Ciidanka AMISOM ee Muqdisho jooga oo loo badali doono UN 20 maalin kadib (Sir Culus)

10.02.2012  Shirka Tashwiishka badan dhaliyay ee London dhinacyada Soomaalida loogu qaban doono 23-ka bishaan, ayaa lagu wadaa in go’aamo xagga Ciidamada Nabad ilaalinta ah laga soo saaro.

Ajandaha Ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee hoos taga Midowga Afrika ayaa waxaa suurta gal ah in loo badalo kuwo hoos tagi doona Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobe.

Waxaa la qorsheynaayaa in dhinacyada Soomaalida ee Shirkaas ka qeyb gali doona ay ansixin doonaan qorshahaan, taas uu durbadiiba si dhaqsi ah loo meel marin doono.

Ciidmadan oo hadda loo yaqaano AMISOM ayaa noqon doona kuwo hoos taga UN-ka hadii la ansixiyo qorshaha Shirka London, waxaana lagu soo kordhin doonaa Ciidamo Cusub.

Ciidamada ayaa lagu soo biirin doonaa Ciidamo Yurubiyaan iyo American isugu jira, waxaan la qorsheeyay in ay hogaamiso Dowladda Turkiga oo Saaxiib dhow la ah Dowladda hadda jirta.

Dowladda Turkiga ayaa wali Saxiixin qorshahaan, waxaana sabab u ah iyadoo saluugsan guud ahaan Shirka London, inkastoo wadahadalo lagu qancinaayo ay socdaan.

Dowladaha yurub ayaa indhaha soo weeciyay hadda Soomaaliya oo ka billaabatay Qorshe Shidaal looga qodaaya, waxaana jira loolan u dhaxeeya Dowladaha Taliyaaniga, Ingiriiska, Faransiiska iyo Turkiga oo ku wajahan Koontaroolka iyo Hogaanka Soomaaliya iyo Soomaalida.

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: