Dowladda Ingiriiska iyo IGAD oo ku kala aragti duwanaaday arriamaha Soomaaliya iyo shirkii…

Shir gaar ah ayaa shalay dalka Jabuuti uga furmay wasiirrada arrimaha dibadda ee urur gobolleedka IGAD, iyadoo dowladda Soomaaliyana ay shirkaasi uga qeyb galayaan Ra,iisulwasaare ku xigeen ahna wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Maxamuud Xaaji Ibraahi iyo wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah C/llaahi Goodax Barre.

Shirkan shalay uga furmay wasiirada arrimaha dibadda ee urur gobolleedka IGAD magaalada Jabuuti ayaa looga hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay shirka magaalada London ka furmaya bishan aynu ku jirto dhinacyada siyaasadda Soomaalida, isla markaasna arrimaha Soomaaliya xal loogu raadinayo.

Sidoo kale waxaa wasiirrada arrimaha dibadda ee IGAD ay kulankooda ku muujinayaan mowqifka ay ka joogaan shirka London, iyo sidii Soomaaliya ay cagaheeda isugu taagi laheyd, waxana shirka sidoo kale looga hadlay arrimaha ka taagan dalalka IGAD, gaar ahaan Suudaan

Shirka shalay Jabuuti ka furmay ee ay leeyihiin wasiirrada arrimaha dibedda IGAD ayaa waxaa xigidoona shir kale oo ay madaxda dalalka IGAD isugu imaanayaan, kaas oo sida la sheegay go’aano ay ku mideysan
yihiin oo ku aadan shirka Soomaalida ee London ka soo saaridoonaan, gaar ahaan wax loogu yeeray mowqifka ay dalka IGAD ka qabaan shirkaasi ama sida ay aragti mideysan ugu gudbin lahaayeen dowladda Ingiriiska ka hor inta aan shirka la gaarin.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in dowladaha IGAD ay doonayaan in looga dambeeyo arrimaha Soomaaliya sidoo kalena ay door ku yeeshaan shirka Soomalida loogu qabanayo magaalada London ee dalka Ingiriiska, warku wuxuu intaasi ku darayaa inay jiraan kala aragi duwaanaasho aan weli soo shaac bixin oo u dhexaysa dalalka IGAD iyo dalka Ingiriiska, taas ku saabsan waxa laga yeelayo dedaaladii IGAD iyo Afrika ay horey u wadeen, gaar ahaan qorshaha Roud Map-ka iyo go’aanadii shirkii Garoowe, halka warar kale ay sheegayaan in dalalkani ay ka cabsi qabaan in laga wareejiyo awoodii iyo saameyntii ay ku lahaayeen Soomaaliya iyo weliba dhaqaalihii ay ku heli jireen magaca Soomaaliya marka dalalkooda shirarka Soomaalida lagu qabanyo.

Qorshahan IGAD ayaa waxaa aad u taageersan madaxda sare ee dowladda KMG waxaana taageeradooda lagu sababeeyay, iyagoo doonaya in la hirgeliyo qorsha Road map-ka iyo go’aanadii shirkii garoowe kuwaas iyaga siinaya awoodo dheeraada marka ay tagto xulashada xidhibaanada cusub, taas oo u sahli karta inay markale soo laabtaan oo ay madax ka noqdaan dowladda cusub ee la dhisayo, sidoo kale Madaxda Soomaalida waxay ka cabsi qabaan in shirka London ay ka yimaadaan qorshayaal meesha ka saaraya in ragga xilalka sare ka haya dowladda KMG aysan saameyn ku yeelan xulashada Xildhibaanada cusub ama la yiraahdo waxaa loo baahanyahay wajiyo cusub oo Soomaaliya ka howgala, waxaan dhinaca kale sii kordhaya dadka ka soo horjeeda qorshaha Road map-ka, gaar ahaan kuwa dhaliilsan awoodda la siiyey saxiixayaashii shirkii garoowe.

Dhinaca kale shirka IGAD ayaa waxaa markii ugu horeysay xubin buuxda ka noqday wadanka cusub ee Koofurta Suudaan, iyadoo shirka wasiirada arrimaha dibadda IGAD uu ka qeybgalay wasiirkooda arrimaha dibadda, kaas oo ku saxiixay magaalada Jabuuti oo lagu aas-aasay IGAD liiska xubin ka ahaansha urur goboleedka IGAD.

Isla dhinaca kale dowladda K/sudan ayaa shalay la saxiixatay dalka Jabuuti inay dalkeeda ka dhoofsato shidaaalka laga soo saaro dalkeeda dekedaha dalka Jabuuti, waxayna arrintani ku soo aadaeysaa iyadoo
K/Suudaan ay maalmo ka hor heshiis noocani oo kale la saxiixatay dalka Itoobiya oo ay kula heshiisay in dhulka Itoobiya marsiisato dhumaha shidaalka qaada si ay uga dhoofsato dekedaha dalka Jabuuti,

Shirkan gaarka ah ee wasiirrada urur gobolleedka IGAD oo soconaya labo maalmood ayaa la filyaa in laga soo saaro War Murtiyeed ka kooban qodobo badan oo ay ugu horeyso arrimaha Soomaaliya, sidoo kalena qodobo laga soo saaro xaaladaha kale ee ka taagan dalalka urur Goboleedka IGAD.

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: