Midowga Africa oo taageeray shir caalami ah oo dowlada Ingiriisku dhowaan dalkeeda ugu qabaneyso madaxda Soomaalida

Midowga Afrika ayaa si diiran u soo dhoweeyey shirka dhowaan dowlada Ingiriisku ay ku baaqday iney dalkeeda ugu qabaneyso madaxda dhinacyada Soomaalida kaasoo looga hadlay arimo ku saabsan la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida iyo xoojinta amaanka Somalia.

Jean Ping Guddoomiyaha midowga Africa oo ka hadlayay magaalada Addis Ababa oo uu ka socdo kulan madaxeedka midowga Africa ayaa sheegay in midowga Africa uu soo dhaweynayo kulanka ay dowladda ingiriiska ay u qaban qaabinayso dhinacyada somalida kaasoo la filayo in bisha February ee soo socota uu ka dhaco magaalada London.

Guddoomiyaha midowga afrika ayaa sheegay in kulankaasi uu yahay mid dowladda ingiriiska ay ku doonayso inay ku soo gaba gabayso rabshadaha 21 sano jirsaday ee ka taagan dalka Somalia, kuwaasoo horseeday dhibaatooyin saameyn ku yeeshay caalamka oo ay ka mid yihiin burcad badeeda iyo kooxaha argagisada ah sida uu warka u dhigay.

“Waa muhiim kulanka soomaalida loogu qabanayo London Waayo? Waa mid looga tashanayo aayaha Somalia isla markaana lagu rajo wayn yahay inay ka soo baxaan natiijooyin xal u noqda xaaladaha cakiran ee ka jira dalka Somalia oo ilaa hadda marba weji cusub la asoo baxaya” ayuu yiri Jean Ping

Jean Ping ayaa dhanka kale ku amaanay ciidamada midowga Africa ee AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ah ee soomaaliya, guulaha ay ka soo hoyeen dagaalka ka dib markii sida uu yiri ay gacanta ku dhigeen goobo muhiim ah oo ku yaala magaalada Muqdisjo oo ay horay uga talinayeen Xarakada Al-Shabaab

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: