Xoghayaha amuuraha dibada ee dalka Britain oo sheegay inay ka go’antahay dalkiisa taageerida Soomaaliya (SAWIRRO)

Jimce, February 03, 2012(MomentMedia) Nairobi , Kenya – Xoghayaha arrimaha dibada ee dalka Britain William Hague oo maanta shir jaraa’id ku qabtay  magaalada Nairobi ayaa ku tilmaamay in booqashadiisii uu ku tagay magaalada Muqdisho ay calaamad u tahay sida dawlada Britain ay uga go’antahay wax ka qabashada xaalada Soomaaliya.

Hague ayaa sheegay in shirka lagu qaban doono dalka Britain uu qayb ka yahay dadaalka ay dawladiisu ugu jirto xasilinta Soomaaliya oo uu ku tilmaamay in wakhtigan ay tahay fursadii ugu wanaagsanayd.

Mar ay Hiiraan Online su’aashay sababta keentay in wakhtigan ay Britain danayso Soomaaliya, kadib 21 sano oo dagaal sokeeye uu socday, ayuu sheegay in dawlada Ingiriiska ay mar walba isku hawli jirtay arrimaha Soomaaliya, balse wakhtigan ay u aragto mid ka fursad wanaagsan wakhtiyadii hore oo uu sheegay in wadamada gobolku ay haatan u soo jeesteen Soomaaliya.

Xoghayaha amuuraha dibada ee dalka Ingiriiska ayaa tilmaamay in xaalada ammaanka ee Soomaaliya horumar badan laga sameeyay ayna taageerayaan ciidamada AMISOM ee ku sugan wadanka.

Waxaa kale oo uu taageero u muujiyay faragalinta ay Soomaaliya ku sameeyeen wadamada gobolka, gaar ahaana Kenya oo uu sheegay inay qayb ka tahay dadaalada beesha caalamku ay dajinayso Soomaaliya.

 

Dhanka kalana William Hague ayaa kula kulmay magaalada Nairobi hogaamiyayaasha dalka Kenya oo uu kala hadlay xaalada ammaanka ee gobolka, iyadoo Kenya kumanaan ciidamadeeda ah ay dagaallamayaan gudaha Soomaaliya.

Waxaa isna ku sugnaa goobta shirka jaraa’id uu ka dhacayay safiirka ay Britain u soo magacowday Soomaaliya Matt Baugh oo noqonaya safiirkii ugu horreeyay ee ay Britain ay u soo dirto Soomaaliya tan iyo markii ay burburtay xukuumadii dhexe 1991.

Dawlada Ingiriiska ayaa u muuqata inay qayb ka tahay tartan ay wadamada caalamku ugu jiraan saamayn ku yeelashada siyaasada Soomaaliya oo haatan ay wadamada caalamku u tafaxaydanayaan, taasoo shaki ku abuuraysa Soomaalida oo ka cabsi qaba in mar kale dalkooda uu ku noqdo gacan gumaysi.

 

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: