Talyaaniga oo Soomaaliya ka caawinaya dhismaha ciidanka cirka

Wasaaradda gaashaandhigga Talyaaniga ayaa maanta u ballan-qaaday xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya inay ka caawineyso dib u soo nooleynta ciidankii cirka ee Soomaaliya, caawinta iyo tababarista ciidanka xoogga dalka iyo sidii ay ciidanku uga qeyb qaadan lahaayeen qorshaha xasilinta dalka.

Arrintaas ayaa timid kaddib markii uu raysul wasaaraha xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali maanta kulan la qaatay wasiirka gaashaandhigga Talyaaniga Gianpaolo Di Paola oo ay ka wada-hadleen xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha ammaanka iyo sidii ay wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Talyaaniga wada-shaqeyn ula yeelan lahayd wasaaradda gaashaandhigga ee Soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhigga Talyaaniga, Gianpaolo Di Paola ayaa sheegay inay dowladdiisu diyaar u tahay in la sameeyo labo guddi oo ay yeelanayaan labada wasaaradood, kuwaas oo ka wada shaqeyn doona xiriirka gaashaandhigga ee labada dal. Di Paola wuxuu xaqiijiyay inay dowladda Talyaaniga si aad ay u daneyneyso arrimaha Soomaaliya ayna ka taageeri doonto dhinacyo badan.

Raysul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka Talyaaniga ku jooga booqasho rasmi ah ayaa wasiirka gaashaandhigga Talyaaniga uga warbixiyay horumarka ay xukuumaddiisu ka sameysay soo celinta amniga iyo inay la wareegtay magaalada Muqdisho, deegaanno ka tirsan Jubbooyinka, Gedo iyo Hiiraan oo ay horay ugu sugnayd Al-Shabaab.

 

 

 

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Warbixinada la Xiriira:

  1. Raiisul-wasaare-abdiweli-oo-la-kulmay-wasiirka-arrimaha-dibedda-ee-talyaaniga-sawiro/
  2. Raiisul-wasaaraha-soomaaliya-oo-rome-kulan-kula-qaatay-jaaliyadda-soomaaliyeed-booqashana-ku-tegey-
  3. Raiisul-wasaaraaha-soomaaliya-oo-la-hadlay-ardeyda-talyaaniga/
  4. Wasiirka gaashaandhigga DKMG oo u safray Talyaaniga, 2011/01/26
  5. Ra’isul wasaarayaasha Soomaaliya iyo Talyaaniga oo ka wadahadlay xaaladda Soomaaliya, 2011/01/21
Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: