Waa maxay dimoqaraadiyad?

Qoraalkaan wuxuu sharaxayaa waxa ay dimoqaraadiyadda tahay. Qoraalkaan markii hore wuxuu ku qornaa af ingiriis oo waxaa qoray barofasoor Mareykan ah oo lagu magacaabo Larry Diamond  oo Jaamacadda Standford University ka dhiga cilmiga siyaasadda. Qoraalkaan wuxuu kaa caawin doonaa fahamka waxa ay dimoqaraadiyadda tahay.

Dimoqaraadiyadda waxay ka kooban tahay afar qeybood oo asaasi ah.  Afartaan qeybood waa tiirarka ugu muhiimsan ee dimoqaraadiyadda.

  • 1. Dimoqaraadiyadda waa nidaam siyaasadeed oo ay xukuumadaha isku bedelaan ka dib doorasho xor ah oo caddaalad ah.
  • 2. Waa nidaam siyaasadeed oo ay dadweynahu si firfircoon aga qeyb qaataan siyaasadda.
  • 3. Waa nidaam Dhowra xuquuqda bini’aadanimo ee muwaadiniinta oo dhan
  • 4.Waa nidaam uu sharcigu isku si u qabto qof walba

Waxaan halkaan hoose sharaxaad kooban ka bixinayaa qeyb walba oo ka mid ah afarta qeybood ee ah tiirarka dimoqaraadiyadda.

1. Isbedelka xukuumadaha

Dimoqaraadiyadda waa nidaam ay dadku ku doortaan hoggaamiyaashooda oo ay na dadku kula xisaabtamaan hoggaamiyaashooda sida ay shaqada iyo siyaasadda u wadaan.

Dadka ayaa go’aansada ciddii ku matali lahayd dowladda ayaga oo kala dooranaya xisbiyo iyo shaqsiyaad ku tartamaya doorasho joogto ah oo xor iyo caddaalad ah.

Xukuumadda waxay ku dhisan tahay rabitaanka dadweynaha.

Dimoqaraadiyadda waa nidaam ay dadweynuhu xor yihiin. Dadweynaha ayaa leh awoodda ugu badan ee siyaasadeed ee dalka.

Awoodda waxay ka timaataa dadka, madaxduna waxay awoodda hayaan wakhti go’an.

Sharci cusub waxaa la suubin karaa haddii baarlamaanka intiisa badan ay ogolaadaan.

Dadweynaha xor ayey u yihiin in ay daliilaan madaxda ay doorteen iyo sida ay shaqada u wadaan.

Madaxda la doortay waa in ay u dhaga furnaadaan dadweynaha oo ay dhageystaan codsiga, talooyinka iyo baahida dadka. Waxna ka qabtaan baahida dadka.

Doorashooyinka waa in ay u dhacaan sida joogtada ah oo uu sharcigu dhigayo. Madaxda ma kororsan karaan wakhtiga aga dhiman ka degista jagada ayaga oo aan mar labaad doorasho rabitaanka dadweynaha soo gelin.

Xisbiyada siyaasadda iyo musharaxiinta waxay xaq u leeyihiin in ay si xor ah ugu ololeeyaan in la doorto. Waxayna xaq u leeyihiin in ay qorshahooda soo bandhigaan ayagoo adeegsan kara warbaahinta.

Goobjoogayaasha madaxa bannaan waa in loo ogolaado in ay la socdaan qaabka ay doorashada u dhacayso iyo qaabka loo tirinayo codadka si loo xaqiijiyo in doorashada ay tahay mid aysan ku jirin musuqmaasuq, cabsi iyo khiyaano.

Waa in la helo guddi madax bannaan oo aan u eexaneyn qolo si ay u halliyaan wixii muran ah oo ka dhasha natiijada doorashada.

2. Ka qeyb qaadashada siyaasadda waa kaalinta muwaadiniinta laga rabo.

Kaalinta ugu muhiimsan ee muwaadiniinta waa ka qeyb qaadashada siyaasadda.

Muwaadiniinta waxaa ku waajib ah in ay si taxadar le hula socdaan madaxda sida ay u adeegsanayaan awooddooda. Waana in muwaadiniinta ay ka dhiibtaan aragtiyadooda sida ay madaxda wax u wadaan. Waana in muwaadiniinta ay ilaalsadaan danahooda.

Ka qeyb qaadashada doorashooyinka waa masuuliyad saaran muwaadiniinta oo dhan.

Ka qeyb qaadashada siyaasadda waxay noqon kartaa u ololeynta xisbi siyaasadeed ama musharax, ka doodista arimaha siyaasadda, isku soo sharixid jago siyaasadeed iyo xatta ka qeyb galka bannaanbax.

Aad ayey muhiim u tahay in dumarka ay si buuxda aga qeyb gaataan siyaasadda.

Xisbiyada siyaasadeed waa laf dhabarta dimoqaraadiyadda.

Dimoqaraadiyadda waxay xoogeysattaa markii ay muwaadiniinta ay xubno firfircoon ka noqdaan xisbiyada siyaadadeed.

Jiritaanka dimoqaraadiyadda waxay ku xiran tahay muwaadiniinta oo ka qeyb qaatta siyaasadda laakiin ka qeyb qaadashada waa in ay ahaataa si nabad ah oo qadarisa sharciga, una dulqaadata aragtiyada kala duwan ee ururada iyo shaqsiyaadka.

3. Xuquuqda ay dimoqaraadiyadda siiso muwaadiniinta.

Muwaadin walba wuxuu leeyahay xuquuq asaasi ah oo ay dowladdu ka qaadan karin.

Waxaad xaq   u leedahay in aad fikradaada yeelato. Waad na sheegi kartaa fikradaada ama qori kartaa.

Qofna xaq uma laha in uu kuu sheego waxa aad ku qasban tahay in aad ku fakarto, rumeyso, sheegto ama aadan sheegin.

Qof walba wuxuu xor u yahay in uu diintiisa ku dhaqmo. Wuxuuna xor u yahay in uu qaato diinta uu doono.

Qof walba wuxuu xaq u leeyahay in uu haysto dhaqankiisa xattaa hadduu ka tirsan yahay dadka laga tiradada badan yahay.

Warbaahintu  waa xor, waana in ay tahay mid soo bandhigta aragtiyada kala duwan ee dadka.

Waxaad kala dooran kartaa in aad warka iyo warbixinada ka hesho warbaahinno kala duwan.

Waxaad xaq u leedahay in aad ku biiri kartid ururkii aad doonto ama aad abuurto urur cusub.

Waxaad xaq u leedahay in aad dalka gudihiisa ku dhex safri kartid iyo haddii aad doontid na  ka bixi kartid  dalka.

Waxaad xaq u leedahay si nabad ah in aad u mudaharaado iyo in aad ka mudaharaado falalka ay dowladda ku kacdo.
Qof walba waxaa ku waajib ah in xuquuqahaan uu ugu dhaqmo si nabad ah oo dhowreysa sharciga iyo xuquuqda dadka kale.

4. Sharciga ayaa taliya

Dimoqaraadiyaddu waa nimaad uu sharcigu ugu sarreeyo dalka ee shaqsiyaad uguma sarreeyaan dalka.

Dadka dhammaantood way u siman yihiin sharciga. Qofna laguma takoori karo diintiisa, qabiilkiisa, jinsiyaddiisa ama jaadka uu yahay (nin ama naag)

Qofna looma xiri karo ama looma tarxiili karo go’aan shaqsi daraadiis.

Haddii lagu xiro waxaad xaq u leedahay in aad ogaatid waxa lagugu eedeeyay, lagaana soo qaado in aad tahay dambi laawe illa ay maxkamad ay ku xukunto si sharciga waafaqsan.

Qof walba oo dambi lagu soo eedeeyay wuxuu xaq u leeyahay si dhakhso ah in la geeyo maxkamad caddaalad ah oo dadweynaha ka dhaxeysa. Muddada ay socoto maxkamadda waa in ay tahay muddo gaaban.

Qofna lama cansuuri karo ama laguma qaadi karo dambi ayada oo aan loo cuskanayn sharci horay u jiray.

Qofna sharciga kama sareeyo xatta boqor ama madaxweyne la doortay.

Sharciga waxaa si caddaalad ah oo eexla’aan ah u fuliya maxkamado ka madax bannaan laamaha dowladda.

Silic-dilka, ciqaabta naxariis darrada ah oo ka baxsan bini’aadanimada waa mamnuuc.

Awoodda dowladda waxay leedahay xad oo waxaa xad u ah sharciga. Shaqsi ka tirsan dowladda kuma xad gudbi karo xadka uu sharcigu dhigay.

Madaxda dowladda, madaxweynaha ama xisbiyada siyaasadda midkoodna uma sheegi karo garsoore maxkamad sida uu go’aan aga gaari lahaa dacwad ama kiis.

Madaxda dowladda iyo shaqaalaha dowladda awooddooda uma adeegsan karaan si musuqmaasuq ku jirto. Maxkamado madax bannaan iyo guddi madax bannaan ayaa ciqaabaya musuqmaasuqqa ayagoo aan tixlegin siineyn cidda uu yahay qofka musuqmaasuqqa geystay xatta haddii uu yahay madaxweynaha.

Categories: Truth to Power | 1 Comment

Post navigation

One thought on “Waa maxay dimoqaraadiyad?

  1. XALKU WAA IN JAHLIGA LAGA BAXAA ”Ummad walba waxey yeelataa Hogaamiyayaal Ummadaa u Qalma”.

    Jahligu waa cudur halis ah hase`ahaate daawo leh daawadiisana waa cilmiga. Jahliga qofka wuxuu geliyaa nolol mugdi ah,misaanka wax lagu qiyaasana wuu ka dhumiyaa(jaahilku sheyga mudan in la qimeeyo ma qiimeeyo,waxaan qiimo lahayna aad ayuu u qiimeyaa).Qofka jaahilka ah asagoo nolol barwaaqa ah ku jiro ayuu hadana ka gajeeysanyahay, waxa u roon iyo waxa u daran ma kala garto.Qofka jaahilka ah ma qimeeyo waqtiga kamana faa`ideysto, maalintii dhalataana tan kale wax uguma duwana .Jaahilku asagaa isla gar leh mar walba lagamana gar helo,muranka iyo doodana waa awooda keliya ee uu leeyahay.

    Nasiib xumo ummada Soomaaliyeed cudurkaa xun ayaa dhinac walba noloshooda ka saameeyey ha noqoto dhinac diin iyo mid xirfad(profession).Hadana ma nihin ummad ku baraarugsan dhibaatada jahliga uu leeyahay.Soomaali hadaynu nahay kama doodno mana tixgelino qiimaha aqoonta leedahay, misaan weyna uma yeelno.Waxaa isweeydiin mudan hadaan Soomaali nahay ma leenahay 1000(kun) qofood oo jamiciyiin ah oo taqasus fiican leh?.Aniga ahaantayda uma malaynayo in aan leenahay 1000 (kun ) qafood oo soomaali ah oo leh takhasus jamacadeed oo rasmi ah oo ummadooda wax u qaban karta.Takhasus rasmi ah waxaan ulla jeedaa dad waxa ay soo barteen ku shaqeyn kara,ummadana wax u qaban kara.Ka warama ummad dhan oo toban malyan ku dhow oo aan lahayn kun qafood oo jaamiciin ah oo taqasus fiican leh,ummadaas imasa ayey is bixin kartaa,xattaa hadey dowlad hesho?.

    Dhibaatada jahliga ummada ku hayo waa arin aan Soomaalida ka doodin. Soomaalida inta wax qorta waxey dhibaatada Soomaaliya ka jirta dusha ka saraan Dagaal oogayaasha.Waa dhab Dagaal oogayaasha dhibaatada wadanka jirta qeyb weyn ayey ku leeyihiin cidi ma dafiri karto hase ahaate waxaa isweydiin mudan shacab jaahil ah imisa ayuu ku leeyahay dhibaatada wadanka?

    Dadka ku takhasusa cilmiga bulshada (Sociology) waxay yiraahdaan ”ummad walba waxey yeelataa hogaamiyayaal ummadaa u qalma”.Sababta oo ah hogaamiyaha sidiisaba ummaduu ka soo dhaxbaxaa oo sidii roobkii cirka kama soo da´o.Ummad aqoontooda aad u hoseysa oo habka ama nooca hogaamiyayaasha u xushaan ama ku taageraan ay tahay asbaabo aad u liito, sida qabiilka iyo wax lamid ah wey adagtahay in ay helaan hogaamiye fiican.

    Waxaan maalin wada shekeesaney oday Soomaaliyeed, oo runtii malintaa wixii ka horeeyey aan u arki jirey qof aragti dheer,waxa uu i sheegay in uu tageere u yahay nin kamid ah Dagaal ogayaasha Soomaaliya .Wuxuu odaygaa ii sheegay sababta uu u tageero ninkaa Dagaal ooga ay tahay in ay isku hayb hoose yihiin .Odaygaa aragtidii waxay bulshada Soomaaliyeed ka noqotey wax caadi ah oo aan lala yaabin.Dunida hora martey qofka hogaamiyaha ah waxay ku taageraan aragtidiisa siyaasadeed iyo wanaaga shaqsiga uu leeyahay, lakiin dhalasho iyo degaan uu ka soo jeedo laguma doorto hogaamiye, lagumana tageero.

    Qabiil keliya oo la`isku taageero waxay faa`ido weyn u tahay Dagaal oogayaasha Soomaaliyeed sababta oo ah wuxuu ogyahay wuxuu sameeyo iyo wuxuu ku hadlaba in aan loo qabaneynin,oo mar walba uu helayo tageerida beeshiisa,sidaa daraadeed Dagaal oogayaasha Soomaaliyeed malaha siyaasad iyo mab´da cad oo loogu yimaado, maalinba koox ayuu heshiis layahay,kuwii uu shaley la socdey ayuu maanta caynaya,maslaxadiisa meeshay ku jirto ayuu adaa, isaga oo aan marnaba eegeynin danta guud.Beesha uu ka dhashey tixgelin ma siiyo malintuu uga baahdo dhalinyaro oo uu dagaal geliyana wuu u habar wacdaa iyagana ma diidaan.In ummada Soomaaliyeed jahliga ku jiraan cadowga dibada iyo Dagaal oogaba waa u dan maxaa yeelay ummada markuu garaadkooda kobco Dagaal ooge iyo wixii xumaan wataaba daaqaduu ka bixi lahaa.

    Jahliga wuxuu ummadii Soomaaliyeed gaarsiiyey in naceybkii iyo qabyaaladii sii korodha.Soo ayaan daro ma aha in mudo 21 sano kadib in bulshadii weli qabiil qabiil isku aflagaadeyso:Qofka u fiirsada qoraalada ra`yiga ee webside-yada Soomaalida ku soo baxaan waad la yaabi sida la`isku aflagadeeyo taa waxaa ka daran Palktalk qolalka(Rooms) Soomaalida sameeysatey,qowladahaas ayaa qaar waxay u bixiyeen ” MAGACYO QABIIL” . Markaad qowladahan gashid oo aad dhageysatid dadka ku jira iyo waxa ay ku hadlayaan ,naxdin iyo amakaag ayaad ka qaadeysaa, rag iyo dumar aflagaadada waa ka wada qayb qataan,akhlaaq daro xushmad la`aan,damiir xumo iyo wax walba oo Ilaah xarimey ayaa qowladahaas lagu hadlaa.Waa dadkii dhibaatada ka badbaadey oo nasiibka u helay in ay ku noladaan wadan nabad ah una suurta gashey in ay isticmalaan aalad sidaas casri u ah(Internet),intii ay ra`yi fiican is dhaafsan lahayeen, wadankoodana u raadin lahayeen xal wanaagsan,iyagiina isku baran lahayeen,wax fiicana is fari lahayeen, waxey doorbideen in saacado badan wakhtigooda qaaliga ah ku lumiyaan aflagaado iyo wax danbi keliya uga saa`idaayo,ilayn ruuxa jahliga ah nimco iyo wanaag walba uu helo kama faa`iideysto oo si qaab daran ayuu u isticmaalaa.

    Kawa wadanka jooga dhibaato aduun ayey ku jiraan ,nabadgelyo la`aan,cudur,gaajo,waxbarasho daro.Kuwa dibada ku nolaana Qaad,dood macna dara ah iyo aflagaado ayuu waqtigiisa ku qataa.Ummad 80%(boqolkiiba sideetan) aan haysan shahaado dugsi hoose,islamarkaana diinta ay sheeganayaan wax ka aqoon,xadaarad horena aan lahayn,misna nacayb iyo colaad la kala dhaxdhigey,sidey qaran ku noqon karaan?.Sideyse ku wada noolaan karaan?. Hadaba waxaa isweeydiin mudan ummad Soomaalida ah yaa u maqan?.Xageyse ku sii socdaan?.

    Su`aashani jawaabteeda ma fududa lakiin aniga waxay ila tahay,waa in garaadka iyo aqoonta qofka Soomaaliyeed la dhisaa, isbedelna lagu sameeyo habka uu u fikiro.

    Qofka Soomaaliga ah waa in la baraa qofkii mudan in loo hiiliyo oo la taageero iyo kan mudan in laga hiiliyo, waa in la baraa qofka ah cadowgiisa iyo kan walaalkii ah, iyo dantiisa guud. Si ummada wax loo baro oo loo bedelo, garashadoodana kor loogu qaado, waxaa qasab ah in la helo waxgarad Soomaaliyeed oo rag , dumar,dhalinyaro iyo wayeelba leh,kuwaasoo damiir Soomaalinimo iyo mid muslinnimo ku jirta,oo ummadan u istaagta,kuwaaso ka nadiif ah cudarka qabyaalada,daacadna ay ka tahay u damqashada ay ummada u damqanayaan.

    Ummaddana u horseeda wacyi gelin iyo isku soo dhawaansho dhab ah. Dhalinyaradaa iyo odayaashaa wax garadka ah waa in ay dhisaan urur Soomaaliyeed oo xuduud qabiil lahayn, iskuna dayaan in ay badalaan akhliga iyo garaadka qofka soomaaliga ah. kuwaaso kulma sanadkii dhowr jeer, dunidana xafiisyo ku yeesha si ay ummada loo badbaadiyo iyo walaaltanimo ugu beeri lahayeen.Hadii rag iyo dumar arintan u istaaga la waayo oo qadiyada Soomaaliyeed Dagaal ooge wadanka iyo ummadii burburiyey loo daayo,waxaan u maley nayaa in 30 sano oo kale oo socota in sidaan, duli, rafaad iyo is jiid jiid loogu jiri doono.Dagaal oogayaasha maanta, ilmaha ay dhaleen iyo mooryaantooda ayaa mustaqbalkana shirar loo qaban donaa si xalkii aabayaashooda gaari waayey in iyaga inoogu gaaraan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: