XALKU WAA IN JAHLIGA LAGA BAXAA ”Ummad walba waxey yeelataa Hogaamiyayaal Ummadaa u Qalma”.

Jahligu waa cudur halis ah hase`ahaate daawo leh daawadiisana waa cilmiga. Jahliga qofka wuxuu geliyaa nolol mugdi ah,misaanka wax lagu qiyaasana wuu ka dhumiyaa(jaahilku sheyga mudan in la qimeeyo ma qiimeeyo,waxaan qiimo lahayna aad ayuu u qiimeyaa).Qofka jaahilka ah asagoo nolol barwaaqa ah ku jiro ayuu hadana ka gajeeysanyahay, waxa u roon iyo waxa u daran ma kala garto.Qofka jaahilka ah ma qimeeyo waqtiga kamana faa`ideysto, maalintii dhalataana tan kale wax uguma duwana .Jaahilku asagaa isla gar leh mar walba lagamana gar helo,muranka iyo doodana waa awooda keliya ee uu leeyahay.

Nasiib xumo ummada Soomaaliyeed cudurkaa xun ayaa dhinac walba noloshooda ka saameeyey ha noqoto dhinac diin iyo mid xirfad(profession).Hadana ma nihin ummad ku baraarugsan dhibaatada jahliga uu leeyahay.Soomaali hadaynu nahay kama doodno mana tixgelino qiimaha aqoonta leedahay, misaan weyna uma yeelno.Waxaa isweeydiin mudan hadaan Soomaali nahay ma leenahay 1000(kun) qofood oo jamiciyiin ah oo taqasus fiican leh?.Aniga ahaantayda uma malaynayo in aan leenahay 1000 (kun ) qafood oo soomaali ah oo leh takhasus jamacadeed oo rasmi ah oo ummadooda wax u qaban karta.Takhasus rasmi ah waxaan ulla jeedaa dad waxa ay soo barteen ku shaqeyn kara,ummadana wax u qaban kara.Ka warama ummad dhan oo toban malyan ku dhow oo aan lahayn kun qafood oo jaamiciin ah oo taqasus fiican leh,ummadaas imasa ayey is bixin kartaa,xattaa hadey dowlad hesho?.

Dhibaatada jahliga ummada ku hayo waa arin aan Soomaalida ka doodin. Soomaalida inta wax qorta waxey dhibaatada Soomaaliya ka jirta dusha ka saraan Dagaal oogayaasha.Waa dhab Dagaal oogayaasha dhibaatada wadanka jirta qeyb weyn ayey ku leeyihiin cidi ma dafiri karto hase ahaate waxaa isweydiin mudan shacab jaahil ah imisa ayuu ku leeyahay dhibaatada wadanka?

Dadka ku takhasusa cilmiga bulshada (Sociology) waxay yiraahdaan ”ummad walba waxey yeelataa hogaamiyayaal ummadaa u qalma”.Sababta oo ah hogaamiyaha sidiisaba ummaduu ka soo dhaxbaxaa oo sidii roobkii cirka kama soo da´o.Ummad aqoontooda aad u hoseysa oo habka ama nooca hogaamiyayaasha u xushaan ama ku taageraan ay tahay asbaabo aad u liito, sida qabiilka iyo wax lamid ah wey adagtahay in ay helaan hogaamiye fiican.

Waxaan maalin wada shekeesaney oday Soomaaliyeed, oo runtii malintaa wixii ka horeeyey aan u arki jirey qof aragti dheer,waxa uu i sheegay in uu tageere u yahay nin kamid ah Dagaal ogayaasha Soomaaliya .Wuxuu odaygaa ii sheegay sababta uu u tageero ninkaa Dagaal ooga ay tahay in ay isku hayb hoose yihiin .Odaygaa aragtidii waxay bulshada Soomaaliyeed ka noqotey wax caadi ah oo aan lala yaabin.Dunida hora martey qofka hogaamiyaha ah waxay ku taageraan aragtidiisa siyaasadeed iyo wanaaga shaqsiga uu leeyahay, lakiin dhalasho iyo degaan uu ka soo jeedo laguma doorto hogaamiye, lagumana tageero.

Qabiil keliya oo la`isku taageero waxay faa`ido weyn u tahay Dagaal oogayaasha Soomaaliyeed sababta oo ah wuxuu ogyahay wuxuu sameeyo iyo wuxuu ku hadlaba in aan loo qabaneynin,oo mar walba uu helayo tageerida beeshiisa,sidaa daraadeed Dagaal oogayaasha Soomaaliyeed malaha siyaasad iyo mab´da cad oo loogu yimaado, maalinba koox ayuu heshiis layahay,kuwii uu shaley la socdey ayuu maanta caynaya,maslaxadiisa meeshay ku jirto ayuu adaa, isaga oo aan marnaba eegeynin danta guud.Beesha uu ka dhashey tixgelin ma siiyo malintuu uga baahdo dhalinyaro oo uu dagaal geliyana wuu u habar wacdaa iyagana ma diidaan.In ummada Soomaaliyeed jahliga ku jiraan cadowga dibada iyo Dagaal oogaba waa u dan maxaa yeelay ummada markuu garaadkooda kobco Dagaal ooge iyo wixii xumaan wataaba daaqaduu ka bixi lahaa.

Jahliga wuxuu ummadii Soomaaliyeed gaarsiiyey in naceybkii iyo qabyaaladii sii korodha.Soo ayaan daro ma aha in mudo 21 sano kadib in bulshadii weli qabiil qabiil isku aflagaadeyso:Qofka u fiirsada qoraalada ra`yiga ee webside-yada Soomaalida ku soo baxaan waad la yaabi sida la`isku aflagadeeyo taa waxaa ka daran Palktalk qolalka(Rooms) Soomaalida sameeysatey,qowladahaas ayaa qaar waxay u bixiyeen ” MAGACYO QABIIL”  . Markaad qowladahan gashid oo aad dhageysatid dadka ku jira iyo waxa ay ku hadlayaan ,naxdin iyo amakaag ayaad ka qaadeysaa, rag iyo dumar aflagaadada waa ka wada qayb qataan,akhlaaq daro xushmad la`aan,damiir xumo iyo wax walba oo Ilaah xarimey ayaa qowladahaas lagu hadlaa.Waa dadkii dhibaatada ka badbaadey oo nasiibka u helay in ay ku noladaan wadan nabad ah una suurta gashey in ay isticmalaan aalad sidaas casri u ah(Internet),intii ay ra`yi fiican is dhaafsan lahayeen, wadankoodana u raadin lahayeen xal wanaagsan,iyagiina isku baran lahayeen,wax fiicana is fari lahayeen, waxey doorbideen in saacado badan wakhtigooda qaaliga ah ku lumiyaan aflagaado iyo wax danbi keliya uga saa`idaayo,ilayn ruuxa jahliga ah nimco iyo wanaag walba uu helo kama faa`iideysto oo si qaab daran ayuu u isticmaalaa.

Kawa wadanka jooga dhibaato aduun ayey ku jiraan ,nabadgelyo la`aan,cudur,gaajo,waxbarasho daro.Kuwa dibada ku nolaana Qaad,dood macna dara ah iyo aflagaado ayuu waqtigiisa ku qataa.Ummad 80%(boqolkiiba sideetan) aan haysan shahaado dugsi hoose,islamarkaana diinta ay sheeganayaan wax ka aqoon,xadaarad horena aan lahayn,misna nacayb iyo colaad la kala dhaxdhigey,sidey qaran ku noqon karaan?.Sideyse ku wada noolaan karaan?. Hadaba waxaa isweeydiin mudan ummad Soomaalida ah yaa u maqan?.Xageyse ku sii socdaan?.

Su`aashani jawaabteeda ma fududa lakiin aniga waxay ila tahay,waa in garaadka iyo aqoonta qofka Soomaaliyeed la dhisaa, isbedelna lagu sameeyo habka uu u fikiro.

Qofka Soomaaliga ah waa in la baraa qofkii mudan in loo hiiliyo oo la taageero iyo kan mudan in laga hiiliyo, waa in la baraa qofka ah cadowgiisa iyo kan walaalkii ah, iyo dantiisa guud. Si ummada wax loo baro oo loo bedelo, garashadoodana kor loogu qaado, waxaa qasab ah in la helo waxgarad Soomaaliyeed oo rag , dumar,dhalinyaro iyo wayeelba leh,kuwaasoo damiir Soomaalinimo iyo mid muslinnimo ku jirta,oo ummadan u istaagta,kuwaaso ka nadiif ah cudarka qabyaalada,daacadna ay ka tahay u damqashada ay ummada u damqanayaan.

Ummaddana u horseeda wacyi gelin iyo isku soo dhawaansho dhab ah. Dhalinyaradaa iyo odayaashaa wax garadka ah waa in ay dhisaan urur Soomaaliyeed oo xuduud qabiil lahayn, iskuna dayaan in ay badalaan akhliga iyo garaadka qofka soomaaliga ah. kuwaaso kulma sanadkii dhowr jeer, dunidana xafiisyo ku yeesha si ay ummada loo badbaadiyo iyo walaaltanimo ugu beeri lahayeen.Hadii rag iyo dumar arintan u istaaga la waayo oo qadiyada Soomaaliyeed Dagaal ooge wadanka iyo ummadii burburiyey loo daayo,waxaan u maley nayaa in 30 sano oo kale oo socota in sidaan, duli, rafaad iyo is jiid jiid loogu jiri doono.Dagaal oogayaasha maanta, ilmaha ay dhaleen iyo mooryaantooda ayaa mustaqbalkana shirar loo qaban donaa si xalkii aabayaashooda gaari waayey in iyaga inoogu gaaraan.

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: