Mustaqbalka Soomaaliya oo looga shirayo Jaamacadda Ohio

Shir socon doona muddo labo cisho ah oo looga hadlayo dhibaatooyinka bini’aadannimo ee ka jira Soomaaliya, kororka muhaajiriinta iyo arrimaha burcad badeedda ayaa lagu wadaa inuu caawa ka furmo jaamacadda qaranka ee Ohio ee dalka Mareykanka.

Shirka oo horay loo sii qorsheeyay ayaa qabsoomiddiisa wuxuu ku soo beegmayaa maalin kaddib markii ay ciidamo si gaar ah u tababaran oo Mareykan ah ay gudaha Soomaaliya ku dileen 9 qof xilli ay ku howlanaayeen badbaadinta la-haystayaal ajnabi ah.

Saraakiil Soomaali ah, aqoonyahanno xeel-dheerayaal ah iyo wakiillo ka socda waaxda arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka ayaa lagu wadaa inay shirka ka qeyb galaan.

Magaalada Columbus ee gobolka Ohio ayaa waxaa ku nool dad Soomaali ah oo ka badan qiyaastii 20 kun oo qof, waana magaalada labaad ee ay u badan tahay Soomaalida Mareykanka, Minnesota kaddib.

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: