“Hadalka ka soo yeedhay Raysal wasaraha Somaliya waa Riyo Maalmeed, haddii uu Aminsan yahay in Somaliya iyo Somaliland ay Midoobayaan Waa uu Riyoonayaa.”Safiirka Wareega ee Somaliland

images

Hargeysa(Moment Media Group) Safiirka Wareega ee Somaliland Keysar Cabdilaahi Maxamed ayaa Jawaab kulul ka Bixiyey Hadal ka soo yeedhay Raysal wasaraha Dalka Somaliya oo Sheegay in wadda hadalada Somaliland iyo Somaliya ay yihiin kuwii soo celin lahaa Midnimo Somaliweyn, Safiirka ayaa Hadalkaasi raysalwasaraha ka soo yeedhay ku tilmaamay mid uu ku hadlay qof riyoonaya,waxanu hoosta ka xariiqay in shacabka Reer Somaliland ay hore u Goosteen in dawlad madaxbanaan ay noqdaan.

Keysar Cabdilaahi Maxmed oo Arrintaasi ka hadlaya wax uu yidhi. “ Hadalka ka soo yeedhay Raysal wasaraha Somaliya waa Riyo Maalmeed, haddii uu qof ku fakiro in Somaliland la midowbayso Somaliland oo qof isaga oo aan seexan riyoonaya, marka arrinta ninkaasi waa riyo, Qarankan Somaliland waa qaran tashaday oo goostay in uu gooni isutaago, wadda hadaalada Somaliland iyo somaliyana  waxa uu ka dhigan yahay labba dawladood oo walaalo ah oo wadda hadlaya, o ka tashana sidii ay u noqon lahayeen labba dawladood oo isgarabyaal oo is aqoonsan loo gadhi lahaa, shacabka reer Somaliland ayaa goostay in ay dalkooda gooni uu u noqdo, haddii uu raysal wasaraha somaliya uu sidaasi u hadlayan waa arrin nasiib darro ah.”Ayuu yidhi Safiirku.

Safiirka oo Ka Hadlaya Shakhsiyaadka Dhaliila Siyaasada Arrimaha Dibada ee Somaliland waxa uu yidhi. “Wax Jira Niman Muwaadiniin oo hore Xilal Dalka Uga hayn jiray, oo had iyo jeer warar been ah ka sheega qarankeena ama wasarada Arrimaha dibada, run ahaan shacabka Somaliland wax ka go’an in ay gaadhan himiladooda oo ah in ay qaran madaxbaan Noqdaan oo Aqoonsi hela, Dadka aan Tilmaamayo wax ka mid ah Saxiibkay C/fatax  oo hore u ahaa Safiirkii Irland ee Xukumadii  Riyaale u qabilsan jiray,  inkasta oo C/fatax yahay Muwaadiin u dhashay Somaliland, run aahana xor u leh in uu rayigiisa Cabiro, lakiin Wax uu cadeystay aflagaado aan qiil lahayn oo had iyo goor u jeediyo wasarada Arrimaha Dibada iyo siyaasada qarankeena, marka waxan u soo jeedinayaa in uu ka waantoobo.”Ayuu yidhi.

Safiirka Wareega oo ka hadlayey Wasiirada Arrimaha Dibada ee Somaliland iyo Somaliya eek u sugan London, ayaa sheegay in sababta ay u joogan ay tahay in ay Dariiq u sii xadhan wadda hadaladii u socday labada Dale e Somaliland iyo somaliya  “Run ahaan kama Hordhacayo  balse wax jira Wadahadaladii u socday Somaliland iyo Somaliya in dhawaan ay bilaabmaan”Ayuu yidhi Safiirku.

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: