Xildhibaan dowladda federaalka ka tirsan oo soo bandhigay nuxurka heshiiskii Talyaaniga & R/wasaaraha Soomaaliya (Warbixin muhiim ah)

Xildhibaan C/fitaax Cabdiraxiin oo ka mid ah baarlamaanka federalaka KMG ah ee Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka warbixiyey socdaalkii uu dorraad kaga soo laabtay wadanka Talyaaniga R/wasaaraha xukuumada federaalka C/weli Gaas, wuxuuna xildhibaanku u soo jeediyey baarlamaanka in ay weydiistaan R/wasaaraha in la horkeeno qodobada heshiiskaasi, isagoo R/wasaaraha ku eedeeyey inuu u dhaqmay sidii shaqsi madax ka ah Puntland ee aanu muujin inuu yahay mas’uul Qaran, wuxuuna dhinaca kale ugu baaqay in dowladda Talyaaniga uu si waadix ah kala hadlo heshiiskaasi si loo saxo qaladaadkii uu xambaarsanaa.

“Wefdi soocan ayaa ka soo baxay Soomaaliya oo halkan yimid, waxaa laga reebay dadkii ay aheyd in ay wadahadalada goob joog ka noqdaan, tusaale wasiirkii arrimaha gudaha maadaama arrimaha laga hadlayey ay ka mid ahaayeen nabadsugidda waxey aheyd inuu wefdiga la socdo wasiirkii arrimaha gudaha Soomaaliya xittaa wasiirkii Talyaaniga waa uu weydiiyey R/wasaaraha, waxaana heshiiskaasi uu xambaarsanaa qorshe ka duwan qorshaha dowladda dhexe” ayuu yiri Xildhibaan C/fitaax, wuxuuna intaa ku daray in wefdiga uu hogaaminayey C/risaaq Juriile oo aan dowladda ku jirin, kana mid aheyn wefdigii R/wasaaraha balse gadaal ka yimid.

“Qorshaha wafdigan uu watay wuxuu ahaa qorshe aaney ka war hayn madaxtooyadda Soomaaliya wixii meesha lagu soo goostay ilaa hadda madaxtooyadda lama socoto, lama soo bandhigin, si guud ayaa loo yiri isbitaalo & garoomo diyaaradeed noo dhisa, laakiin dadkii ka ag dhowaa wefdiga waxey shegeeen in la doonayo in miisaaniyadii Soomaaliya loogu talogalay in 90% loo weeciyo Puntland, waxaana taasi marqaati ka aheyd in intii ay wadahadaladu socdeen inuu saacad saacad u soo wacayey R/wasaaraha C/raxmaan Faroole oo ku calaacalayey in Puntland aaney weli helin 6dii Malyan ee ay ku qabatay shirkii Garoowe”Halkaan Ka Akhri ayuu yiri Xildhibaan C/fitaax, wuxuuna xusay in madaxweynaha & baarlamaanka ay arrintaasi ku baraarugaan kalana hadlaan R/wasaaraha inuu horgeeyo heshiiskaasi baarlamaanka.

“Qodobada lagu heshiiyey ee aan anigu xog-ogaalka u ahay waxaa ka mid ah in garoomo caalami ah laga dhiso Garoowe, Boosaaso & Qardho, waxaa marka isweydiin leh sidee maamul ka mid ah maamulada Soomaalida uu keligiis u hanan karaa wax ka badan wixii uu xaqa u lahaa.? C/weli ha cadeeyo inuu Puntland wakiil ka yahay & inuu yahay mas’uul Qaran.? Arrinta kale ee in lagu baraarugo mudani waxey tahay intii ay shirarkaasi socdeen waxaa garab fadhiyey C/risaaq Juriile oo caan ku ah sida loo Musuqmaasuqo Mucaawinooyinka weliba kuwa ay bixiso dowladda Talyaaniga, laguna xusuusto 90-meeyadii markii uu madax ka ahaa MASHRUUCII Qasnadii Gargaarka Talyaaniga (FONDO AIUTO ITALIANO F.A.I.) ee lagu dhisay waddada u dhexeysa Garoowe & Boosaaso oo lacagihii loogu talogalay 10% la isticmaalay halka 90-kii kale ay qabsadeen Juriile & hay’adihii dowladda Talyaaniga u qaabilsanaa howshaasi oo qaarkood ilaa hadda ay maxkamad ku socoto.

“Baarlamaanku waa inuu isweydii fadliga & derajada ay heleen Garoowe & Boosaaso sababta ay ku waayeen B/weyne oo baahi weyn u qabto in laga hirgeliyo garoon diyaaradeed, ahna magaaladda ugu muhiimsan magaalooyinka Soomaalida meesha ay ku taal darteed, dhibaato aad u weynna ay ku qabaan dayuuradaha gargaarka marka ay ka degayaan run-wayga oo ciid ah darteed & magaalooyinka Hobyo, Cadaado, Xarardheere, Guriceel, Ceelbuur, Jowhar & dhammaan gobolada Koofureed” ayuu yiri Xildhibaan C/fitaax.

Arrinta kale ee in lagu baraarugo u baahan oo ay qorsheynayaan reer Garoowe ayuu ku sheegay in tuulada Carmo oo ah deegaan lama deegaan ah in la dhigo taliska ciidamada booliska Soomaaliyeed, lagana kaaftoomo Dugsiga tababarka ciidamada (Iskoolo bluusiyo) taasina waxey ka mid tahay xanuunada haya Faroole & Gaas baarlamaankuna waa in ay arrintaasi ku baraarugaan” ayuu yiri Xildhibaan C/fitaax

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: