War Deg Deg ah:- Shirka London oo lagu qorshaynayo in Soomaaliya lagaliyo Wisaayo(Awooda laga qaado wadankalena loo gacan galiyo)

Niarobi (SM) Warar rasmi ah oo aan ka helnay Dublamaasiyiin Mogadishu iyo Nairobi ayaa noo cadeeyey in Shika London uu Ingiriisku qorshaynayo in Soomaaliya lagusoo rogo wisaayo oo macneheedu yahay in qaranimada Soomaaliya  hakad lagaliyo in mudo ah, wadan kalena lagu wareejiyo maamulka Soomaaliya

Qorshahaan cusub  ee ladoonayo in Soomaaliya gacanta loogu galiyo wadan wakiil ka ah ayaa macneheedu yahay in wadanka laga qaado xoriyadii iyo qaranimadii lagana dhigo sida gobol hoosyimaada wadanka lagu wareejiyo, sidii markii 1951kii  UN-tu ku wareejisay Talyaaniga maamlka Somalia iyada uu dusha ka ilaalnayo Guddi WISAAYO, oo UNka wakiil ka ah kana koobna dalalka Masar, Colombia iyo Filipine. Waqtigaas oo la dhisay Golihii Teritorial Consul, oo ahaa mid la soo magcaabay, awooddiisuna ku ekayd talo bixin oo kaliya, mana jirayso kulan qaramada midoobay ah oo Soomaaliya ka qayb galayso, waxaa matalaya wadanka gacanta loo galiyo talada Soomaaliy, arimaha dibada xitaa waxaa matali doona wadanka lagu wareejiyo.

Wararkaan aan helnay ayaa sheegaya in la doonayo in Soomaaliya loo gacan galiyo wadan Reer Galbeed ah halka qolyo ay doonayaan in Shiinaha ay gacanta ku qabtaan Soomaaliya.

Shirka London ayaa ujeedadiisa ugu wayn tahay sidaas, ilaa hadana looma sheegin Wafuuda ka qaybgalaysa inkastoo naloo xaqiijiyey in qaarkood ogyihiin

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: