Qaramada Midoobay oo sheegtay in Somaliland ay qeyb ka tahay Soomaaliya, loona baahanyahay inay…

Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Agustine Mahiga oo wareysi siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sheegay inay dhiirigelinayaan isla markaasna uu rajeynayo dhawaan inay dib u bilaabmaan wada-xaajoodkii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay inaan Somaliland ka codsan ka taageerida doorashooyinka, balse haddii codsi uga yimaado ay dersi doonaan wakhtigeeda.

Mr. Mahiga oo wareysigan bixiyey isagoo jooga magaalada Nayrobi ee dalka Kenya ayaa waxa uu sheegay inuu aaminsanyahay inayasna magacaabidda wasiiradda arrimaha dibadda marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan waxba u dhimi doonin wadahadalkii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somaliland.

Magiga mar la weydiiyey sida uu u arko Xukuumadda yare e Soomaaliya marka loo eego, diidmo beelo badani ka muujiyeen? ayaa waxa uu yiri “Runtii waa xukuumad kooban, aqoontooduna sareyso, isla markaasna aanu dhaqaale badani ku bixi doonin, waxaan  filayaa inay markii koowaad tahay qaaradda Afrika ee xukuumad sidan u kooban laga dhiso, marka loo eego, waxqabadka dhabtii, xukuumad kooban ayaa ku haboon, welina magacaabida wasiir xigeeno iyo aqaasimeyaal ayaa la filayaa, wuxuuna intaasi ku daray inaysan wax caqabad ah ku keeni doonin magacaabista Fowsiyo wadahadaladii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somaliland.

Mahiga oo markale la weydiiyey su’aal aheyd horey waxaad u taageertay magacaabidda Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan ma filaysaa inay taasi kuu geliso fikir xun shacabka reer Somaliland, maadama Somaliland looga arko qof khiyaamo qaran gashay?, wuxuuna ku jawabay “Taaa jawaab kama bixin karo, waana wax lagu qoslo, keliya waxaan ogahay inay tahay shaqsi karti leh, laakiin, dhinaca siyaasadda marka laga eego ma jecli inaan ka hadlo, Somaliland, waa inay ogaataa inay tahay qeyb ka mid ah Soomaaliya, way dhici karaan tabashooyin iyo dhib loo geystay”, ayuu yiri Mahiga.

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: