Maamulka Somaliland oo si kulul uga hadlay xafiiska Qaramada Midoobay ee Muqdisho laga furay, kuna tilmaamay…

Siyaasiga Cali Warancadde oo oo ka mid ahaa muddo dheer Xukumaddii Daahir Rayaale ee maamulka Somaliland ayaa si adag uga hadlay u soo guuritaan Augustine maahiga ee magaalada Muqdisho.

“Arrintaas waxaan u arkaa barigii hore Somaliland mustacmaraddii Ingiriisku waxay ka xukumi jirtay Cadan, deedna markii ciidamadeedii hantiyeen ee dalka Odayaashiisii lala heshiiyay ee ay arkeen in xukunkii Ingiriisku uu caga dhiganayo Somaliland ayaa waxa soo u guuray barasaabkii u fadhiyi jiray Ingiriiska magaalada Cadan, waxaana uu u soo guuray magaalada Hargeysa, halkaasuu deedna wax boqol sano ku dhow inagu xukumayey, marka taariikhu waxa la yiraahdaa had iyo jeer iyadaa isa soo celisa markaas waxaad moodaa taariikhdii hore ee mustacmaraddu inay soo noqotay, Mahiga markii hore waxa uu ka xukumi jiray Soomaaliya Nayroobi maanta markii uu ogaaday inuu si wanaagsan gacanta ugu dhigay xukunkii iyo dalkiiba ciidan ahaan iyo xoog ahaanba inuu markaasi sidii Barasaabkii Ingiriiska uu u soo guuro Xamar wax layaab leh ma aha, waxay sii adkeynaysaa un mustacmaraddii casriga aheyd ee soo caga dhigatay Soomaaliya, khatarna waa ay inagu tahay oo awal Nayroobi bay aheyd laakiin hadda waxa uu soo galay Soomaaliya oo aan xuduud leenahay, markaas anigu waxaan u arkaa mustacmarad wakhtigay bilaabmi doonto ma garanayo ee lakiin mustacmarad hor leh oo casriya inay dalka Soomaaliya la gelliyey ayaan u arkaa” ayuu yiri Waran-cadde.

Sidoo kale Mr. Warancadde mar uu ka hadlayey shirka Soomaalida loo qabanayo ee lagu wado inuu ka furmo bisha Fibaraayo dalka Ingiriiska ayaa waxa uu yiri “Runtii anigu waxaan u arkaa shirkaasi inuu yahay shir khatar ku ah Somaliland, himiladii labaatanka sano iyo intii ka horeysayba aynu u soo dagaalameynay uu ka horimanaayo, runtii hadda inooma cusba in leynoo yeero oo shirarka Soomaaliya laynooga yeero, mudadaasi labaatanka sano aheydba waa leynoo yeerayey, hase yeeshee inagoo intan ka itaal daran, oo ka dhib badan oo ka dowlad yar oo ka dhaqaale xun ayaa leynoo yeerayey markaas marnaba hadafkeena kamynaan leexan mudadaasi labaatanka sano aheyd, anigu waan la yaabanahay inaga oo meel wanaagsan mareyna oo dadku ina majiiranaayo oo leyna bartay oo dadkeenu maanta uu isku tashaday hadafkoodiina ay maanta hayaan oo waliba maanta bulshada reer Somaliland waxay u badantahay dhalinyaradii intii la kala goostay Soomaaliya iyaga ama toban jira ama sideed jir ah oo aan Soomaaliya waxay tahay aan garaneyan, markaas maanta sabab jiilka intaas la’eg ee boqolkiiba todabaatanka ah oo aniga iyo xoogaa da’dayda ah mooyaane cid Soomaaliya soo aragtayba aysan jirin, sabab maanta jiilkaasi uu ugu baholyoobo Soomaaliya oo aan sodankaasi sano dil boob iyo gawrac wax aan aheyn aan ka maqal Soomaaliya sabab runtii ay ugu baholyoobaan anigu garan maayo, waana arrin inaga inagu xiran hadaynu nahay Somaliland iyo madaxdeena.

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: