Baarlamanka KMG Somalia oo labo wafdi kaga qeyb galaya shirka kooxda caalamiga ah ee xiriirka Somalia oo beri ka furmaya Jabuuti

February 4, 2012 ( Moment Media) Waxaa dalka Jabuuti maalinta barri ah ka furmaya shirkii kooxda xiriirka Soomaaliya ee Contact Group, kaasoo si weyn looga hadlayo arrimaha Soomaaliya ka taagan, waxaana shirkaasi Soomaaliya uga qeybgalaya labo wafdi oo ka kala socda Baarlamaanka KMG ee ay kala hogaamiyaan Shariif Xasan iyo Madoobe Nuuwow.

Shirkan oo dhowrkii biloodba mar la qabto ayaa bishan diiradda lagu saarayaa arrimo xasaasi ah ee dalka Soomaaliya ka taagan, gaar ahaan dagaalada Soomaaliya ka socda, shirka London, hirgelinta qorsha Road map-ka iyo qodobadii ka soo baxay shirkii Garoowe meelmarintooda.

Shirkan ayaa sidoo kale la sheegay in looga hadlayo khilaafka Baarlamaanka Soomaaliya iyo arrimaha nabadagalyada iyo sidoo kale arrimaha banidaanimada ee Soomaaliya, waxaana shirkan Soomaaliya markii ugu horeysay u metelaya laba garab ee uu Baarlamaanka u kala qeybsanyahay, waxaana dhinac ka mid ah Baarlamaanka hogaaminaya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay wehliyaan C/raxmaan C/shakuur, Mustaf Dhuxulow, Burci Sheybi.

Categories: Truth to Power | 1 Comment

Post navigation

One thought on “Baarlamanka KMG Somalia oo labo wafdi kaga qeyb galaya shirka kooxda caalamiga ah ee xiriirka Somalia oo beri ka furmaya Jabuuti

  1. Baarlamaanka KMG ah iyo Roadmap-ka’ – Faallo uu daabacay Wargeyska Kasmo

    Hey’adda sharci dejinta Soomaaliya, waqtigan la joogo waa Baarlamaanka KMG ah. Kuwaas oo shuruucda dejiya, doorta Madaxweynaha, xilkana ka qaada, kalsooni siiya Xukuumadda ama u diida, isla markaasna doorta afhayeenka Baarlamaanka.

    Hey’adda sidaas ah, masuuliyadda saarani waa weyn tahay, mana jirto cid ka sareysa oo kontrool ku leh saxnimada go’aamada ay qaataan oo aqlabiyad ku dhaca.

    Isla markaas go’aamada muhiimka ah ee Xukuumaddu qaadato iyo heshiisyada dawladda Soomaaliyeed cid kale la gasho, waxay sharci noqon karaan marka Baarlamaanku ansixiyo oo keliya.

    Laakiin sida muuqata Xukuumadda KMG ah iyo weliba Ra’iisal Wasaare Cabdiweli Gaas waxaa soo wajahday arrin yaab leh. Waxaa kaloo isla arintaasi haysataa Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed. Waa arrinta ku saabsan go’aankii Baarlamaanku aqlabiyad ugu codeeyey in uu Afhayeenkii xilka ka qaado, guddoon cusubna doortay.

    Markaas oo Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaarihiisuba ku tilmaameen mid baadil ah!. Waxaa yaab leh, haddii ay sugan tahay in aqlabiyadda Baarlamaanku cod ku rideen in ay Shariif Xasan xilka ka qaadaan, markaas waxaa mugdi haraynayaa sida Madaxweynaha laftiisu u sii shaqayn karayo, haddii go’aankii Baraalamaanka isaga dhalay uu baadil yahay?

    Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Cabdiweli laftoodu isla duruuftaas ayey ku sugan tahay. Waayo, Prof Cabdweli Gaas isaga lafdtiisu wuxuu u degdegay in uu cambaareeyo go’aanka Shariif Xasan xilka looga qaaday!.

    Xog Wargesyka Kasmo helayo waxay muujinayaan in Xildhibaanada Golaha Shacbiga ee Shariif Xasan riday, ay aqlabiyadii Baarlamaanka yihiin, kalsooni buuxdana ku qabaan in ayan dib uga noqon doonin isbeddelka ka dhacay guddoonka Baarlamaanka. Waxay hubaan oo ku kalsoon yihiin in ugu dambeys, sarreynta sharcigu guuleysan doonto.

    Madaxweyne Sheekh Shariif, Prof Cabdiweli iyo Shariif Xasan waxay u muuqdaan kuwo ay ku hor-gudban tahay oraahda Soomaalida ee tiraahda: ‘Durbaan la xaday, goobtii tumi lahaa ayaa rabaa!”.

    Waxaa la mid ah sidii ‘Roadmap-ka iyo Garowe Principles-kii’ loo horkeeni lahaa Aqlabiyadda Baarlamaanka oo doortay Guddoon cusub!.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: