Raysul Wasaare C/weli Gaas oo Shaaciyey Wareega Labaad ee Shirkii Garowe

 

Raysul wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta shaaciyey in bishan Febraayo gudaheeda la qabanayo shirkii Garowe qeybtiisa labaad.

Raysul wasaaraha ayaa sheegay in wareega labaad ee shirka looga hadli doono dhameystirka qodobo muhim ah oo horey qabyo u ahaa sida awoodaha maamul goboleedyada, habka federaalka, xulida ergooyinka golaha dastuuriga iyo awood qeybsiga.“Shirka qeybta labaad waxaa looga hadli doonaa wixii horey uga harsanaa heshiiskii Garowe Principles [mabaadii’da Garowe] oo ay ka mid tahay dawlad wanaaga iyo habka federaalka” ayuu yiri raysul wasaare Gaas.

Raysul wasaare C/weli Gaas wuxuu tilmaamay in hawl badan ay weli harsan tahay iyadoo waqtigii dawlada ee ku eg bisha Agoosto uu gabaabsi marayo, wuxuuna dhanka kale walaac ka muujiyey inaan weli la meelmarin qorshaha “Roadmapka” loo yaqaano oo aan baarlamaanka loo geyn illaa hadda.

Shirka London iyo Mabaadii’da GaroweQabashada wareega labaad ee shirka Garowe ayaa imaaneysa xilli dawlada Ingiriisku ay qabaneyso shir looga hadlayo arimaha Soomaaluya kaasoo dhacaya 23-ka Febraayo.

Waxaa warar kale sheegayaan in Ra’iisul Wasaare C/Welli uu Madaxweynaha ka codsaday in Jagada laga qaado Ambasado Nuur Cadde, oo hadda ah Ambasadorka DFKMG u fadhiya Talyaaniga.Waxaa xusid mudan in wasiirka arimaha dibadda Ingiriiska William Hague oo wax laga weydiiyey Qorshaha “Roadmapka” iyo “Mabaadii’da Garowe” inuu ka aamusay taasoo muujineysa in dawlada Ingiriisku aysan la dhacsaneyn labada qorshe ee hadda siyaasiyiinta DKMG iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay wataan.

Categories: Truth to Power | 1 Comment

Post navigation

One thought on “Raysul Wasaare C/weli Gaas oo Shaaciyey Wareega Labaad ee Shirkii Garowe

  1. “Qodobada lagu heshiiyey ee aan anigu xog-ogaalka u ahay waxaa ka mid ah in garoomo caalami ah laga dhiso Garoowe, Boosaaso & Qardho, waxaa marka isweydiin leh sidee maamul ka mid ah maamulada Soomaalida uu keligiis u hanan karaa wax ka badan wixii uu xaqa u lahaa.? C/weli ha cadeeyo inuu Puntland wakiil ka yahay & inuu yahay mas’uul Qaran.? Arrinta kale ee in lagu baraarugo mudani waxey tahay intii ay shirarkaasi socdeen waxaa garab fadhiyey C/risaaq Juriile oo caan ku ah sida loo Musuqmaasuqo Mucaawinooyinka weliba kuwa ay bixiso dowladda Talyaaniga, laguna xusuusto 90-meeyadii markii uu madax ka ahaa MASHRUUCII Qasnadii Gargaarka Talyaaniga (FONDO AIUTO ITALIANO F.A.I.) ee lagu dhisay waddada u dhexeysa Garoowe & Boosaaso oo lacagihii loogu talogalay 10% la isticmaalay halka 90-kii kale ay qabsadeen Juriile & hay’adihii dowladda Talyaaniga u qaabilsanaa howshaasi oo qaarkood ilaa hadda ay maxkamad ku socoto.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: