Siyaasi caan ah, kana soo jeeda degaanada Somaliland oo sheegay in Soomaaliya aysan kala goi’ karin

27.09.2012 -Siyaasiga Cismaan Jaamac Cali {Kalluun} oo ah siyaasi ka soo jeeda deegaanada Somaliland balse ka soo horjeeda gooni isutaagga maamulka Somaliland, isla markaasna dhawaan booqday magaalada Hargeysa isagoo ka yimid dalka Ingiriiska ayaa markii uu noqday waxa uu qoray warbixin ay ka xanaaqeem mas’uuliyiinta maamulka Somaliland.

Mr. Kalluun oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii Maxamed Siyaad Barre ayaa warbixin dheer oo uu kaga hadlay safarkiisaas oo uu ku maray Somaliland, Soomaaliya iyo meelo kale waxa uu ku sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ka dhaceyso magaalada Muqdisho, isla markaasna aysan dhici karin wax kala go la yiraadho, haddii la helo nabad ka dhalata Muqdishana dadka intiisa badan ay aadayaan Muqdisho sida uu yiri.

“Soomaalida Muqdisho way ka dhaxeysaa, dad badan oo ka kala yimid dhammaan gobalada ayaa jooga Muqdisho, markii aan tagay Somaliland ee aan midnimada kala hadlay waxay ii sheegeen in haddii ay Soomaaliya nabadowdo, dadku ay Muqdisho tagi doonaan, waa dabeecadda Afrikaanka inay xoogga saaraan caasimadda, tani waxay daciifineysaa gooni isu taagga waxaanay xoojinaysaa midnimada, Somaliduna way is ogoshahay inay hal qaran noqoto” ayuu yiri Cismaan Kalluun.

Arrintan ayaa waxaa ka xumaaday maamulayaasha Somaliland oo markii uu tagayey fasax-weydiistay maadaama uu ka mid ahaa raggii xilalka kala duwan ka qabtay maamuladii KMG ahaa intii uu dalka ku jiray burburka, waxayna sheegeen mas’ulliyiinta Somaliland in hadalka ka soo yeeray Cismaan Kalluun uu yahay mid meel ka dhac ah ku ah dadka reer Somaliland oo u jeebkiisa kala soo baxay sida ay yiraahdeen, dadka reer Somaliland ay horay u gaareen, sheegeena inay yihiin dowlad madaxbanaan.

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: