Xubin ka tirsan wefdiga R/wasaare Gaas ee Roma-Italy booqday oo sheegay in wasiiradda gaashaandhiga & arrimaha gudaha Talyaaniga ay weydiiyeen Gaas su’aalo adag (Xog rasmi ah)‏

Waxaa magaalada Roma ee dalka Talyaaniga ku sugan wefdi uu hogaaminayo R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaali C/weli Gaas, oo ay wehliyaan xubno ka soo jeeda Puntland, waxaana wefdiga R/wasaaraha ay maanta kulan la yeesheen wasiiradda arrimaha gudaha & gaashaandhiga Talyaaniga,oo ay kala hadleen arrimo ku saabsan khilaafka dowladda, shirka dhowaan loo balansan yahay inuu ka dhaco Ingiriiska & qodobo kale oo xasaasi ah, waxaana shir gaar ah oo albaabada la isku xirtay uu dhexmaray R/wasaare Gaas oo uu wehliyey C/risaaq Juriile & xubno ka mid ah wasiiradda dowladda Talyaaniga, waxeyna wararka ka imaanaya kulankaasi sheegayan in R/wasaaruhu ka hadlayey sidii ay dowladda Talyaanigu mashaariicyo kala duwan kaga hirgelin laheyd deegaanada Puntland.

Xubin ka mid ah wefdiga R/wasaaraha oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso waxa uu u sheegay shabakadda in wasiiradda arrimaha gudaha & gaashaandhiga Talyaaniga ay weydiiyeen R/wasaaraha sababta ay safarkiisa ugu wehlin waayeen dhigooda (Wasiiradda arrimaha gudaha & Gaashaandhiga dowladda Soomaaliya)oo u soo kaxeystay xubno u badan Puntland.

“Nidaamka dowliga ah waa uu dhigayaa haddii R/wasaaruhu la kulmayo wasiirka arrimaha gudaha ama gaashaandhiga in safarkiisa ay ku wehliyaan isla wasiiraddii ama ku-xigeenadoodii ee xukuumadda ku jiray, R/wasaaruhu wuxuu u dhaqmay sida inuu yahay Madaxweynaha Puntland, dhammaan kulamadii uu la yeeshay labada wasiir waxaa ka qeybgalay isaga & Jurille xittaa Nuur Cadde oo ah safiir waxaa lagu yiri iska joog adiga laguuma baahnee, arrintaasi waxa ay ku tusineysaa sawirka dhabta ah ee R/wasaaraha” ayuu yiri xubin ka mid ah wefdiga R/wasaaraha oo ka gaabsaday magaciisa, wuxuuna intaa ku daray inuu u soo jeedinayo madaxweynaha inuu arrintaasi il gaar ah ku eego.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Categories: Truth to Power | 2 Comments

Post navigation

2 thoughts on “Xubin ka tirsan wefdiga R/wasaare Gaas ee Roma-Italy booqday oo sheegay in wasiiradda gaashaandhiga & arrimaha gudaha Talyaaniga ay weydiiyeen Gaas su’aalo adag (Xog rasmi ah)‏

  1. Madaxweyne Shariif “Qaranimo buuxda oo Somalia ay gaarto waxaa diidan sadex cadow oo kala ah, Jaahilnimo, Qabyaalad iyo Faqri”

    Madaxweynaha Somalia Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay munaasabad shalay lagu qabtay xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa ku baaqay in la la dagaalamo Jaahilnimada, Faqriga iyo qabyaaladda kuwasoo uu sheegay inay hor taagan yihiin dowlad Cadaaladad ah oo Soomaaliya ay yeelato

    “Waxaan rabaa in aan farta ku fiiqo in aan la dirirno sadex arrin oo aad iyo aad Qatar ugu ah soo celinta Qaranimo buuxda, mida ugu horeysa waa Qabyaaladda midda ku xigtana waa Jahliga mida 3aadna waa Faqriga, qabiil uma baahnin haddii aan helo dowladda Cadaalad ah, fursadna waxaan u haysanaa hadda wixii ka dambeeya gacanteenna in aan ku samaysano dowlad caadil ah, Dowladdii aan na anfacayna inaan dhahno Albaabka xitaa maahee daaqada ka bax,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

    Madaxweynaha ayaa soo dhoweeyey xasiloonida Somaliland ka jirta, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay taageerayaan, kuna faraxsan yihiin nabadda ay gaareen “Shacabka walaalaheena ah ee Somaliland waxaan aaminsanahay in ay nooga maqan yihiin dhibaatooyinkii dhacay xiliyadii la soo dhaafay, waxaa sidoo kale xaqiiqo ah in dhibka ku dhacay mid ka badan uu nagu dhacay, haddii ay wax naga tabanayaana waxaan diyaar u nahay in xaal bixino oo aan raali gelin siino “ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya oo sii hadlayey.
    Dhinaca kale Madaxweynaha dowladda KMG Somalia Shariif Sheekh Axmed ayaa soo hadal qaaday dagaaladii ka dhacay Degmada Buuhoodle ee Gobolka Togdheer kuwaasoo dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa maamulka khaatumo, isagoo sheegay in dadka ku dagaalamaya deegaanadaasi ay yihiin dad walaalo ah isla markaana loo baahan yahay inay joojiyaan dagaalada soo laalaabtay.

    “khilaafka iyo dagaalka ka soo cusboonaaday Buuhoodle iyo Somaliland, hadii aan u leexdo waxaan leenahay waxaa tihiin dad walaalo ah waxaa tihiin dad wada dhashay, waxaa tihiin dad isdhalay, waxaa tihiin dad aan kala guureyn marka Soomaali in ay dagaal ku dhimato oo is disho waa laga soo daalay dagaalka joojiya wada hadal iyo wanaag u soo laabta taas ayaa is faham lagu gaari karaa” ayuu yiri Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed

  2. Madaxweyne Shariif Ahmed iyo Ahmed Siilaanyo oo qadiyad xasaasiya ka wada hadlay

    02 Febaury 2012 Waagacusub.com-Madaxweynaha Somalia Shariif Sheekh Ahmed iyo Madaxweynaha Somaliland Ahmed Siilaanyo ayaa markii ugu horeeysay taariikhda khadka telefoonka uga wada hadlay qadiyad xasaasiya oo la xiriirta Shirka London lagu wado inuu ka dhaco 23 February 2012.
    Labada hogaamiye oo ay wada hadalkooda ka shaqeeyeen guddi isku dhafa oo kala metelayay beelaha Hawiye iyo Isaaq ayaa lagu magacaabay Guddi cusub oo ka kooban 16 xubnood kuwaas oo la filayo inay todobaadkaan socdaalo siyaasadeed ku kala tagaan Muqdisho iyo Hargeysa.
    Gudigga 16 Xubnood oo ah 8 u dhalatay Isaaq iyo 8 u dhalatay Hawiye waxay 7 maalmood gudahood ka talo bixin doonaan sida qadiyada Beesha Irir ee Shirweynaha London iyagoo warbixin u gudbin doona Shariif Sheekh Ahmed iyo Ahmed Siilaanyo.
    Warbixintaan oo ay Wariyeyaasha Waagacusub xog buuxda ka heleen waxaa loogu magacdaray G16 .
    Siilaanyo iyo Shariifka ayaa wada hadalkooda waxaa ka shaqeeyay ganacsade u dhashay beesha Hawiye oo ku nool Magaaladda Hargeysa kaas oo sheegta inuu yahay Gudoomiyaha Jaaliyadda Hawiye ee Somaliland.
    Shariifka iyo Siilaanyo maxay ka wada hadleen?
    Labada Hogaamiye waxay wada hadalkooda uga doodeen Shirweynaha London oo ay ku sheegeen inuu yahay mid la doonayo in lagu majaxaabiyo beelah Isaaq iyo Hawiye.
    Madaxweyne Siilaanyo ayaa Shariif Ahmed u sheegay in Shirweynaha London iyo qorshaha maxmiyada cusub ee KMG uu yahay mid ay ka soo shaqeeyeen Siyaasiyiin u dhashay beesha Daarood sidaas darteedna loo baahan yahay in la badbaadiyo Dadka iyo degaanada Irir.
    Shariif Ahmed fikirka Siilaanyo kama bixin jawaab la xiriirta fikirkiisa hasse yeeshee wuxuu ku gaabsaday oo kaliya,”Waan kaaga mahadcelinayaa xiriirka wanaagsan iyo fikrada aad soo bandhigtay,telefoonada ma fiicna ee gudigga labada dhinac ha is arkeen,Anagana aan dib u wada hadalno”
    Nin ka mida gudigga cusub ee Isaaq iyo Hawiye oo aan xog wareeysanay ayaa sheegay in qadiyadu tahay in Hawiye iyo Isaaq iska kaashadaan sidii loo badbaadin lahaa Sharaftooda iyo Karaamadooda,iyadoo ay mar walba suurtagal tahay in beesha Isaaq taageerto hadii beesha Hawiye ku guuleeysato inay degaanadooda ka hergeliso maamul Salbalaaran.
    Nin ka tirsan ergada meteleysa beesha Isaaq oo la hadlay odayaasha Hawiye ayaa tibaaxay inay beesha Isaaq ka tanasushay qadiyadii gooni isu taaga maadama ay socdaan wax uu ku sheegay DAGAAL KA DHANA IRIR.
    “ Odayaashiina Hawiye waxaan idinka rabnaa maanta Iskaashi iyo Jeegaantii aanu laheyn weligeeyn ,hadaad nala garataan waan ka guuleeysan doonaa Daaroodka Raas Caseyr ilaa Raas Kambooni isu Habar wacday hadii aad nala garan weysaana dadkeenu waxay geli doonaan Gumeeysi cusub “ayuu yiri Nin ka mida ergada Beesha Isaaq.
    Habargidir iyo Isaaq waxaa ka dhaxeeyay Jeegaan taariikhiya oo ay kala saxiixdeen Iska hadloow ina Igare iyo Caydiid Garaad.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: