Ra’iisul Wasaaraaha Soomaaliya oo la hadlay Ardeyda Talyaaniga

Ra’iisul Wasaaraaha Soomaaliya oo la hadlay Ardeyda Talyaaniga

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali oo beryahan booqasho rasmi ah ku jooga Rome ayaa la hadlay Ardayda Talyaaniga. Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen Hay’adda Arrimaha Dibedda ee Talyaaniga ( The Italian Society for International Organization (SIOI)).

Hay’adan ayaa waxaa Guddoomiye ka ah Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Franco Frattini oo goob joog ka ahaa kulanka ayaa waxaa ka soo qeybgalay arday fara badan, barafasooro iyo diplomaasiyiin oo uu ka mid ahaa Safiirka Turkiga u fadhiya Talyaaniga.

Raìiisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kulankan ka jeediyey khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysa oo uu uga hadlayey xaaladda dhabta ah ee Soomaaliya, horumarka ay Dowladdu ku tallaabsatay 6dii bilood ee ugu danbeysey, Roadmapka, iyo Qorsheyaasha u degsan Soomaaliya ee lagu wado in looga saaro ku meel gaarnimada iyo arrimaha gar-gaarka ban’aadanimo. Fadlan fiiri lifaaqa khudbadii oo qoraal ah.

Kulankan waxaa goob joog ka ahaa oo ka hadlay Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee Talyaaniga H.E. Franco Frattini, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda H.E. Staffan De Mistura, Safiirka Turkiga u fadhiya Talyaaniga, Mas’uul ka socday Safaaradda UK ee Talyaaniga. Sidoo kale Ardeydii ayaa su’aalo weydiinayey Ra’iisul Wasaaraaha Soomaaliya.

N.B.

Talyaanigu waxa uu leeyahay dawlad ka kooban QM AU iyo EU haloo dhiso Soomaalida iyada oo laga qeybgelinayo tiro aqoonyahan Soomaali ah oo dalka u diyaariya doorashooyin iyo Dastuur dhab ah oo uu yeesho.

Taladan Gumeysi ku celinta ah ayaa sawir ka bixineysa arxan darada caalamka iyo talo xumada Soomaalidu caanka ku noqotay 30kii sano ee u danbeeyay.

Reysul wasaaraha Soomaaliya ayaa u boqoolay dalkan gumeystaha ah ee taladii ugu xumeyd ebid  soo bandhigay.

Dalalka Dunida masuuliyiintooda iyo wax garadkooda waxa lagu yaqaanaa in ay ka dhiidhiyaan dibindaabyada cadawga iyo qaadacaada talooyinka guracan.

Soomaalida ayaa ka ogolaad sanadihii u danbeeyay in dalal Afrikaan ah iyo denbiileyaal Islam sheegta in dalkooda ay ka dhigaan goob dagaal isla markaana adun looga qaato dunida.

Markaa waa la fili karaa in arinba arinka ka guracan in lagula soo doonto,ileyn waa halka aad isdgtaye.

Halkan hoos ka Akhri Taladda Talyaaniga Xal u helidda Somalia

Halkaan ka akhri: Italian Non Paper Post Transition In Somalia

 








Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: