Shirkii Kooxda ICG Oo Lagu Soo Gabagabeeyey Djibouti

Djibouti (Moment Media) Waxa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Djibouti shirkii 21-aad ee kooxda xiriirka arrimaha soomaaliya ICG kaa oo ay ka qeyb galeen dhamaan dhinacyadii saxiixay heshiiskii qorsha howleedka Roud Map-ka

Masuuliyiinta shirka ka hadlay waxa ka mid ah ra’iisul wasaaraha soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka codsaday beesha caalamka inay mowqif mideysan yeeshaan oo shirka london lagu xoojiyo sidii ciidamda Soomaalida iyo hay’adaha amniga dib loogu dhisi lahaa iyo in roadmap ka iyo Garowe Principles ay noqdaan saldhigga dooda iyo waxqabadka

Shirka ICG oo shalay iyo maanta ka socday Djibouti ayaa waxaa looga hadlay arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin:  arrimaha amniga, gaar ahaan sidii loo sii wadi lahaa howlgaladda looga soo horjeedo Al-Shabaab, Waxaa kaloo laga hadlay sidii shacabka Soomaaliyeed loogu abuuri lahaa nolol gaar ahaan degmooyinka iyo gobollada laga xorreeyo Al-Shabaab, waxaa kaloo si gaar ah looga hadlay Shirka London ee 23 February 2012 oo la isku raacay in shirkaas uu noqdo mid maslaxadda Soomaaliyeed ay ku jirto oo looga hadlo sidii xal waara looga gaari lahaa arrimaha amniga iyo ugu danbeyntii.

Sidoo kale shirka waxaa la isla gartay in xilliga kala guurka ah la soo afjaro 21 August 2012, isla markaana la dar-dar geliyo dhameystirka Dastuurka iyo dib u habeynta baarlamaanka oo la isku raacay in baarlamaanka cusub uu noqdo mid tayo leh oo ay jiraan shuruurda sida waxbarasho, in shaqsiga uusan danbi hore u galin ama uusan soo noqon warlord, isla markaana sumcad ku dhex leh bulshada dhexdeeda.

Dhamaan dhinacyada ka qeyb galay shirka ICG ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin wax yaabaha ka soo baxay,waxana ay sheegeen in ay dhamaan dhaqan galin doonaan qodabada ka soo baxay.

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: