Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee UK

Muqdisho, January 23, 2012—-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Matt Baugh, Ergeyga gaarka ah ee UK. Labada mas’uul ayaa waxey ka wada hadleen xiriirka labada dal, arrimaha roadmap ka iyo horumarka laga sameeyey sida Go’aanadii Garowe (Garowe Principles) iyo shirka 23ka Febraayo lagu wado inuu ka dhaco London.

Ergeyga gaarka ah ee dowladda Ingiriiska Matt Baugh ayaa waxaa ku wehliyey booqashadiisa James Hooley oo arrimaha Soomaaliya u qaabilsan dalka UK. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeynta uga mahadceliyey wafdiga Ingiriiska booqashadooda ay ku yimaadeen Muqdisho, iyo sida ay Dowladda UK ay diyaarka ugu tahay inay beesha caalamka si wadajir ah arrimaha Soomaaliya meel uga soo wada jeestaan oo la filayo shirka 23ka Febraayo inuu noqdo shir wax weyn ka bedela arrimaha Soomaaliya.

Matt Baugh ayaa sheegay in shirka London ee 23ka February lagu casuumay ilaa 40 Madaxda adduunka ah ujeedaduna tahay sidii beesha caalamka ay uga midoobi lahaayeen xal u helida Soomaaliya, ha noqoto dhanka amniga, burcad-badeeda, gar-gaarka bani’aadanimo iyo dhanka siyaasadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaalida ay rajo weyn ka qabaan shirka London loona baahanyahay in shirku uu noqdo mid Soomaalidu ay aayaheeda ku tashaneyso oo beesha caalamku ay ku saacidayaan, loona baahanyahay in shirka uu tixgeliyo horumarka ballaaran ee laga sameeyey Roadmapka.

Categories: Truth to Power | 2 Comments

Post navigation

2 thoughts on “Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee UK

  1. Raysalwasaare Gaas : Maamul-goboleedka Somaliland Shirka Landon wey kasoo qeybgali karaan!!!!!.

    Muqdisho[RBC Radio] Raysalwasaaraha Dawladda KMG ah ee Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta sheegay xili uu Warbaahinta kula hadlaayey magaalada Muqdisho in ay raali ka yihiin in Somaliland ay kasoo qeybgeli karto Shirka Landon lagu qaban doono ee looga hadlaayo arrimaha Soomaaliya.
    Raysalwasaare Cabdiweli Gaas oo hadalkan ka sheegay xili maanta ay si wadajir ah Shir Jaraa’id ugu qabteen Muqdisho Wakiilka sare ee Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Matt Baugh ayaa ka hadlay aragtidiisa ku wajahan Shirkaas ka qeybgalka Somaliland iyo Mashruuca biyo gelinta ah ee u dhawaan u saxiixay Somaliland.
    …” In Shirka ay kasoo qeybgalaan anagu raali baanu ka nahay in ay yimaadaan een waxaa laga hadlayaa waa dan Soomaaliyeed,Soomaali weeye iyaguna een sida Puntland uga soo qeybgalayso,Gal- mudug,Ahlusuna u imaaneyso sidaas ayaan iyana jecelnahay in ay iyaguna u yimaadaan oo miiska wadatashiga iyo wadahadalka kasoo qeybgalaan mar walbana waan soo dhaweyneynaa haddana waan soo dhaweyneynaa…”ayuu yiri Mudane Gaas.
    Sidoo kale mar uu ka hadlay mashruuc biyo gelin ah oo uu ugu deeqay Bangiga horumarinta Afrika,isagoona tilmaamay in ay xaq u leeyihiin in gacan laga siiyo horumarka Maamul-goboleedka Somaliland.
    ….”Waxa loo saxiixay wuxuu ahaa mashruuc bangiga horumarinta Afrika ugu deeqay Somaliland dan Soomaaliyeed weeye dad Soomaaliyeed weeye,waxa weeye in biyaha ay qabsadaan oo biyuhu si abaarta loo yareeyo markaa raali baan ka nahay in wixii horumar ah ee Daelad goboleedka Somaliland ogolaano,dad Soomaaliyeed weeyee waxay xaq u leeyihiin in ay helaan waa laga maarmaan……”ayuu sidoo kale yiri.
    Dawladda KMG ah ayaa wada olole ay ku doonayso in ay Somaliland ka caawiso dhanka horumarinta iyo dhinacyo kasta,waxaana ilaa hadda aanan ka hadlin Xukuumada Somaliland mashruucyada loo saxiixay iyo hadalkan kasoo yeeray DKMG ah ee Soomaaliya.

  2. Wafdi ka socda Ingiriiska oo maanta Muqdisho kula kulmay Raysul wasaare Gaas

    Muqdisho 23, January 2012 (Qurbejoog.com)- Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho waxa uu kulamo kula qaatay Wafdi ka socda dowladda Ingiriiska.

    C/wali Max’ed Cali Gaas ayaa manta Magaalada Muqdisho ku qaabilay Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayay u qeybsanaha arrimaha Soomaaliya ee dowladda Ingiriiska Matt Bough kaasi oo sheegay in Magaalada Muqdisho ay u yimaadeen sidii ay ugu hadli lahayaeen shir dhawaan ka furmaya Magaalada London ee dalka Ingiriiska kaasi oo looga hadli doono dhibaatooyinka ka jira Soomalaiya.
    Matt Bough ayaa sheegay in dowladda Federalka KMG Soomaaliya looga baahanyahay inay fuliso qorsho howleedka dalka, isagoo carabka ku dhuftay in dowladda Ingiriiska ay ka go’antahay wax ka qabashada xaaladaha murugsan ee Soomaaliya.

    Gaas oo isna la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Wafdiga ay kala hadleen sidii loo dhamaystiri lahaa waxyaabihii kasoo baxay shirkii Garoowe, isagoo xusay in la dar dar galin dooono arrimaha qorsho howleedka dowaldda KMG Soomaaliya.

    Magaalada London ayaa la filiyaa in uu ka dhaco shir looga hadlayo arrimaha burcad badeeda Soomaalida iyo falalka aargigixisanimo, iyadoo aan la’ogayn wax kasoo bixi doona shirkaasi hadii uu qabsoomo.

    Qurbejoog-Muqdisho

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: