Talyaaniga oo soo jeediyay talo laga xumaado oo Soomaaliya ku wejahan iyo Reysul wasaare Gaas oo dalkaa u booqoolay

 

Rome Jan 28,2012(MomentMedia)- Dawlada dalka Talyaaniga oo iyadu hore u gumeysatay qeyb ka mid ah dhulka Soomaalida ayaa talo waxa uu ka soo jeediyay xal loo helo siyaasada murugsan ee Soomaaliya.

Qoraal dalkaa ka soo baxay ayaa lagu sheegay in guud ahaan Jamhuuriyadii Soomaaliya lagu celo maxmiyad ay wadajir u xukumaan dalalka reer Yurub Midawga Africa iyo Qaramada Midoobey.

Taladan Talyaaniga ayaa ku soo begmeysa iyada oo lagu wado bisha soo socota in dalka Britan lagu qabto shir Soomaalida dawlad loogu soo dhiso.

Talyaanigu waxa uu leeyahay dawlad ka kooban QM AU iyo EU haloo dhiso Soomaalida iyada oo laga qeybgelinayo tiro aqoonyahan Soomaali ah oo dalka u diyaariya doorashooyin iyo Dastuur dhab ah oo uu yeesho.

Taladan Gumeysi ku celinta ah ayaa sawir ka bixineysa arxan darada caalamka iyo talo xumada Soomaalidu caanka ku noqotay 30kii sano ee u danbeeyay.

Reysul wasaaraha Soomaaliya ayaa u boqoolay dalkan gumeystaha ah ee taladii ugu xumeyd ebid  soo bandhigay.

Dalalka Dunida masuuliyiintooda iyo wax garadkooda waxa lagu yaqaanaa in ay ka dhiidhiyaan dibindaabyada cadawga iyo qaadacaada talooyinka guracan.

Soomaalida ayaa ka ogolaad sanadihii u danbeeyay in dalal Afrikaan ah iyo denbiileyaal Islam sheegta in dalkooda ay ka dhigaan goob dagaal isla markaana adun looga qaato dunida.

Markaa waa la fili karaa in arinba arinka ka guracan in lagula soo doonto,ileyn waa halka aad isdgtaye.

Halkan hoos ka Akhri Taladda Talyaaniga Xal u helidda Somalia

Halkaan ka akhri: Italian Non Paper Post Transition In Somalia

Categories: Truth to Power | 1 Comment

Post navigation

One thought on “Talyaaniga oo soo jeediyay talo laga xumaado oo Soomaaliya ku wejahan iyo Reysul wasaare Gaas oo dalkaa u booqoolay

  1. Somalia: Prime Minister, Italy has the lead
    Ali, historical friendship with Rome, we expect much help
    30 gennaio, 11:00
    (ANSA) – ROME, 30 GEN -”Italy has a leading role in the peace process and reconstruction of Somalia.”And ’This is the invitation that the Somali Prime MinisterMohamed Ali Abdiweli, in an interview with ANSA, addressed to Italian institutions.”Ours’ a historic friendship, there is’ a great expectation on the part of the Somali people will be able to support that ’the Italian government on security matters and further development of the institutions of the country,”said Ali , on an official visit to Rome. (ANSA).

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: