War Deg Deg Ah: Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Oo Go’aansatay Inay Ka Qayb Gasho Shirka Soomaaliya Ee London Ergadii Uga Qayb Galli Lahaydna Magacawday

Sida uu noo xaqiijiyey Masuul ka tirsan Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso Madaxweyne Siilaanyo ayaa go’aamiyey in Xukuumadiisu ay ka qayb gasho shirka a maamul goboleedyada Soomaaliya loogu qabanayo magaalada London ee xarunta dalka ingiriiska, shirkaasi oo dawladda ingiriisku ay u qabanayso Soomaaliya

Sida Masuulkaasi uu Halbeegnews caawa u xaqiijiyey Madaxweyne Siilaanyo ayaa magacaabay ergada shirkaasi uga qayb gallaysa Somaliland oo uu hogaamin doono Wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan isla markaana ay xubno ka noqon doonaan xubno ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland

Kulan xasaasi ahaa oo ay golaha Wasiiraddu maanta iskugu yimaadeen xarunta madaxtooyada Somaliland ayaa Xukuumadda laftigeedu ku kala qaybsantay ka qayb-galka shirkaasi iyadoo Wasiiro hal-door ah oo ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay diideen in shirkaasi laga qayb gallo, Wasiirka maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo isagu hogaaminaayey koox Wasiiro ah oo ay ka mid yahiin Wasiiradda Arrimaha Gudaha, Caafimaadka,Isgaadhsiinta, Cadaaladda iyo Kalluumaysiga ayaa si adag u naqdiyey ka qayb galka shirkaasi halka koox kale oo ka tirsan golaha wasiiradda oo ay ka mid yahiin Wasiiradda arrimaha dibadda, Madaxtooyada, Duulista Hawada iyo Macdanta iyo biyahu ay iyaguna so jeediyeeen in shirkaasi laga qayb gallo.

Madaxweyne Siilaanyo oo isagu shirkaasi guddoominaayey ayaa gunaanadkii shirka wuxuu u sheegay golaha Wasiiradda inuu qaadan doono go’aan kama dambays ah waxaana wararku tibaaxayaan inuu caawa fiidkii u yeedhay Wasiiru-dawlahiisa arrimaha dibadda Dr. Maxamed Rashiid  Sheekh Xasan isla markaana uu u sheegay inuu go’aan ku gaadhay in shirkaasi laga qayb gallo.

Madaxweynaha ayaa markii hore qorshaha waxaa ugu jiray inuu isaga laftigiisa oo ay wehelinayaan wasiiro uu gadh-hayeen u yahay arrimaha dibaddu uu shirka ka qayb gallaan.

Somaliland ayaa 21 sannadood ka hor waxay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale muddadii 20-ka sanno ka hor xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaanay hore u dhicin inay Xukuumadna ku dhiirato tii Cabdiraxmaan Axmed, tii Madaxweyne Cigaal iyo tii Daahir Rayaale Kaahin inay meel la fadhiistaan kooxaha Soomaaliya iyago huwan magacii qarranka Somaliland,  golayaasha Somaliland ayaa sannadkii 2000 waxay soo saaren mooshin sharci oo labada gole ay  si wada-jir ah u ansixiyeen kaasi oo ka mamnuucaayey in qof ku abtirsada Somaliland aanu ka  qayb gelin karin shirarka qaybaha Soomaaliya loo qabanayo, isagoo mooshinkaasi sharci ee wakhtiga hirgalay uu dhigaayey in Somaliland ay la hadli doonto Soomaaliya oo ku midaysan hal hogaan isla markaana loo hadli doonno sida laba dal oo siman.

Madaxweynaha haatan ka taliya Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo  oo lagu xanto inuu aaminsanyahay nidaamka Federaalka Soomaaliya isla markaana jecel midnimadii Soomaaliyeed ayaa Xukuumadiisu markii ay tallada dalka la wareegtay iyado jirta bilo gudaheed wuxuu Wasiirkiisa arrimaha dibadda u diray Shir uu qaban qaabiyey Mac-had la yidhaahdo Wiltonpark oo loo qabtay qaybaha Soomaalida bishii February, shacabka reer Somaliland badankood ayaa liqi kari la’a Xukuumaddii ay doorteen inay la timid ajande ay Somaliland maalinba maalinta ka danbaysa ugu riixayso inay ka laabato mawqifkii qaranimada Somaliland.

Arrintani ayaa la filayaa in ilaa maalinta berri ah ay Xukuumadda shaaca ka qaadi doonto haddii alla idmo waxaana la filayaa inay gudaha Somaliland ka dhalin karto buuq siyaasadeed iyo kacdoono ay shacabku kala hor yimaadaan, Madaxweyne oo isagu hore u sheegay in arrintani tallo lagu dhamaystirayo ayaan la garanaynin in hogaamiyayaasha axsaabtu laftigoodu ay qayb ka noqdeen inay Somaliland shirkaasi loo qabanayo maamul goboleedyada Soomaaliya ay ka qayb gasho.

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: