Maamulka Somaliland oo shuruud adag ku xiray wadahal dambe oo ay la galaan dowladda Soomaaliya, kana dalbaday…

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo khudbad u jeediyay taageerayaasha xisbigiisa ee magaaladda Burco ayaa fariin u diray beesha caalamka iyo dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Madaxwaynaha Soomaaliya uu maamuli kari la’ dalka loo doortay ay Somaliland gef iyo gardaro ku tahay inuu caalamka u sheego inuu dowlad u yahay Somaliland.

 Guddoomiyaha Kulmiye waxa uu sheegay in Somaliland xuduudkeeda xiraneyso, isagoo sidoo kalena tilmaamay in doorashadani tahay waxa Somaliland ay ku gorgirtameyso beesha caalamka, Muuse Biixi oo ugu horeyn ka hadlaya doorashadda deegaanka ayaa yiri “Doorashadu waa guul qaranimada Somaliland lagu dhisayo, qaranimada Somaliland-baa ku garnaqsaneysa oo caalamka ayaynu tusaynaa qaabka aynu u shaqeynayno ee dawladnimo”.

“Ninka Xamar lagu doortay ee Kismaayo ka dhisi kari la’ maamul ee Gaalkacayo u kala qeybsan tahay, ma laga yaabaa inay leeyihiin Somaliland-baanu dowlad u nahay oo aanu mataleynaa, caalamka waxaanu u sheegaynaa waa gef aanaan qaadan karin iyo gardaro, waxaanu leenahay waxaad tihiin naftooda hafar markaad leedihiin Somaliland-baanu Wasiiro iyo Xildhibaano ka qaadanay, naftiina run umaydaan sheegin” ayuu yiri waxaanu intaas ku daray “Somaliland waan qaran, xuduudkeedii isticmaarku kaga tagayna way soo xiraneysaa” ayuu yiri markale Mr. Biixi.

Sidoo kale Guddoomiyaha Kulmiye waxa uu sheegay in Somaliland aysan la hadli doonin mar-dambe inta ay dowladda Soomaaliya dad reer Somaliland ah ka dhigeyso wasiiro, wuxuuna ugu baaqay Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha inay ka waantoobaan dadka ka soo jeeda Somaliland ee ay leeyihiin waxay metelaan Somaliland, isagoo sheegay in dadkaasi aysan metelin Somaliland.

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: