Xukuumadda Somaliland oo aan wali jawaab ka bixin Shirka Ingiriiska, Raysal Wasaaraha Somaliya oo Somaliland ka qayb galinaya iyo Ergayga Ingiriiska oo iska dab-qaaday Maamulada Somaliya

“Somaliland raalibaan ka nahay sida Puntland uga soo qayb gelayso, ee Galmudug uga soo qayb gelayso iyo Ehlu- inay iyaguna  u yimaadaan” “Somaliland waxaanu u saxeexnay Mashruuc biyo gelin ah oo Baanka Horumarinta afrika ugu deeqay “Raysal wasaraha Somaliya

Muqdisho-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali iyo guddoomiyaha baarlamaanka, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa shalay kula kulmay Muqdisho wafdi ka socda dalka Ingiriiska oo uu hoggaaminayo ergeyga gaarka ah ee Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Somaliya mr Matt Baugh, kaasoo labada masuul  kala hadlay xidhiidhka labada dale e Somaliya iyo Igiriiska , arrimaha Roadmap-ka, horumarka laga sameeyey go’aanadii shirkii Garowe iyo shirka 23-ka bisha Febraayo ee soo socata lagu wado inuu ka dhaco magaalada London.
Ra’iisul wasaaraha DKMG ah ee Somaliya iyo Matt Baugh oo kulan wakhti qaatay ka dib shir jaraa’id wada qabtay ayaa faahfaahin ka  bixiyay waxyaabihii ay kulankii dhexmaray kaga wada hadleen ; iyadoo C/weli Gaas uu uga mahad-celiyay wafdiga Ingiriiska booqashada ay ku yimaadeen Muqdisho.
“Waxaan filaynaa in shirka London uu noqdo shir wax weyn ka bedela arrimaha dalka Soomaaliya uu ku sugan yahay,” ayuu yidhi ra’iisul waasaraha Soomaaliya oo shirka jaraa’id ka hadlay, isagoo dhinaca kalena  Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya sheegay inay rajeynayaan in shirka Dawlada Ingiriisku bisha soo socota u qabanayso Kooxaha Somaliya qodobbo horumar u horseeda Soomaaliya inay ka soo baxaan.
Dr Gaas ayaa geesta kale  xusay in loo baahan yahay in shirka lagu tixgeliyo horumarka laga sameeyey Roadmap-ka Somaliya.

dhinaca kale Raysal-wasaaraha Somaliya waxa uu sheegay inay soo dhaweynayaan hadii Dawlada Somaliland ka soo qayb gasho shirka london, isagoo dhinaca kale shaaca ka qaaday inuu dhawaan u saxeexay Somaliland Mashruuc laga fulinayo somaliland oo biyo gelin ah, kaasoo uu cadeeyay in Baanka horumarinta afrika ugu deeqay Somaliland“Ta koowaad ee ah inay shirka ka soo qayb galaan, Shirka inay ka soo qayb galaan Somaliland raalibaan ka nahay waayo waa dad Somaliyeed, waxa laga hadlayaana waa dan Somaliyeed,markaa sida Puntland uga soo qayb gelayso, ee Galmudug uga soo qayb gelayso iyo Ehlu-suna ayaanu jecelanahay inay iyaguna  u yimaadaan wada xaajoodka iyo wada tashiga iyo in Miiska wada hadalka laysugu yimaado, waanan soo dhawenaynaa Somaliland inay shirkaa nagala soo qayb galaan si ay dhibaatada Somaliya xalinteeda qayb uga qaataan”ayuu yidhi.

Sidoo kale waxa uu shaaca ka qaaday dhawaan Somaliland inuu u saxeexay mashruuc Biyo gelin ah oo Baanka Horumarinta afrika ugu deeqay Somaliland, kaasoo uu isagu gacantiisa ku saxeexay, diyaarna u yahay hadii kuwo kale looga baahdo inuu u fuliyo “Mida kale ee mashruuca loo saxeexay wuxuu ahaa mashruuc Baanka horumarinta afrika ugu deeqay Somaliland,kaasoo ay ku samaysanayaan Mashruuc biyo gelin ah(Water Cuch Program) si loo yareeyo biyo yaraanta iyo abaarta”-“waxaanan ugu saxeexnay dad Somaliyeed weeye xaqbaanay u leeyihiin inay xaqooda helaan anaguna raalibaan ka nahay inay samaystaan waxyaabo bulshada lagu horumarinayo” ayuu yidhi.

Sidoo kale, Matt Baugh ayaa sheegay in shirka London ka dhacaya  bisha Feberaayo ee soo socota lagu casuumay 40 mas’uul oo dunida ka socda, ujeedadiisuna tahay sidii ay beesha caalamku  uga midoobi lahaayeen xal u helidda arrimaha Soomaaliya, sida amniga, budhcad-badeeda, gar-gaarka aadanaha iyo siyaasadda.

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: