Dublamaasiyiinta Dawlada Ingriiska Oo Olole Siyaasadaysan Ugu Jiro Sidii Loo Aqoonsan Lahaa Xukuumada Siilaanyo+Warbixin Xiisa Badan

 

London-(Moment Media Group) Warar naga soo gaadhaya xafiiska arimaha dibada ee wadanka Ingiriiska ayaa sheegaya inuu dardar iyo sidii luugu talo galay ku socdo shirka hoosaasinta ah ee  Soomaalida loogu qabanayo magaalada London. 

Mar wax laga waydiiyay ninka isagu masuulka uga ah dawlada Ingiriiska arimaha qaarada Afrika Mr. Henry Bellingham  ayuu si aan gabosho lahay u sheegay in uu doonayo in Ingiriisku siiyo Somaliland fursad ay danahooda “Gooni Isutaagooda” ugu gudbistaan awooda ka hadhay awoodihii ku herdami jiray ku amar tukaalaynta calaamka 60 kii sano ee tagay waa dawlada USA. 

Dawlada Maraykanka ayaa iyadu ku adkaysanasa in Soomaaliya loo daayo sideeda oo aan lakala goyn sababta oo ah wax dana oo ay ka helayaan inaysan jirin kala goynta Soomaaliya. Dawlada Maraykankuna waxay  iyadu uga hadashaa maamul goboleedada sidatan “Administrations in the northwest (Somaliland) and northeast (Puntland) areas of the country do not recognize the results of the Djibouti Conference”(State Department) Xafiiska arimaha dibada ee Maraykanka.

Dhinaca kale dawlda federalka Soomaaliya ayaa aysan cadayn mowqifkeeda ku aadan dabinka ay dawlda Ingiriisku la damac santahay dawladnimada Soomaaliya. Hadaba Su’aasha meesha ku jirtaa waxa weeye Maraykanka oo ay haatan Siyaasadiisa Arimaha dibada ay hor kacaso Hilary Clinton oo ah Haweenay aad u khibrad badan oo ah ruug cadaa kusoo daashay arimaha caalamka ma ka ogolaandoontaa doonitaanka Saxiibkeeda 1aad ee dunidu ku doonayo gooni isutaaga maamulka Somaliand?

 

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: