Shirka Londan ee 23 Faberaayo oo Soomaaliya maamulkeeda la wareegi doonaan gudi ka socda Beesha caalamka gumeysi cusubna la galin doono

 

Masuul sare oo xoogaal u ah shirka ay qaban qabisay dowlada Ingariiska ayna ka qeyb galayaan 50 dal oo arimaha Soomaliya quseynaa ayaa waxuu socon doonaa wax ka yar 6 saac isagoona bilaaban doono 23 febraayo 2010 .

Shirka oo Masuuliyiinta Soomaalida loogu sheegi doono go-aanad shirka ee ahaa in Soomaaliya dib loo gelinaayo gumeysi cusub ayaa go-aankiisa horey loo gaaray iyadoona shirar hor dhac ah ka kala dhaceen Emaaradka Carabta kaa oo yeesheen 50 dal oo quseysa Soomaaliya iyadoona maalinta Bari ahan shirkii u danbeyey ee beesha caalamka arimaha Soomaaliya ku yeelan doonto dalka Jabuuti kaa oo xataa lagu casuumay madaxda Soomaalida.

Soomaaliya ayaa waxaa 18keeda gobol maamulayo gudi ka socda beesha Caalamka kuwaa sida la sheegay wareegto noqonayo dalba sanad ku xukumi doono iyadoona miisaniyada ku baxeysa gumeysigaas cusub ee la galinaayo Soomaaliya ay bixinayan dalalka Carabta

Shirka Londan ayaa waxaa la soo warinayaa in looga guurayo wax la yiraahdo ku meel gaar waxaana dalka Toos u xukumi doono gudi ka socda beesha caalaamka kuwaa oo ilaa Soomaalida iska raacdo danaheeda garato xuku mi doono madaama wadamada Soomaaliya daneeyo ay qabaan hadii Soomaaliya sidaan ku sii socota ay hooy u noqon doonto Argagaxisa iyo buracad badeeda waa siday qabaan

Shirka Londan ayaa socon doono hal maalin oo kaliya waxuuna bilaabanayaa 10 am uk to 5p uk,, iyadoona madaxda Soomaalida ee ka qeyb galeysa loo yeerinaayo qodobo diyaarsan waxaana qudbad kaliya ku leh wafdiga Dowlada kMG ka socda inta kale waxay noqonayaan kor joogta oo kaliya sida ku cad nuqul ka mid ah ajandaha shirka oo aan helnay qeyb ka mid ah

Si kastaba ha ahatee shirqoolka shirka Londan waxaa durbaba ka qeyliyey wasiirka koowaad ee Soomaaliya kaa oo sheegay in aan xiligaan oo aduunka gaaray ilbaxnimo ay macquul aheen in Soomaaliya la galiyo gumeysi cusub waana ka hor imaneynaa ayuu yiri Cabdi wali Gaas. Soomaaliya waa xor xiligaan gumeysi ma qadan karto ha noqoto hal ku dhigaada diid gumeysi.

  • Waa Halgankii SYL
  • Hadba Waxaan la ooyaayoo Ilmadu iiga qubanayso
    Ikhtiyaar nin loo Diiday oo La addoonsadaan ahaye
  • Somaaliyeey Toosa toosoo isku tiirsada
    hadba Kiina Taagdaran Taageera Waligiin 

Maamulka Somaliland oo ogalaaday Shirka London Iyo Xukuumada Somalia oo sheegtay ineysan aqbali doonin haddii shirka London ay ka soo baxaan go’aano ka dhan ah roadmapka iyo Garowe Principles

Xukuumada Somaliland ayaa aqbashay in ay si rasmi ah uga qeyb gasho shirka dhowan ka furmaya magaalada London ee looga hadlaayo aayaha Somalia . Wasiirka arimaha dibada Somaliland Maxamed Cabdulaahi Cumar oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in ay ka qeyb galayan shirka London . Waxaa uu sheegay in ay shirkaas ay uga qeyb galayan sababo badan oo ay ugu horeyso in shirkas uu muhiimada gaara uleeyahay Somaliland , Sida dowlad caadi ah oo kamida dowlada ka soo qeyb galaya shirka ayaan uga qeyb galeynaa” “Waxa laga hadlayo waxaa ku jira qax yaabo badan oo inaga naquseeya sida amaanka geeska Africa iyo ladagalanka argagaxisada. Waxaan kaloo rabnaa in aan shirkas uga faa ideysano in aan madaxdda ka qeyb galeysa usoo bandhigno qadiyadeena aqoonsiga raadsiga ah ayuu yiri Maxamed Cabdilaahi Cumar. Waxaa uu sheegay wasiirka arimaha dibada Somaliland in intii aaney go,aankaan xukuumadu qaadan ay la kulmeen dhaman madxada xisbiyada mucaaradka ayna ubandhigeen la iskuna af gartay in laga qeyb galo shirkas si rasmi ah.

Xukuumada Somalia oo sheegtay ineysan aqbali doonin haddii shirka London ay ka soo baxaan go’aano ka dhan ah roadmapka iyo Garowe Principles

Ra’isul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali Gaas oo shalay shir jaraa’id ku qabtay safaarada Soomaalida ee magaalada Nairobi ayaa beeniyay wararka sheegaya in Soomaaliya gumeysiga dib loogu celin doono, taasoo ka soo yeertay qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka KMG iyo shacabka Soomaaliyeed.

Mr. C/weli oo la weydiiyey su’aal aheyd waxa uu ka ogyahay qorshaha gumeysiga ee laga soo xigtay dowladda Talyaaniga ayaa waxa uu sheegay in dowladda Talyaanigu ay wax ka waydiiyeen arrimaha ay saxaafaddu qortay ee sheegaya in Talyaanigu ay soo jeediyeen in markale Soomaaliya la gumeysto arrintaasi oo uu sheegay in xukuumadda Talyaanigu ay iska fogeysay.

“Waxaan la kulmay Ra’isul wasaaraha Talyaaniga iyo qaar ka mid ah wasiirada Talyaaniga, waxayna ii sheegeen inaysan jirin qorshe noocaasi ah oo ay dowladda Talyaanigu wado, waxaan idiin cadeynayaa in Soomaaliya ay tahay dal xor ah oo aan marnaba gumaysi dib ugu laaban doonin, waxaa lagu jiraa qarnigii 21-aad” ayuu yiri Ra’isul wasaare Gaas.

C/weli Maxamed Cali ayaa dhanka kale ka hadlay shirka dabayaaqada bishan Soomaalida uga furmi doona magaalada London oo uu ku tilmaamay in ujeedka shirku yahay sidii beesha caalamka looga dhaadhicin lahaa inay taageero buuxda siiyaan tubta Road map-ka ee Soomaaliya looga saarayo marxaladda ku meel gaarka ah, wuxuuna yiri “Hal ujeedo ayaan u tagaynaa shirkaasi, waana inaan ka dhaadhicino beesha caalamka inay taageero siiyaan qorshaha Road map-ka, waana middaas keliya waxaan dooneyno oo ay dhammaan madaxda dowladdu isku raacsanyihiin”.

“Ma aqbaleyno in shirka London looga hadlo wax ka dhan ah Road Map-ka iyo go’aanadii ka soo baxay Garoowe, amaba la furo shir kale oo dowlad lagu soo dhisayo, waxa keliya ee aan taageeraynaa waa Road Map-ka in la hirgeliyo, wax intaasi ka baxsanna ma yeelayno” ayuu yiri Ra’isul wasaare Gaas.

Halkan hoos ka Akhri Taladda Talyaaniga Xal u helidda Somalia

Halkaan ka akhri: Italian Non Paper Post Transition In Somalia

Baarlamaanka KMG ah iyo Roadmap-ka’ – Faallo uu daabacay Wargeyska Kasmo

Hey’adda sharci dejinta Soomaaliya, waqtigan la joogo waa Baarlamaanka KMG ah. Kuwaas oo shuruucda dejiya, doorta Madaxweynaha, xilkana ka qaada, kalsooni siiya Xukuumadda ama u diida, isla markaasna doorta afhayeenka Baarlamaanka.

Hey’adda sidaas ah, masuuliyadda saarani waa weyn tahay, mana jirto cid ka sareysa oo kontrool ku leh saxnimada go’aamada ay qaataan oo aqlabiyad ku dhaca.

Isla markaas go’aamada muhiimka ah ee Xukuumaddu qaadato iyo heshiisyada dawladda Soomaaliyeed cid kale la gasho, waxay sharci noqon karaan marka Baarlamaanku ansixiyo oo keliya.

Laakiin sida muuqata Xukuumadda KMG ah iyo weliba Ra’iisal Wasaare Cabdiweli Gaas waxaa soo wajahday arrin yaab leh. Waxaa kaloo isla arintaasi haysataa Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed. Waa arrinta ku saabsan go’aankii Baarlamaanku aqlabiyad ugu codeeyey in uu Afhayeenkii xilka ka qaado, guddoon cusubna doortay.

Markaas oo Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaarihiisuba ku tilmaameen mid baadil ah!. Waxaa yaab leh, haddii ay sugan tahay in aqlabiyadda Baarlamaanku cod ku rideen in ay Shariif Xasan xilka ka qaadaan, markaas waxaa mugdi haraynayaa sida Madaxweynaha laftiisu u sii shaqayn karayo, haddii go’aankii Baraalamaanka isaga dhalay uu baadil yahay?

Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Cabdiweli laftoodu isla duruuftaas ayey ku sugan tahay. Waayo, Prof Cabdweli Gaas isaga lafdtiisu wuxuu u degdegay in uu cambaareeyo go’aanka Shariif Xasan xilka looga qaaday!.

Xog Wargesyka Kasmo helayo waxay muujinayaan in Xildhibaanada Golaha Shacbiga ee Shariif Xasan riday, ay aqlabiyadii Baarlamaanka yihiin, kalsooni buuxdana ku qabaan in ayan dib uga noqon doonin isbeddelka ka dhacay guddoonka Baarlamaanka. Waxay hubaan oo ku kalsoon yihiin in ugu dambeys, sarreynta sharcigu guuleysan doonto.

Madaxweyne Sheekh Shariif, Prof Cabdiweli iyo Shariif Xasan waxay u muuqdaan kuwo ay ku hor-gudban tahay oraahda Soomaalida ee tiraahda: ‘Durbaan la xaday, goobtii tumi lahaa ayaa rabaa!”.

Waxaa la mid ah sidii ‘Roadmap-ka iyo Garowe Principles-kii’ loo horkeeni lahaa Aqlabiyadda Baarlamaanka oo doortay Guddoon cusub!.

Maxay Tahay Ujeedooyinka ka Dambeeya Shirka Dib u Hesiishiinta ee Dowladd Ingriiska u qabaneyso Ummadda Soomaaliyeed

21-kii sanno ee Soomaalida ay ku jirey Dagaalada aan dhamaadka lahayn ayaa waxaa loo qabtey in ka badan Labaatan shir oo dhamaantood laga dhaxley Dhimasho , Dhawaac , Barakacay iyo Hanti ku burburey Ilaa iyo hadda dadka Soomaaliyeed weli ku waaya aragnmo ku qaadan La’ yihiin shirarkaas hadba qolo qabaneyso oo aan lahayn Natiijo dhaxal gal ah.

23 Bishaan ayaa la filayaa in Dowladda Ingiriiska ay Marti geliso shir Dib u heshiisiineed oo la sheegey in loo qabanayo dhamaan Ummadda Soomaaliyeed oo ay ku jirto Maamulka Soomaaliland, hadaba maxay tahay u jeedooyinka ka dambeeya in Dowladda Ingisiirka shir dib u heshiisiin u qabto Shacabka Soomaaliyeed Xiligaan.

Waxay Siyaasiyiin Qurba joog ah sheegeen in Dowladda Ingirisiiska ay dooneyso in ay shirkaas Xoogga ku saarto arrimaha Burcad badeedka iyo dhaqdhaqayada Islaamiga ee ka jira soomaaliya. Hadallada aqoonyahanka Soomaaliyeed arrimahaas ka yiraahdeen waxaa kamid ah:

“Waxba ma dhaamo Shirka Dowladda Ingiriiska ay qabaneyso shirarakii Hore ee loo qabtey Soomaalida waana shir loogu daneynayo Dowladda Kenya waayo Danhii Dowladda Ingiriiska ay ku lahayd Dalka Kenya ayaa haatan halis ku jira waayo shirkadaha waaweyn waxaa iska leh Ganacsato u dhalantey Wadanka Ingiriiska,,waxaana Xaqiiqo in Danihii Dowladda Ingiriiska ay ku lahayd ee Kenya Boqolkiiba 40 % uu hoos u dhacay ku yimid marka shirka Ingiriiska uu qaban qabanqaabinayo waxaa ay si hoose u codsatey Dowladda Kenya ka dib markii 6kii Oktoobar ee Sannadkii ay Ciidamadda Kenya ay galeen soomaaliya waxaana u buuxsamey 100 Maamlmood ilaa iyo hadda wax natiijo ah laga gaarin:ayuu yiri “Xaashi Yaasiin Barre oo Intaa Raaciyey

“Shirkaas Waxaa kaloo iyana Dowladda Ingiriiska ka codsadey Dadka Soomaaliyeed ee ku nool Qurbaha maadaama Dowladda Ingiriiska ay marnaba ku lug yeelan Dagaaladii ka dhacay soomaaliya islamarkaana Dalkeeda ay ku sugan yihiin Dadka ugu badan ee Soomaaliya waxaa shirkaas lagu martiqaadey Dadka soomaaliyeed ee ku nool Dibadaha gaar ahaan Mareykanka iyo Yurub, waxayna Dowladda Ingiriiska Qorshaha ugu jira in shirkaa ay ka soo qaybgasho Mamulka Soomaaliland waxaa jira warar sheegaya in Maamuka Soomaaliland ay qayb ka noqon doonaan Dowladda Soomaaliya loo dhisyo”

 “Waxaan aanmisanahay in Shirkado Ingiriis oo qaabilsan Amaanka ay ka dambeeyaan qaban qaabada Shirkaas waayo in lacag lagu doonayo shirkaas waxaa kuu Cadeynaya markii Masuuliyiin ka tirsan Dowladda ingiriiska ay booqdeen qaar ka mid ah Wadamada Carabta oo la sheegey in ay dhaqaale weydiisateen haddii uu shirka Dowladda Ingiriiska uu ka dhab yahay iyadaa dhaqaale ku bixin lahayd marka waa shir aan waxba dhaamin shirarakii hore u dhacay marka Dowladda Ingiriiska waxay ka tahay “Anna Waa I kan Markeyga ” ayuu yiri Suleymaan Daahir oo ka mid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed oo intaa raaciyey

“ Waa shir la doonayo in lagu hagardaameeyo Soomaaliya oo lagu qayb qaybiyo welibana Khayraadkiisa lagu dhacayo marka qofkii moodaya in ay shirkaas wax ka soo baxayaan candhuiufta Dib ha u liqo waxayna Soomaaliaya dhibaatada kaga bixi kartaa iyadoo iyada la is ku daayo”

Waxaa Magaaladda Muqdisho iyo Maamulada jira ay u Xusul Duubayaan sidii ay shirkaas uga qaybgali lahaayen waxayna lagu waramey in qaarkood ay dirsadeen Codsiga ka qaygalka Shirka London sidoo waxaa ka qaybgeli doona Masuuliyiinta ugu sareysa Dowladda Federaalka, waxaana maanta Muqdisho u yimid Masuul ka tirsan Dowladda Ingiriiska oo lagu wado in uu booqdo Soomaaliland iyo Pundland iyo Deegaano kale oo ka tirsan Soomaaliya iyadoo mar uu la kulmey Masuulkaas Raiisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya la iskula soo qaadey sidii loo dardar gelin lahaa Road Map-ka.

Hadaba dadka Soomaaliyeed ayaa Aaminsan in wax natiijo ah ka soo bixi doonin shirkaas Madaama Shirar hore oo loo qabtey lagu fashilmey isla markaana laga dhaxay Burbur iyo Dhibaatooyin inkastoo dadka Soomaaliyeed qaarkood ay rajo ka muujinayaan Shirka London hadana Dowlado waaweyn ayaa Maalin Cad ka huleelay Soomaaliya Howlgalkooda ku baxay Bilyanis Doolar marka isku Dayga Dowladda ingiriiska la arki doonee halka uu ku dambeeyo.

Soomaaliya Soomaali baa dayacday Xisaabtano oo aynu Fiirino waxa naga Qaldan

 

Tan iyo burburkii Soomaaliya kolkii ay dowladii dhexe meeshaa ka baxday 1991kii, akhbaarta dalkeena kasoo yeeraysay waxa ay aheyd mid midda kale ka daran oo isku day walboo la sameeyo waxbaa laga sheegayey ama waa la durayey illaa aakhirka la fashiliyo. Waan qirayaa oo waa wax jira in ay faragelin shisheeye ay nagu jirto, waan qirayaa in dano badan nalaga leeyahay, waan qirayaa in aan naloo ogoleyn in aynu madaxa kor u soo qaadno, laakiin su’aasha waxa ay tahay yaa siiyay fursadaas oo laga faa’ideystay. Waxaan filayaa haddii aan la helin jawaab sax ah ama aan runta haba qaraaraatee aan la sheegin in weligeen aynu sidaas ku sii jireyno. Waa wax jira oo dunidoo dhan ay soo martay in waddan walbaa uu ka dhaco dagaalo sokeeye, laakiin markiiba la xaliyo ama ay ummado kale u soo gurmato oo la helo xal.

Annagu waynu isleenay oo waynu kala tagnay, aqoonyahanadeenii, waxgaradkeenii, culumadeenii iyo qof walboo doonayey in uu ka shaqeeyo wanaaga Soomaaliya waxa ay noqdeen wax la laayo iyo wax waddankii kasoo qaxay iyo inta hartay oo gacan ku gabad ah. Iyadoo loo jeedo qaladkii ayaa haddana leyska indha tirayaa oo qof sheegaya ma arkaysid sida runtu tahay. Ummad waliba waa ay leedahay dad wanaagasan oo mar walbaa ka taliya wanaaga iyo kuwo xun oo had iyo jeer leysaga hayo hangool oo waliba qaarkood xabsiyada loo taxaabo. Innaga hadeynu nahay Soomaali waxa aynu leenahay dad aad iyo aad u wanaagsan oo wanaag doon ah, nasiib daro waxa naga batay caadifada aynu u heyno qabiilka iyo danaha gaarka ah oo qof la ogyahay waxa uu ku sugan yahay ayeynu ku taageeraynaa xumaan uu u bareeray. Sidoo kale qof wanaagsan oo wanaag doon ah ayaa looga hor imaanayaa qabiil hebel ayuu ka dhashay Prof. X .Haddii aad gurigaaga dayacdo oo aadan albaabada u xirin oo wixii soo galaba aadan ka hadlin, Haddaba ogoow gurigaas ma badbaadiyo oo wax walboo jira ayuu halis u noqonaya. Haddaba sidee ayaad ku fekertay waan daneysanayaa oo haddii aan aqoonyahan ahay ama aan ahay qof uu Allaah hanti siiyay sidaan doono ayaan u soconayaa oo waxba igama gelin waxa dhacayaa, haddana waxaan rabaa in uu waddankeeygii ii badbaado, runtii waa labo aan meel wada geli karin. Waddanka adiga dayacay, adiga iska qaban waayey kaaga xun, adiga walaalkaa u arkay cadoow, adiga dhulkaagii kala fadilay, adiga kaaga wanaagsan u arkay shisheeye, adiga kii waddanka wax u qaban lahaa ka shaqeeyay sidi loo qaarijin lahaa, adiga hantidii waddanka ka dulaalaya, adiga dadka qaar yiri waa laangaab ama 4.5 , adiga keenay in Soomaali ay is cunsuriyeeyso. Haddaba maxeynu u eedeynaynaa umadaha kale, waa lagu soo hunguriyeeynayaa qof wanaagaaga jecel iyo mid ku necebba. Waddan ma jiro adduunka oo ay dhibaato ka dhacdo.

Illaa wuu kasoo kabsadaa. Waa yaabee adiga maxa ku heystay, hoos ma isu fiirisay. Aayad quraan ah ayaa micnaheedu wuxuu ahaa ha I eeydeyninee, ee idinku eedeeyaa nafsaddiina, annagu aynu xisaabtano oo aynu fiirino waxa naga qaldan. Waxaan aaminsanahay haddii aynu la nimaano xisaabtan dhab ah oo aynu iska qabano caado qaataha, gacan ku dhiiglaha cidduu doonaba ha u dhashee, kan dalkii gadanaya, kan nakala qeeb qeebinaya, kan cunsuriga ah ee nagu dhex jiraa, kan aan Allaah aaminsaneen ee dantiisa iska wata iyo mid walboo xun oo nagu dhex jiraa. Sidoo kalena aynu soo dhaweyno qof walboo wanaaga wada oo naga mid ah oo aynu u aragno Soomaali meeshuu doono haka yimaadee oo fiican qof walaalkay ah, oo magaalooyinka uu waddanka ka kooban yahay ay isku kaaya mid noqdaan, oo mar walbaa aad taageerto wixii xaq ah, kadibna aad Allaah talo saarato markaas ayaad gaareysaa heer lagaa heybeysto oo aan si sahlan laguu soo dhex galin. Soomaali maanta waxa ka maqan waa isku xirnaantii iyo wanaagii ay dhexdooda ku maamuli lahaayeen ee ma jirto cid nasoo dhex gali kartaa. Waxaan hadlkeyga ku soo gabagbeynayaa waxa ma tareyso in aynu cid kale eedeyno ee aynu annaga xisaabtano raadinana waxa wanaagu uu ku jiro. Boqolaal shirar oo la qabto waxaan aaminsanahay haddii ayan innaga naga imaan meel lagu gaaraya ma jiraan. Soomaalia Soomaali baa dayacday ee innagaa nalaga doonaya sidi aynu u raadin laheyn midnimadii iyo qaranimadii dhulka lala galay. Inta uu qof walbaa iska qabanayo kiisa xun, uuna soo hormarinayo kiisa fiican ayaanu rajo leenahay ee soomaliyeey dhulka aynu iska qaadno. Innagaa isu keenay in nala yiraahdo Soomaaliya waa dowlad fashilantay oo waliba ay qaar naga mid ah ay kalimadaas ku raaxeysanayaan inta ay ka damqi lahaayeen. Waxaan aaminsanahay cid noo imaan kartaa ma jirto haddii aynu is habeyno oo aynu soo celino sharaftii iyo wanaagii nalagu yiqiin. Allahayoow naga kor qaad dulliga ina heysta, Allahayoow Soomaali niyadeeda burcad isu mari oo Allahayoow naga qabo inta xumaanta wada ee nagu dhex jirtaa. Allahyoow talada wanaagsan na waafaji. Wabilaahi Towfiiq

Halkan hoos ka Akhri Taladda Talyaaniga Xal u helidda Somalia

Taliyaaniga ayaa dalka Soomaaliya la doonaya Gumaysi cusub, Akhri Aragtida dowladda Taliyaaniga ee Xalka Soomaaliya.

HALKAN KA AKHRI DUKUMINTIGA ISAGOO KU QORAN LUQADA ENGLISH-KA

Italian Non Paper Post Transition In Somalia

Shirka London oo ey isku hirdinayaan Dowladda Talyaaniga iyo Ingiriiska

Dowladaha Talyaaniga iyo Masar oo Dadaal ugu jira sidii ay u Fashilin lahaayeen Shirka Soomaalida ka dhacaya 23-ka bishan Magaalada London.

waxaa la filayaa 23-ka bishan Magaalada London lagu qabto shir loogu yeeray dib heshiisiin, waxaana la filayaa in loo qabto qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed, waxaana shirkaani qabanqaabadiisa wada Dowladda Ingiriiska oo horey u sheegtay in ay dooneyso in ay wax ka qabato xaaladda Siyaasadda Soomaaliya, Burcad Badeeda iyo wax ay ugu yeertay la dagaalanka kooxaha Argagixisada, hase yeeshee shirkaasi ayaan la ogeyn gunta hoose waxyaabaha looga hadlayo, waxaana durbadiiba bilowday mucaaradad looga soo horjeedo shirkaasi.

Dowladaha Talyaaniga iyo Masar oo inta badan is xijiya arrimaha Soomaaliya ayaa waxay olole ugu jiraan sidii ay u fashilin lahaayeen shirkaasi, waxayna warar aanu helnay sheegayaan in kulamadii dhex maray Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo madaxda Dowladda Talyaaniga layskula soo qaaday shirka ka dhici doona Magaalada London, waxayna Dowladda Talyaaniga dooneysaa in shirkaasi ay ku sameyso is hor istaaga, maadaama Dowladda Ingiriiska aysan wax la tashi ah la sameyn Dowladda Talyaaniga, waxayna Dowladda Talyaaniga ku tartarsiineysaa Dowladda Federaalka in aysan ka qaybgelinba shirkaasi.

Dhawaan ayay ahayd markii Magaalada Qaahira kullan ku dhex maray mas’uuliyiin ka socotay dowladda Talyaaniga iyo Dowladda Masar ay isla soo qaadeen shirka dib u heshiisiinta ay ku baaqday dowladda Ingiriiska, waxayna labada dal ku heshiisyeen in ay si wadajir ah uga hortagaan martigelinta dowladda Ingiiriiska ee shirkaasi sida aynu ka helnay ilo ku dhow dhow kullankii Masar ka dhacay, waxaana la sheegay in labada dowladood ee Masar iyo Talyaaniga is tusiyeen in shirka London laga damacsan yahay arrimo badan oo aan dan ugu jirin labadaas Dowladood

Shirka London oo maalmo kooban ka harsan tahay ayaa shacabka Soomaaliyeed intooda badan waxba kala socon qodobada shirkaasi looga hadli doono, waxayna wararka qaar sheegayaan in Dowladda Ingiriiska ay shirkaani ku dhaliyeen qaar ka mid ah Soomaalida ku nool Wadamada Qurbaha oo iyana la sheegay in ay wataan ajandooyin gaar ah, iyadoo dad kala duwan oo aan kula kulanay Magaalada Muqdisho ay noo sheegeen maadaama dadka Soomaaliyeed horey laysugu diray qaab Qabii, qaab Maamul gobaleed iyo Mid diimeed ayaa hadda la doonayaa in cadaawad la dhex dhigo dadka Soomaaliyeed ee Qurbaha ku nool iyo kuwa gudaha ku nool.

Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka ayaa mar ay u waramayeen qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho waxay shirkaasi ku tilmaameen mid la doonayo in dalka Soomaaliyeed Maxmiyad lagu geliyo, waxayna sheegeen in Dowladda Ingiriiska dooneyso in arrimaha Soomaaliya lagu wareejiyo Qaramada Midoobey, isla markaana nin General ah oo u dhashay dalka Uganda madax looga dhigo Soomaaliya iyo Gole Hoaamineed oo ay ku jiraan Soomaali inta uu dalka Soomaaliya ka baxayo wax ay ku tilmaameen qalalaasaha ka oogan, sidoo kale waxaa la sheegay in shirkado laga leeyahay wadamada Yurub loogu gogol xaarayo shirkaasi sidii ay ula bixi lahaayeen kheyraadka dalka Soomaaliya si shaqooyin loogu abuuro shirkadaha Shisheeye ee Yurub iyo Mareykanka oo waayadan dhaqaale xumi la soo daristay, isku soo wada duuboo la ogaan doonee waxa ka soo baxa shirkaasi oo dadka lagu martiqaaday ay yihiin dad wata Baasabooro ajnabi ah Siyaasiyiinta ugu Caansan Soomaaliya.

Shirka London waxaa lagusoo dhisi doonaa nidaam u eg Paul Bremer-kii Ciraaq, Socdaalka William hague ee Muqdisho (Warbixin).

Dalka Soomaaliya ayaa lafilayaa sanadkan gudihiisa in uu galo marxalado cusub oo ka duwan marxaladihii hore, tan iyo markii ay soo bilaabatay xamladda saliibiga caalamka ka socota taxadigii ugu weynaa ayay wajahayaan dowladaha reer galbeedka marka loo eego loolanka caalamka islaamka ka socda.

Kobaca Islaamka ayaa ku xoogeystay Bariga Afrika waxaana soo muuqday madaahir Islaami ah oo muddo Boqol sano kabadan caalamka Islaamka ka maqan.

Dalkeena Muslimka Soomaaliya sanadii 2009-ka waxaa ka bilowday in lasoo nooleeyo dhaqankii wanaagsanaa ee islaamka ahna midka ay necebyihiin gaaladu.

In Xad kamida Xuduuda Alle laga fuliyo magaalooyin waaweyn ee qaarada Afrika kamid ah islamarkaana Nidaamka Zakada lasoo nooleeyo waxay sharaf weyn u tahay muslimiinta Soomaaliya waana Injaazaad ay gaareen muslimiinta.

Arrinkaasi wuxuu ka xanaajiyay wadamada reer galbeedka oo aad udhibsaday kobaca Islaamka nool ee wax iska celin kara islamarkaana taxaddi u keeni kara dhaqamadooda.

Fariidada Jihaadka ayaa ka bulaashay Soomaaliya heer wilaayaadka dhaca Koonfurta Soomaaliya shacabka ku dhaqan ay mujaahidiinta gacanta ugeliyaan Maal iyo wiilal dagaalka ka qeyb qaato.

Dadka Soomaalida waxay gaareen heer ay isku filnaadaan oo ay ka maarmaan gacan hoorsiga hay’adaha reer galbeedka arrimahaasi oo dhan waxay ka gadmi waayeen cadawga diinta islaamka.

Horraantii sanadkii lasoo dhaafay ayaa waxaa lasoo cusboonaysiiyay duulaankii Soomaaliya ku socday waxaana dagaalka soo galay dowladaha Kenya iyo kuwakale waxaana horay dagaalka ugu jiray Itoobiya Burundi, Uganda iyo Jabuuti oo iyana gadaal kasoo raacday.

Arrinta cusub ayaa ah in dowladda Ingiriiska oo kamid ah quwadaha reer galbeedka ay markii ugu horeysay bilowday in ay faragelin dhan walba ah kusoo sameyso Soomaaliya.

Lixyameedyadii ayay Soomaalidu ka xorowday gumeysigii tooska ahaa ee UK balse markii dowladii Siyaad Barre dhacday ayay Ingiriisku si dadban usoo celiyeen gumeysigii ay ku hayeen waqooyi galbeed Soomaaliya oo maanta loo yaqaan Somaliland.

somalimemo.net

William hague oo Muqdisho ku sugan.


Dhaqanka Ingiriiska ayaa weli ku dhax daadsan bulshada waqooyi galbeed Soomaaliya waxaana bulshada saameyn ku dhax leh NGO-yo Ingiriisku maalgeliyo xataa wuxuu saameyn ku leeyahay kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada arrinkaasi oo muujinaya in Ingiriisku udub dhaxaad u yahay dhibaatada ka dhanka ah muslimiinta Somaliya.

Maanta oo Khamiis ah ayaa waxaa Muqdisho soo gaaray William hague oo ah Wasiirka arrimaha Dibadda Ingiriiska siyaasad ahaan waa Mustawe sare oo reer galbeed ah oo Somaaliya soo gaaray.

William hague wuxuu hordhac u yahay shirka dhawaan ka furmi doona magaalada London ee wadanka Ingiriiska kaasi oo lagu go’aamin doono mustaqbalka DKMG ah.

Shirka London Waxaa lagusoo dhisi doonaa Nidaam u Eg Paul Bremer-kii Ciraaq.

Bishii April 9, 2003 ayay ciidanka Mareykanka qabsadeen magaalada Baqdaad ee xarunta wadanka Ciraaq sidaasi ayayna Ciraaq ku gashay marxalad Ixtilaal ah.

G.W.Bush madaxweynihii Mareykanka ee xiligaas ayaa duulaanka Ciraaq u sameystay Boor uu ku sasabanayay kaasi oo ahaa “Baahinta Dimuquraadiyad iyo rididda Halista amniga Bariga dhexe oo Sadaam loola jeeday”.

Sida caadada ah gumeystuhu wuxuu ku fashilmaa marka uu ka leexdu waxyaabaha halku dhigga u ah ee uu khaldo dadka uu gumeysto, Mareykankii wadamada carabta ka dhaadhiciyay in ujeedkiisu yahay rididda Sadaam ayaa isbalaariyay waxayna bilaabeen in ay boobaab hantida reer Ciraaq.

Taariikhu markii ay aheyd 8, May 2003 ayuu wareegto soo saaray G.W.Bush wuxuuna ku magacaabay maamul Madani ah oo uu madax ka yahay General Mareykan ah oo Paul Bremer lagu magacaabo.

Maamulka waxaa loogu magac daray  Maamulka Madaniga Ciraaq arrinkaasi wuxuu muujiyay in duulaanka Mareykanka ee Ciraaq uu yahay mid gumeysi oo dalka lagu qabsaday.

Saxaafadda reer galbeedka ayaa isku dayday in ay shaati wanaagsan ugeliso maamulka Paul Bremer iyadoo ugu yeeraysay shirkadda latalinta dhibaatooyinka شركة استشارية للأزمات Consulting firm to crises.

Soomaaliya ayaa lafilayaa in sidaasi si lamid ah lageliyo waxaana ladiyaariyay siyaasiyiin bedeli doonta Shariif iyo Ina Gaas, Alle masuurta geliyee cadawga Kenya iyo Itoobiya ayaa heegan lageliyay waxaana ladoonayaan in gobolada dalka ay xoog ku qabsadaan.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa saadaalinaya in nidaam u eg kii Paul Bremer laga dhisi doono Somaaliya, taasi waa qorshaha ay diyaariyeen Beni’aadan Allihii Abuuray ku kufriyay laakin waxaa ka weyn oo ka qaalib noqan doona qorshaha Allaah Subxaanahu watacaalaa waxaana rejeynaynaa in dhagarta cadawgaasi Alle naga badbaadiyo.

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: