Shariif Axmed oo magacaabay gudiga wadatashiga DFKMG iyo Somaliland

Muqdishu Abriil 14, 2012 (WDN) — Madaxweynaha DFKMG Md. Shariif Axmed ayaa magacaabay gudiga wadatashiga Somaliland iyo DFKMG. Gudigan oo ka kooban todoba xubnood, ayaa la sheegay in uu hor kacayo dhinaca DFKMG wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka ee DFKMG. Xubnaha Gudiga ayaa kala ah:

  1. Md. Cabdisamad Macallin Maxamuud, wasriika Arrimaha Gudaha iyo Aminiga Qaranka, DFKMG ee Soomaliya
  2. Md. Cabdillaahi Xaaji Xasan, wasiirka Arrimaha Dibadda DKMG.
  3. Dr. Cabdinaasir Maxamed, wasiirka Maaliyada DKMG
  4. Md. Axmed Xasan Gaboobe (Ugaasi Bile) Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka DKMG.
  5. Md. Jeylaani Nuur Iikar, Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska DKMG
  6. Md. Cabdillaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) wasiirka Arrimha Gudaha, ee maamul goboleedka Puntland
  7. Md. Daa’uud Max’ed Cumar, Wasiirka Qorsheynta Iyo Xiriirka Caalamiga ee maamul goboleedka Puntland.

Gudigan ayaa sida kor ku xusan, waxaa ka mid ah laba wasiir oo ka tirsan maamulka Puntland.

Dhinac kale Md. Cali Khaliif Galaydh, ayaa waraysi ay la yeeletay WDN, ka dayriyay gudigan wadatashiga ee DFKMG iyo Somaliland, isaga oo sheegay in loo baahan yahay in aad looga faiirsado arinkan lana balaadhiyo gudiyadaasi. Md. Galaydh ayaa ku sheegay gudiyadan in aysan matali karin masiirka danaha Soomaaliyeed ee ku aadan gooni isu taaga Somaliland. Md. Cali Khaliif waxa uu sheegay in arinkani uu ka weyn yahay wax ay “ inta afar qof ay qol madow isku soo xidhaan ay yidhaahdaan waxaanu kawada hadlaynaa arimaha Somaliland 

Sidoo kale waxan dhawaan gudi ka kooban shan xubnood magacaabay madaxweyanaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, iyada oo lagu wado in wadatashigu DFKMG iyo Somaliand uu ka billaabmo wadanka Ingriiska dhawaan.

Moment Media Group

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: