Dowladda Ingiriiska oo sheegtay inaysan aqoonsaneyn wax la yiraahdo Somaliland, ayna ka mid tahay…

ibrahim109

 

  1. Safiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Matt Bough ayaa ka hadlay dhawaaqii dowladdiisu kaga digtay xasiloonida Somaliland, waxa…anu faahfaahin ka bixin kari waayey halista amaan daro ee dowladdiisu Somaliland ka sheegtay.
    Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Matt Bough waxaa kale oo uu ka hadlay Madax-banaani Somaliland ka hesho beesha caalamka, waxaanu tilmaamay in dowladda boqortooyada Ingiriisku aysan aqoonsanayn Somaliland wax la yiraahdo, balse ay ka warheyso dhibaatada ay ka tirsanayaan dalka Soomaaliya, taasina ay tahay wax la xallin karo oo aan loo sheegan Karin dowlad gooni ah.

    Matt Bough oo wareysi siiyey idaacadda VOA ayaa isaga oo ka jawaabaya inuu faahfaahin ka bixiyo dhawaaqa dowladdiisu amaanka Somaliland kaga dayrisay yiri “Faahfaahinta dheeraadka ah ee aan ka bixin karo arrintan waa mid kooban, waxaan u sheegayaa dadwaynaha, talo-bixintayda dhinaca safarka ee ku daabacan website wasaaradda arrimaha dibada (http://www.fco.gov.uk/en/travel-and-living-abroad/travel-advice-by-country/sub-saharan-africa/somalia), waxaanu halkaas ku cadeynay in xilligan loo safro Soomaaliya oo ay ku jirto Somaliland, marka la eego halista gaarka ah ee la tilmaamay inay ku waajahan tahay dadka reer galbeedka ah ee Somaliland halkaasi jooga, waxaanu kula talinay dadka Ingiriiska u dhashay ee halkaasi jooga inay ka baxaan, laakiin faahfaahin intaa dheer kama bixin karayo, laakiin si dhib yar kumaano gaadhin (Go’aankaasi)”.
    Mr. Matt Bough waxa uu sheegay in dowladdiisu arrintan ay wadahadal kala yeelanayso Somaliland “Wadahadal ku saabsan arrintan ayaanu Somaliland kala leenahay, iyaga ayaanuna toos ugala xiriireynaa, waxaana mas’uuliyad naga saaran tahay muwaadiniinta Britain u dhashay ee guud ahaan caalamka ku sugan, go’aanka lagu bedelay dhanka socdaalkuna muu aheyn go’aan si fudud iyo taxadar la’aan lagu qaatay, intaasi wixii ka baxsan Somaliland ayaanu kala xidhiidhaynaa”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray in gooni isku taag iyo Madax-banaani Somaliland heshaa ku xidhan yahay Somalida “Siyaasadayada Somaliland ku aadani waa mid cad, haddana waa arrin u taala Soomaalidu inay go’aan ka gaaraan midnimada labada dhinac u dhaxeysa, dhinaca kalena waa howl u taala Midowga Afrika, mana jiro qorshe gaar ah ama go’aan Ingiriisku doonayo in lagu xalliyo, Somaliduna waxay awood u leeyihiin inay wada hadlaan, taasina waa mid sii kordhaysa, midowga Afrikana waxay leedahay ansixinta go’aanka Somalidu isku raacaan, iyada oo aan la wada hadlina xal ma imanayo, sanadkii hore ayaanu dhiirigalinay in la wada hadlo, aakhirkiina waa la wada hadlay, ilaa imikana taasi ayaanu taageraynaa”.
    Safiirka oo la waydiiyey sida dowladdiisu sida ay u aragto in Soomaaliya midowdo ama kala go’do ayaa ku jawaabay “Somaliland ma aqoonsanin, inkastoo aan ka warheyno dhibaatooyinka ay sheeganayaan, laakiin Soomaalida ayey u taalaa inay go’aan ka gaaraan xiriirkooda mustaqbalka”.Visualizza altro
Categories: Truth to Power | Leave a comment

Post navigation

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: