Ra’iisul Wasaare Abdiweli oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Talyaaniga {Sawiro}

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Talyaaniga ayaa kulan dheer la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Talyaaniga H.E. Giulio Terzi. Kulankan ayey labada mas’uul uga hadleen xiriirka qotada dheer ee labada dal, xaalada dalka Soomaaliya, arrimaha Burcad-badeeda, arrimaha Amniga iyo Shirka London.
Kulanka ka dib ayey labada mas’uul wada qabteen shir-jaraa’id oo ay saxaafadda kula hadleen Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Talyaaniga. Raìiisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Talyaaniga sida ay uga go’antahay in la sii xoojiyo xiriirka qotoda dheer iyo u gargaarida shacabka Soomaaliyeed.
 Labada mas’uul waxey sheegeen inay ka wada hadleen arrimo muhiim u ah labada dal, ayna rajeynayaan inay sii xoojiyaan xiriirka labada dal. Sidoo kale waxey labada mas’uul sheegeen inay ka wada hadleen shirka London oo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya sheegay in la rajeynayo in shirkaas uu middeeyo beesha caalamka oo ay u soo jeestaan sidii xal waara loogu heli lahaa Soomaaliya, isla markaan lagu sii horumarin lahaa dadaalada socda iyo horumarka laga sameeyey dhanka Amniga, Dib-u-heshiisiinta, Xiriirka maamulada iyo Dowladda, Maamul wanaaga,
Dastuurka qabyada ah iyo dib-uhabeynta Baarlamaanka. Wasiirka Arrimaha Dibedda Talyaaniga ayaa sheegay in Talyaaniga uu tagayo shirka Lodon isla markaana taageeri doono mowqifka Soomaalida si xalku u noqdo mid ay Soomalidu leedahay.
Raìiisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa Qado sharaf u sameyey Wasiir ku xigenka Arrimaha Dibadda Talyaaniga H:E. Staffan De Mistura oo ay labada mas’uul ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal.
Raìiisul Wasaaaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato Wasiirada Gaashandhiga, iyo Arrimaha Gudaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Talyaaniga.

N.B.

Talyaanigu waxa uu leeyahay dawlad ka kooban QM AU iyo EU haloo dhiso Soomaalida iyada oo laga qeybgelinayo tiro aqoonyahan Soomaali ah oo dalka u diyaariya doorashooyin iyo Dastuur dhab ah oo uu yeesho.

Taladan Gumeysi ku celinta ah ayaa sawir ka bixineysa arxan darada caalamka iyo talo xumada Soomaalidu caanka ku noqotay 30kii sano ee u danbeeyay.

Reysul wasaaraha Soomaaliya ayaa u boqoolay dalkan gumeystaha ah ee taladii ugu xumeyd ebid  soo bandhigay.

Dalalka Dunida masuuliyiintooda iyo wax garadkooda waxa lagu yaqaanaa in ay ka dhiidhiyaan dibindaabyada cadawga iyo qaadacaada talooyinka guracan.

Soomaalida ayaa ka ogolaad sanadihii u danbeeyay in dalal Afrikaan ah iyo denbiileyaal Islam sheegta in dalkooda ay ka dhigaan goob dagaal isla markaana adun looga qaato dunida.

Markaa waa la fili karaa in arinba arinka ka guracan in lagula soo doonto,ileyn waa halka aad isdgtaye.

Halkan hoos ka Akhri Taladda Talyaaniga Xal u helidda Somalia

Halkaan ka akhri: Italian Non Paper Post Transition In Somalia

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: