Xubin ka tirsan wefdiga R/wasaare Gaas ee Roma-Italy booqday oo sheegay in wasiiradda gaashaandhiga & arrimaha gudaha Talyaaniga ay weydiiyeen Gaas su’aalo adag (Xog rasmi ah)‏

Waxaa magaalada Roma ee dalka Talyaaniga ku sugan wefdi uu hogaaminayo R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaali C/weli Gaas, oo ay wehliyaan xubno ka soo jeeda Puntland, waxaana wefdiga R/wasaaraha ay maanta kulan la yeesheen wasiiradda arrimaha gudaha & gaashaandhiga Talyaaniga,oo ay kala hadleen arrimo ku saabsan khilaafka dowladda, shirka dhowaan loo balansan yahay inuu ka dhaco Ingiriiska & qodobo kale oo xasaasi ah, waxaana shir gaar ah oo albaabada la isku xirtay uu dhexmaray R/wasaare Gaas oo uu wehliyey C/risaaq Juriile & xubno ka mid ah wasiiradda dowladda Talyaaniga, waxeyna wararka ka imaanaya kulankaasi sheegayan in R/wasaaruhu ka hadlayey sidii ay dowladda Talyaanigu mashaariicyo kala duwan kaga hirgelin laheyd deegaanada Puntland.

 

Xubin ka mid ah wefdiga R/wasaaraha oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso waxa uu u sheegay shabakadda in wasiiradda arrimaha gudaha & gaashaandhiga Talyaaniga ay weydiiyeen R/wasaaraha sababta ay safarkiisa ugu wehlin waayeen dhigooda (Wasiiradda arrimaha gudaha & Gaashaandhiga dowladda Soomaaliya)oo u soo kaxeystay xubno u badan Puntland.

“Nidaamka dowliga ah waa uu dhigayaa haddii R/wasaaruhu la kulmayo wasiirka arrimaha gudaha ama gaashaandhiga in safarkiisa ay ku wehliyaan isla wasiiraddii ama ku-xigeenadoodii ee xukuumadda ku jiray, R/wasaaruhu wuxuu u dhaqmay sida inuu yahay Madaxweynaha Puntland, dhammaan kulamadii uu la yeeshay labada wasiir waxaa ka qeybgalay isaga & Jurille xittaa Nuur Cadde oo ah safiir waxaa lagu yiri iska joog adiga laguuma baahnee, arrintaasi waxa ay ku tusineysaa sawirka dhabta ah ee R/wasaaraha” ayuu yiri xubin ka mid ah wefdiga R/wasaaraha oo ka gaabsaday magaciisa, wuxuuna intaa ku daray inuu u soo jeedinayo madaxweynaha inuu arrintaasi il gaar ah ku eego.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Categories: Truth to Power | 1 Comment

Post navigation

One thought on “Xubin ka tirsan wefdiga R/wasaare Gaas ee Roma-Italy booqday oo sheegay in wasiiradda gaashaandhiga & arrimaha gudaha Talyaaniga ay weydiiyeen Gaas su’aalo adag (Xog rasmi ah)‏

  1. Cabdiweli Gaas oo Shigay in Dowlada Taliyaaniga aysan war ka hayn Warqaad Kacdoon badan dhalisay

    Waxaa maal-mahaanba leesla dhex maraayay in Dowladda Talyaaniga ay qortay dokumenti ay ku oraneysa isticmaar cusub halagu soo roggo dalka Somaliya, taasoo ay waxba kama jiraan ku tilmaamtay Dowladda Talyaaniga, sida uu galabta sheegay Raa’isal Wasaare Gaas.

    Raa’isal Wasaaraha Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane C/Wali Maxamed Cali Gaas oo maal-mahaanba ku sugnaa Magaaladda Roma ee Xaruunta Talyaaniga, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Dowladda Talyaaniga uu kala hadlay, gumeysiga cusub ee la-sheegay inay la-dooneyso dalka Somaliya

    “Dowladda Talyaaniga waan ku qabsaday warqada la-sheegay inay qoreyn, laakiin way beenisay, maal-mahaanba waxaan ku sugnaa dalkaasi, waxaana la-kulmay Raa’isal Wasaaraha, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Wasiirka Gaanshaandhiga, dhamaantoodba waxay beeniyeen inay warqadaasi qoreyn” ayuu yiri Dr C/Wali Gaas.

    “Waa been warqadaasi waxba kama jiraan mana aha wax ay qortay Dowladda Talyaaniga, waxayna Dowladda Soomaaliya ay cadeyneysaa inaysan waxba ka jirin warqadaasi” ayuu sii raaciyay Raa’isal Wasaaraha Somaliya.

    Mudane Gaas ayaa wuxuu biyo qaboob uu ku shubay walaacii xooganaa ee laga qabay, in Dowladda Talyaaniga ay u ololeyneyso in gumeysi cusub lagu soo roggo dalka Soomaaliya, iyadoo taasi sabab looga dhigay 22-ka sano ee uu dalka ka sii soconaayo dagaalada sokeeye.

    Marka laga soo taggo hadalka ka soo yeeay Raa’isal Wasaaraha Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane C/Wali Maxamed Cali Gaas, ayaan waxaan jirin war rasmi ah oo ka soo baxay Madaxda Dowladda Talyaaniga.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: