Taariikhda Dhulka iyo Dadka Soomaaliyeed – (Documentation-Film) Daawo Video

Dalka Soomaaliya juquraafi ahaan waxa uu ku yaala cirifka Bari ee Qaaradda Afrika , waa dhul istaraatiijyada wanaagsan leh isla markaana Surinka ku haya marinbiyoodka caalamiga ah ee Baabul mandab oo xiriiriya Badweynta Hindiya iyo badda Cas isla markaana ahmiyad u leh.

Taariikh ahaan Dalka Soomaaliya waxa uu leeyahay xadaarad facweyn taasina waxaa marqaati kacaya  magacyada tirada badan ee loo aqoon jiray waayadii hore sida dhulkii uduga iyo Geeska Afrika, sidoo kale Xiriirka ummadda Soomaaliyeed ay la laheyd bulshada Aduunka ayaa iyana ah arin taariikhi ah oo xusid mudan, bal qooraanso xiriirkii u dhaxeeyay Masaairidii hore, Hindida, Carabta iyo Faariisiyiinta intuba.

Maadaama ummadda Soomaaliyeed ay yihiin umad Islaam ah Diinta waxa ay soo gaartay qarnigiii 3-aad ee Hijriyada waxaana arrinkaasi fududeeyay xiriirka u dhaxeeya muslimiinta ku nool jaziiradda carrabta iyo ummadda Soomaaliyeed, xusuusnow in ummadda Soomaaliyeed aan Diinta lagu Soo gaarsiin Dagaal iyo Seef midna.

Soomaalida caada iyo dhaqan ayeey u leedahay in af iyo adinba laga naco gumeysiga midab uu doonaba ha lahaade, Axmed Guureey waxa uu ahaa halgamaagii ugu horeeyay ee Soomaaliyteed bilaabayna kacdoon ku dhisan gumesi naceyb , waxaana xiriir uu lahaa Axmed Gurey Taliskii cismaaniyinta.

1884-tii reer Yurub waxay u kulmeen sidii ay Afrika u kala qeybsan lahaayeen waxaana Dalka Soomaaliya uu ka qeyb noqday Dalalka la kala qoqobay, waxaana arrinkaasi ka dhashay kacdoonkii hubeesnaa ee Sayid Max’ed C/lle Xasaan.

Halgamayaalka kale ee dagaallamay gumeysiga, baal dahab ahna ka galay taariikhda ummadda soomaaliyeed waxaa ka mid aha Shekh Xasan Barsane, Suldaan Olol Diinle, Sheekh Bashiir , Nasiib Bundo iwm.

1943dii waxaa gobollada koonfureed ka dhashay Golihii Dhallinyarada (SYC) ee ka koobnaa 13 dhallinyaro ah, ka dibna isku beddelay dhaqdhaqaaq waddani ah ee u ololeeya mideynta, xorriyada iyo madaxbannaanida dhulalka Soomaaliyeed.

Gobollada Waqooyi ee uu Ingiriisku gumeysanayey waxaa ka abuurmay xisbiyo u ololeeyo midnimada, xorryada iyo madaxbannaanida dadka iyo dhululka soomaaliyeed ee uu hormuud u ahaa xisbigii SNLka

Sannadkii 1956dii waxaa dhulka koonfurta soomaaliya laga abaabulay doorashooyinkii ugu horreeyey ee xukun-hoosaad, waxaana kuraastii loo tartamay intooda badan ku guuleystay xisbigii dhallinyarada ee SYL, waxaana guddoomiye baarlamaan loo doortay Mudane Aden Cabdulle Osmaan, raiisul Wasaarane waxaa loo doortay Mudane Cabdullahi Ciise Maxamuud, mudda kadib markii ay idlaatay xiligii lagu ballamay waxaa lagu dhawaaqay xorriyadda gobalada walow maalma ay soo kala horeeyeen.

Intaas kadib waxaa la dhisay xukuumad rayid ahey oo laga dhaxlay musuq iyo wax qabad la’aan waxaana 1969 awoodii Dalka la wareegay Ciidamadda Xooga oo ka koobnaa 21 Sarkaal oo Boolis iyo Milatari isugu jiray, waxaana ay madaxweyne Dalka ka noqday Max’ed Siyaad Barre.

Inkastoo talis walba uu ammaan iyo dhaliilo leeyahay hadana musuqo waa iska halkiisa kacaankii 21-october waxaa lagu ammaanay qoristii farta Soomaaliga iyo la dagaalankii aqris qoris la’aanta.waxaana howshaasi la hirgaliyay 21-ka Janaayo 1973, inkastoo horumar ay aheyd qoristii far soomaaliga, hadana kacaanka wuxuu eersaday markuu dhex mushaaxay badweynta qabiilka, isagoona ugu danbeyntii dharaar cad u bareeray inuu duqeeyo gobalo ay daganyihiin shacab Soomaaliyeed kana mid ah dhulka soomaaliya

1991-kii Taliskii Milatariga jabhada hubeysan ayaa ka eryay xilka, laakiin looma aayin jabhadihii oo waxaa laga dhaxlay qad cagaaran iyo ugaarsi qabiil, intaa kadib shirar dib u heshiisiin oo tira badan ayaa la qabtay laakiin dhaxalkooda waxa uu noqday in Soomaalida dhexdeeda ay is heebsoocdo oo waxaa la keenay fikir sheegaya in Soomaalida afar beel iyo bar ay yihiin 4.5.

2006-dii Burbur baahsan oo uu Dalka ku soo jiray kadib waxaa Neecow nabadeed oo lagu diirsaday muddo gaaban ku keenay Maxkamadihii Islaamka, waxaana ay u cuntami weysay nabadda ay Maxkamadaha keeneen Dowladda Itoobiya oo uur xumo ba’an ka qabta Nabad ka islaaxda Soomaaliya, waxaana Dalka ku soo duulay Dec-2006 ciidamo Itoobiyan ah kuwaasoo Magaalada Xamar labada dhan ka soo galay 27 december 2006-dii kana geestay Xasuuq xanuun badan, bur bur hanti iyo daaro, mana jirto cid ilaa iyo hadda la xisaabtanta urur gobaleed iyo urur caalami intuba.

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: