Xukuumadda Somaliland oo Qaadacday inay ka qaybgasho wada hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya

Khamiis, April 19, 2012 (MMG)- Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in aanay wax wada hadal ah la galeen Dawladda KMG Soomaaliya, maadaama oo guddida wada hadalka ku soo dartay laba qof oo dhalasho ahaan ka soo jeedda Somaliland, balse ay soo magacowday Puntland.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa magaaladda Hargeysa, isla markaana sheegay inay ka noqdeen wada hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya ka dhexeeyey ilaa inta ay ku jiraan guddida Soomaaliya labadda qof ee dawlad goboleedka Puntland soo magacowday.

“Madaxweynaha TFG-da wuxuu soo ku soo wada daray Gudida wada hadalka Xubno cusub oo ka deegaan ahaan iyo dhaqan ahaanba ka soo jeedda Somaliland arrintaasina waxay noogu muuqataa mid lagu carqaladeynayo qabsoomida wada hadalkaasi, wada hadalku wuxuu dhex mari karaa oo qudha labadii geesood ee isku biiray sanadkii 1960-kii,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Cumar.

Waxaanu intaas ku daray “Haddii aanu madaxweynaha Soomaaliya wax ka bedalayn arrintan Somaliland qaabkaasi kuma gelayso wax wada hadal ah,”.

Waa markii ugu horaysay ee labaddii dhinac ee wada hadalka u balansanaa ay qolo qaadacdo, isla markaana gabi ahaanba ay joojiyaan wada hadalkiii dhex mari lahaa labadda dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Somaliland Md: Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa hore u magacaabay guddi ka kooban shan wasiir oo ka qaybgalaya wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya, halka madaxweyne Sheekh SHariif Sh. Axmed uu isna magacaabay guddi iyana uga qaybgasha wada hadalkaasi, haseyeeshee, xukuumadda Somaliland ayaa saluugtay guddidaasi madaxweyne Shariif magacaabay oo laba wasiir oo Puntland ka socda.

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: