Xukuumadda Somaliland oo La Sheegay Inay Ku Kala Qaybsantahay Ka Qaybgalka Shirka London

(Moment Media) 24 Jan. 12– Ka dib markii la shaaciyey Ajandayaasha lagaga hadli doono shirka kooxaha Soomaalida ay u qaban doonto dawladda Ingiriisku ee bisha  labaad ee sanadkan lagu wado inuu ka qabsoomo Magaaladda London ayaa la sheegay inay keentay inay

Masuuliyiinta ugu saraysa ee xukuumadda Somaliland oo uu Madaxwayne Axmed Siilaanyo kala tashada go’aanka ay qaadan doonaan shirkaas inay si wayn ugu kala qaybsameen, isla markaana ay masuuliyiin badan oo ka mid ah golaha wasiiradu ay soo jeediyeen inaan laga qaybgalin shirka London oo ay ku doodeen inaanay jirin wax dan ah oo ugu jira shirkaas Somaliland.

Dhinaca kale shacbiga Somaliland ayaa si wayn ugu dhagtaagaya go’aanka uu ka qaadan doono Madaxwayne Siilaanyo oo iska leh go’aanka ugu danbeeya, taas oo u eeg culays hor leh oo xukuumadda soo wajahay, maadaama dareen shaki leh laga muujiyey ajandayaasha shirkaas lagaga hadli doono oo sida markii hore bulshada loogu sheegay aad uga duwanaaday.

Ilo wareedo ku dhaw Madaxtooyada ayaa Haatuf u sheegay in xubno uu ka mid yihiin Wasiirada Maaliyadda, Madaxtooyada, Arrimaha Gudaha, Boosaha iyo Isgaadhsiinta Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Maxamed Nuur Caraale (Duur) iyo Dr. Axmed Xaashi Oday inay soo jeediyeen inaanay xukuumadda Somaliland ka qaybgalin shirkaas, isla markaana la sheegay inay ku doodeen in sumcada dalku aanay u qalmin in wafti uu hogaaminayo Madaxwayne Siilaanyo oo cod shacbi ku noqday hogaamiyaha Somaliland inuu kursi la fadhiisto maamul goboleedada Somalia sida Puntland, Galmudug, Ehlu suna wal jameeca iyo Hogaamiyo kooxoodyo reer koonfureed ah.

Wasiirada taageeray in Somaliland ka qaybgasho shirkaas London bisha February ee sanadkan uga furmo doono kooxaha Soomaalida in xukuumadu ka qaybgasho ayaa waxa ka mid ah Wasiiradda Arrimaha Dibadda, Qorshaynta iyo Duulista iyo Hawada Dr. Maxamed C/laahi Cumar, Dr. Sacad Cali Shire iyo Maxamuud Xaashi.

Sidoo kale hogaamiyayaasha axsaabta mucaaridka ee Somaliland ayaa iyagana la sheegay inay damacsan yihiin inay Madaxwayne Siilaanyo ugu baaqaan inaanu ka qaybgalin shirkaas oo ay ku doodeen inuu yahay dabin lagu mijo xaabinayo sumcada Somaliland ay dunida ka kasbatay 20-kii sano ee ay jirtay.

Dhinaca kale ilaa iyo hada ma jiro wax war oo ka soo baxay xukuumadda, oo laga dheehan karo go’aanka kama danbaysta ah ee ay ka qaadanayso shirkaas, balse ilo wareedo looga qaateen ah ayaa Wargeyska Haatuf u sheegay inuu Madaxwayne Siilaanyo uu arko in dan diblomaasiyadeed ugu jirta shirkaas, maadaama oo ay ka qaybgali doonaan hogaamiyaal dunida saamayn wayn ku leh, balse waxa iyaduna aan la dhaafi Karin rabitaanka shacbiga iyo masuuliyiinta qaranka ee uu Madaxwayne Siilaanyo ka dalbaday inay dareenkooda ku wajahan shirkaas ku soo darsadaan waxa laga yeeli doono.

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: