun Daakhili”.

Xogta ayaa Sheegeysa in Ingiriisku uu qorsheenaayo in 2 ama 3 Sano Soomaaliya la Galiyo Xukun Hoosaad, oo Kor laga Maamulo.

Waxaan la isku Waafaqsaneyn wali oo an Caddeyn Wadanka Kor ka Maamuli doono Soomaaliya ama uu hoos imaan doono Xukunkan Daakhiliga ah, Balse waxaa ugu Cad Cad Ingiriiska, faransiiska iyo Italy ama Mareykanka.

Ingiriiska ayaa ku doodaya in Soomaaliya ay Xal keeni waayeen Gudahood 20 Sano, Sidaas Darteedna Qasab ay Noqoneyso in la Maamulo, sidii dhacday Sanadkii 1950-kii Markaas oo Soomaaliya la galiyay 10 Sano oo Xukun Daakhili ah, oo uu Kor ka Maamulaayay Taliyaaniga.

Qorshahaan Ingiriiska Damacsanyahay in uu kusoo bandhigo Shirka lagu qaban doono Wadankiisa, ayaanan la ogeyn sida Soomaalida ka qeyb gali doonta Shirkaas uga dhaadhici doonto in Wadanka la Galiyo Gumeysi Cusub Aduunyadaan Casriga ah.

Wadamada reer Yurub iyo Mareykanka ayaa Waxa ay Kaalinta koowaad kaga jiraan Caqabadda hor taagan in Soomaaliya ay hesho Nabad iyo Dowladnimo, iyagoo ka leh Dano iyo Ujeedooyin Badan in Wadanku uusan Cagihiisa isku taagin.

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: