War deg-deg ah: Labada Gole ee Baarlamanka Somaliland oo cod ku meelmariyay in laga qayb-galo Shirka London iyo Kaabis iyo lagu sameeyay Xeerkii lagu xakamaynayay Somali-weyn

 

Hargeysa(MomentMedia Group)-Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa fadhi-wada jir ah oo ay maanta cod aqlabiyada ahb ku Ansixiyay in Xukuumadda lagu taageero in laga qayb galo shirka Somaliya loogu qabanayo Dalka Ingiriiska iyo in kaabis iyo wax ka bedel lagu sameeyo Xeer uu Golahaasi hore u ansixiyay oo xakamaynayay in Dawlada Somaliland ka qayb gasho shir lagaga hadlayo arrimaha Somaliya.

 

Fadhigan maanta ee labada Gole ee Baarlamanka Somaliland oo uu Shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda C/raxmaan Maxamed C/lahi Cirro, kana soo xaadireen 109 Mudane oo ka mid ah 164 mudane ee Guurtida iyo Wakiiladda Somaliland , ka hor intii aan cod loo qaadin  labadaasi qodob, waxa khudbad ka hor jeediyay Wasiirka arrimaha dibada Dr. Maxamed C/lahi Cumar, kaasoo ka waramay faa’idada Somaliland ugu jirta inay shirkaasi ka qayb gasho.

Khudbada Wasiirka ka dib Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ayaa mudanayaasha ka codsaday inay cod u qaadaan labada Qodob ee la soo hor dhigay, waxaanu yidhi “mudanayaal waxaad ogtihiin in madaxweynuhu shalay labada Gole hor yimi oo uu u xog-waramay, maantana waxa yimi Wasiirka arrimaha Dibadda oo isna labada Gole siiyay xog waran, waxaanu inagu war geliyay in Xukuumaddu wada tashi balaadhan qaran samaysay” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

C/raxmaan Maxamed C/lahi Cirro isagoo la hadlaya Mudanayaasha waxa kale oo uu yidhi “laba arimood ayaanu mudanayaasha u soo jeedinaynaa midi waxa weeye waxa ina horyaala go’aan goluhu gaadhay mar hore, waxaana daruuri noqotay in inagoo ilaashanayna qaranimadeena inay danaheena kale ilaashano, markaa qodobka hore waxa weeye in qodob lagu soo daro Xeerkii lagu xakamaynayay in laga qayb galo shirarka Somaliya, qodobkaasoo ah in Xukuumaddu ka qayb gasho oo loo arko in dani ku jirto, kana hor imanaynin jiritaanka qaranimada iyo Dastuurka Somaliland.

“Qodobka labaadna waxa weeye maadaama Xukuumaddu codsatay in labada Gole ku taageeraan in shirka London laga qayb galo in labada golle ay ku taageeraan”

Khudbada Guddoomiyaha ka dib waxa ay xildhibaanadu u codeeyeen ansixinta labadaasi qodob, kuwaasoo 101 Xildhibaan u codeeyeen in la ansixiyo, 3 mudane diiday, halka 4 mudane ay ka aamuseen, sidaasi ayaanay ku ansaxeen labada qodob ee la soo hor dhigay Golayaasha Baarlamanka Somaliland, waxaana natiijada ku dhawaaqay guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Mr. Cirro “waxa u codeeyay in la ansixiyo labadaasi qodob 101 mudane , waxa diiday 3 mudane, waxaana ka aamusay 4 mudane, sidaasi ayaanay ansax ku noqdeen”ayuu yidhi Guddoomiyr Cirro.

Geesta kale intii ay socotay dooda iyo ansixinta qodobadan saaka la soo hor dhigay Mudanayaasha Golaha Wakiiladda Somaliland, waxa buuq iyo sawaxan laga dareemayay hoolkii ay doodaasi ka socotay, waxaana jiray mudanayaala ka soo hor jeeday in la meelmariyo qodobadaasi oo doodayay, kuwaasoo uu ka mid ahaa Xildhibaan Maxamd Faarax Qabille oo isagu markii dambe iskaga baxay Golaha ka hor intii aan la codayn.

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: