Madaxweyne Xasan Sheekh “Cid aan dowladda aheyn maamul uma u sameyn karto magaalada Kismaayo”

03.10.2012 – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay sida uu u arko xaaladda Kismaayo oo ay la wareegeen ciidamada Soomaalida ah iyo kuwa Kenya iyo cidda ku haboon ee maamul u sameyn karta.

Waxaa uu sheegay madaxweynuhu inuu soo dhaweynayo qabashada Kismaayo, wuxuuna intaasi ku daray in dowladdiisu ay maamul rayid ah u sameynayso magaaladaasi, isagoo sheegay in cid kale aysan xaq u laheyn inay Kismaayo maamul u sameyso, isla markaasna aysan ka ogolaan doonin arrin noocaasi oo kale ah.

Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in la wareegidda gacan ku heynta magaalada Kismaayo ay tahay mid muhiim u ah dowlada Soomaaliyeed ayna socdaan wadatashiyo uu la sameynayo sida uu yiri qeybaha kala duwan ee beelaha dega gobolada Jubooyinka isla markaana si degdeg ah loogu dhawaaqi doono maamul loo dhanyahay oo rayid ah, ayna ku mideysanyihiin dhammaan beelaha wada dega gobolada Jubbooyinka.

“Magaalada Kismaayo waxaan u sameynaynaa maamul rayid ah oo aan aheyn mid meletri, waxaan idiin sheegayaa in dowladda aysan cidna ka ogolaan doonin inay maamul u sameyso magaalada Kismaayo, warar badan ayaa magaalada yaacaya, laakiin dadku waa inay waxaasi oo dhan uga kaaftoomaan in magaalada cid aan dowladda aheyn aysan maamul u sameyn doonin, isla markaasna haddii ay si iskood ah uga dhawaaqaan aan laga yeeli doonin” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Warka ka soo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku soo beegmaya xilli ay ciidamada huwan ah ay la wareegeen gacan ku heynta magaalada Kismaayo, iyadoo ay ka baxeen maalmo ka hor ciidamadii Al-shabaab oo ka talinayay magaalada Kismaayo, waxaana xusud mudan in maamul u sameynta magaalada Kismaayo ay ku riyoonayaan dad badan oo ay ka mid tahay dowladda Kenya, Ururka Raaskambooni ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe, Barre Hiiraale, dowladda Soomaaliya iyo dalal kale oo ka mid ah IGAD iyo sidoo kale dad kale oo sheegay inay iyagu xaq u leeyihiin maamul u sameynya magaalada Kismaayo, lamana oga saameynta uu ku yeelan doono intaasi oo dhan hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: