Nidaamka Federaalka Soomaalida

Nidaamka Federaalku Xal uma ahan Dhibaatada Soomaalida

Nuxurka Doodda

Warqaddan waxaan ku lafagurayaa nidaamka federaalka iyo sida uusan ugu habboonayn maaraynta khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaaliya ka jira. Waxaan marka hore sharxayaa waxa looga jeedo federaal iyo calaamadaha lagu yaqaan dalalka noqda federaal oo ah tiro aad u yar. 

Dabadeed, waxaan soo bandhigayaa waxtarka iyo waxyeellooyinka laga arkay intii lagu soodhaqmayey nidaamka Federaalka. Qeybta xigta waxaan ku falanqaynayaa caqabadaha waaweyn ee ka hor-imanaya in Soomaaliya nidaamka federaalka laga hirgeliyo. Gaar ahaan, waxaan si qoto dheer u sharxayaa nidaam-goboleedyada suurtagalka ah in lagu saleeyo nidaamka federaalka iyo cilladaha uu mid walba leeyahay. Ugu danbayntii, waxaan soo gudbinayaa toddoba sababood oo aan u daliishanayo inuusan nidaamkani ku habboonayn Soomaaliya. 
Waxaan ku soo gunaanadayaa dood oranaysa waxaa jira habab kale oo lagu heli dhammaan wixii waxtar ah oo ku jira nidaamka federaalka, islamarkaasna looga hortagi karo wixii waxyeellooyin ah oo ka iman kara.

Sida la wada ogsoon yahay habka federalismo waa hab u dan ah dadweynaha soomaaliyeed haddii la fuliyo, lagu na dhaqmo sharuucadda u degsan nadaamkaasi. Federaal oo micnihiisu yahay wax wada qaybsi cadaalad iyo sinaan ku dhisan iyo xukun fur furan oo ku baahsan goboalda iyo degmooyinka {qaybsashada maamulka dawladda dhexe, khayraadka, gobol walba inuu is maamulo si ay awooda gacanta ugu gasho shacabka } dawladda dhexe na ay kor ka maamusho goboladda iyo degmooyinka . 

Axdiga ku meelgaar ee dawlada TFG waxaa lagu xusay in dalka lagu maamuli doono habka federalka, hase yeeshee arrintu ma ah mid sahlan federala waxaa qaadan karaa dawlada dhisan oo gobolada iyo degmoodyinka ay ka jiraan maamul oo gobol kasta uu leeyahay wax soo saar ama isku filin karaan, mida kale waxaa waxaa laga maarmaan ah in la helo nabad galyo buuxda , maxaa yeelay nabadgalyado waxay door weyn ka qaadan kartaa fulinta nimaadka cusub ee federaal, in kastoo soomaaliya muddo dheer ay ku jiratay jaha wareer iyo dagaal sokeeye sidaasi darteed aad iyo aad ayay u adag tahay in ay si fududu ku hergesho . 
Nidaamka federaalku wuxuu shacabka siinayaa fursad ay ku soo dhistaan goboladdood isla markaasi na uu door ka qaabto ka qayb galaka siyaasadda dalka , mashruucaani federaalku wuxuu ku dhiiro gelinayaa goboladda iyo degmooyinka in ay ku tartamaan horuminta degaankoodda oo ay gacantoodda ku maamulaan ka dibna dalka intiisa kale ay wax ka qabtaan , federaalku wuxuu ku fiican yahay in awooda lagu balaariyo goboladda iyo degmooyinka mana jirayso dawladda caburisa isla markaasina ku xad gudubta xuquuqda dadweynaha iyo deegaamada . Habkaani wuxuu ku haboon yahay in ay qaataan qowmiyado kala duwan oo hal meel ku nool hase yeeshee soomaaliya ma filaayo in ay baahi u qabto habkaani federaalka ah , maxaa yeelay soomaaliya waa hal qoys oo isku af iyo iyo diin ah.

Haddii la rabo in dal laga hirgeliyo mashruuca federaalka , marka hore waxaa loo baahan yahay in la xaqiijiyo in marka hore goboladda iyo degmooyinka in dadkiisa la wacyi geliyo loona bandhigo faa’iidooyinka iyo dhibaatooyinka uu leeyahay federaalka , ka dibna dadweynaha ayey ku xiran tahay in ay qaataan iyo in ay diidaan, hase yeeshee suurta gal ma noqon karto in koox yar in ay meel ku shiraan ka dibna si fudud ay u qaataan federal .
Runtii fikradaani ma ah markii ugu horeysay haddii aan dib ugu noqdo xiligii gobonimo doonka sanadkii 1952kii waxaa siyaasiin soomaaliyeed qaar ka mid ah waxay soo jeediyeen in la qaato habka federaalka iyagoo isku haleynaayo khayraadka gobolkood uu leeyhay oo aan dan ka lahay gobolad intii kale hase yeeshee xisbigii SYL ayaa si xoog leh uga soo hor jeestay maxaa yeelay dastuurka SYL wuxuu qorayay in la helo somaali weyn . 

Fikradaasi federal ah oo ay qabeyn mucaada ka waxaan loo keenay in lagu hakiyo ama lagu tir tiro qadiyada soomaali weyn hase yeesee hogaamiyaashii SYL waxay shacabka soomaaliyeed ay ku boorisay in laga hortago fikradaasi ay wataan mucaaradka oo doonayey inay marin habaabiyo qadiyadda midnimadda soomaaliyeed taasoo isticmaarku soomaaliya u qaybiyey 5 qeybood., hadda na isticmaarka cusub wuxuu doonayaa in soomaalidii xorta ahay inuu u qaybiyo 5 qaybood oo kale ujeeddada dahsoon ee loo qaatay federaalku ay tahay in lagu tirtiro qadiyaddii horay u jirtay. 

Waxaa nasiib daro ah shirkii labada sano loo fadhiyey oo shacabka soomaaliyeed ku han weynaa in ay ka soo baxaan wax u dan ah dalka iyo dadka soomaaliyeed lagu soo dhisay dawlada federaal ah taasi waxay calaamad cad u tahay in la damacsan yahay in midnimaddii jiray in laga kala qayb qaybiyo ujeeddada ka dambeysana ay tahay in la aaso qadiiyaddii soomaali weyn, maxaa yeelay dalka lagu soo dhisay dawladda federal ee ku meel gaar ah waxay haystaa qayb ka mid ah dhulka soomaaliyeed sidaasi darteed mar na raali ka ma noqon karto in lagu la gorgortamo , Eithopia waxay horey u haystay qayb ka mid ah dhulka soomaaliyeed hadda na waxay u soo tafxeedatay in ay gabsato soomaalidii xorta ahayd si aan mar kale loogu la sheeganin tii ay horay u heystay.

Ururka IGAD oo hogaanka u haysa xabashadu waxay ka qayb ahayd dawladdii Mbigathi – Kenya lagu soo dhisay iyaga na ka dambeyey in la qaato habkaani federaalka ah , ujeeddada ka dambeysa na ay tahay in mar kale aan la sheeganin qaybahii ay horey u heysteen .
Hadda ba waxaa is weydiin mudan dalkeena ma ka hirgeli karaa maamul federaal ah, iyadoo dalka ay ka jiraan dagaal sokeeye iyo burbur iyo dawlada aan awood lahayn .???

Dawlada federaal ah in la dhiso waxay u baahan dastuur iyo nimaad u gaar ah in loo dejiyo oo si cadaalad leh loo fuliyo qodobada dastuurka federaalku u qorayo , isla markaasina waxaa loo baahan yahay in dalka oo idil laga hirgeliyo tiro kobo sax ah sidii loo gaaro doorasho xor ah hal shaqsi iyo hal cod (vote), halaasi na ay ku dhamaato cadaalad daradii ahayd 4.5 , ka dibna laga qaado afti si loo ogaado shacabka inuu raali ka yahay iyo in kale , haddii aan tusaal ahaan u soo qaato dawladda Ruushka wuxuu ka koobnaa 15 dawladood oo go’ aasanday in ay dhisaan federal muddo ka dib markii ay burburtay awoodii Ruushka qaar ayaa ka baxay heshiikii ay horay ugu galeen federaalkaasi , kuwa kale na waxay rabaan in ay ka baxaan. Waxaa tusaale ahaan noogu filin habka wanaagsan ay ugu dhaqmeyn dawladda Emirates oo ku guuleystay nimaadkin federaalka ah dalka Emirtes wuxuu ahaa 7 gobol oo ku heshiiyey in ay sameystaan federaal waan ku aamaanan yihiin sida ay u dhisteen dalkoodda. Dalka nageria waa dawladda federaal ah maamulkooda na ku saleysan yahay habka federaal ka taasoo ah gobol walba wuxuu leeyahay madaxbanaani iyo maamul u gaar ah waxaana ka dhexeya khayraadka dalka uu leeyahay iyo dawladda dhex.

Waxaa muhiin ah haddii la rabo in la hirgeliyo mashruucaani marka hore waxaa loo baahan yahay in goboaladda dalka la diiwaan geliyo dadka ku nool tiro ahaan , kadibna laga shaqeyo dib u dhiska goboaldaasi isla markaasina loo dejiyo qorshe lagu hormarinaayo , intaasi ka dib markii si hagaagsan loo helo ayay suurta gal noqono kartaa in la hirgeliyo federalismo. Nidaamkani federaalku uu yahay in la dhiso barlamaan oo gobol walba wakiilo ka socda caasimada ay ku soo ururaan wakiiladaasi oo fadhigooda noqon doona , gobol kastana wuxuu u madaax banaan yahay maamulka gobolkiisa , dawladdana waxay fadhigeedu noqonayaa caasimaada.

Xilalka na waxaa loo qaybinayaa xilka dawladda dhexe oo ah: Militariga (wasaarada gaashan dhiga), Xiriirka caalamiga ee dibadda (Wasaarada Arrimaha dibada) Maaliaydda (Wasaradda Maaliyada) Isgaariinta (Wasaraada Boostada & Isgaarsiina) Baddaha iyo furdooyinka dalka, socdaalka iyo jinsiyadda , intaani waxaa xil ka saaran yahay dawladda dhexe , Wasaaradda arrimaha gudahana waxay si habami leh ula shaqeyn doontaa xiriirka goboladda iyo degmooyinka.

Gobolada & degmooyinka: waxay u xil saaran yihiin in ay wax ka qabtaan arrimaha waxbarashada , caafimadka , boolisla gobolka oo u qaabilan yahay nabad galyada, dhismaha iyo horumarka gobolka, khayraadka iyo biyahay gobolka, horumarinta dhaqaalaha iyo ilaalinta bay’ad (nabaad guur) Ruqsada shatiyada ganacsiga,Ruqsada iyo nidaaminta dhismayaalka, arrimaha bulshadda sida nadaafadda , waddooyinka , nalalka iyo biyo gelinta, arrimaha isbortiga iyo dhaqdhaqaaqa dhallinyaraada (youth activity) sii loo helo dhallinyarow ka fayow qabyaaladda oo cudur aan dawo lahayn ku noqday bulshadda soomaaliyeed..Waxaan dhamaan soomaalida kula dardaarmayaa in laga fogaado colaad iyo dagaal sokeeye isla markaasi na waxaan shacabka somaaliyeed ku boorinayaa in laga digtoonaado dagaal diini ah , maxaa yeelay waxaan horay u soo marnay dagaal qabiileyd waan aragnay natiijadiisa , balse waxaa ka sii fool xun in ay dhacaan dagaal diini ah, ilaahay ayaanu ka magan galnay in ay dalkeena uu ka dhaco dagaal diini ah, hase yeeshee haddii ay dhacaan dagaal diini ah waxaa fogaanayaa rajaddii iyo himiladdii shacabka soomaaliyeed , waxaana adkaan doontaa sidii ay dib ugu soo noqon lahayd qaranimaddii iyo sharaftii ummadda soomaaliyeed sidaasi darted waxaa loo baahan yahay in shacabka soomaaliyeed gacmaha is qabsado lana soo af jaro colaadii dalka jirtay taasi oo kaliya ayaa dalka iyo dadka ba lagu badbaadin karaa.

 1-Nidaamka Federaalku Xal uma ahan Dhibaatada Soomaalida

Qormadan waxaa igu kallifay inaan qoro saddex arrimood. Kow, waxaa jira jamasho guud oo aan run ku qotomin oo dadka Soomaaliyeed ay qabaan nidaamka federaalliga ah. Waxaa, inta badan, dadka Soomaaliyeed ka muuqata inay kalsooni dheeraad ah u hayaan nidaamkan iyadoo aadba mooddo inay rumeysan yihiin inuu xal u yahay keli-talisnimada iyo dulmiga ay madaxda dowladuhu sameeyaan. Labo, waxaa jira in hey‟adaha caalamka ee iska xilsaara xallinta mushkiladaha ka dhasha dagaallada sokeeye ay mar kasta ku soo boodaan nidaamkan federaalliga ah. Runtii, sida aqoonyahannada qaar ay qorayaan, nidaamkani wuxuu noqday midka ugu sahlan ee islamarkiiba ku soo degdega maskaxda dadka farageliya dagaallada sokeeye iyadoo aanba si qoto dheer looga fekerin sida uu nidaamkani ula saanqaadi karo xoogagga iyo dhaqamada ka jira dalka ay mushkiladdaasi ka jirto (Lake & Rothchild, 2002). Saddex, waxaa nidaamkan si weyn u doonaya dowlado deris la ah Soomaaliya oo dano waaweyn oo istaraatiiji ah ka leh dalka. Dowladahaasi waxay maanta fursad u heystaan inay saamayn ku yeeshaan qaabka Soomaaliya ay dowladdeedu u dhismeyso. Iyagoo danahooda fiirsanaya, dowladahaas waxay iyaguna ka mid yihiin xoogagga riixaya in Soomaaliya loo sameeyo nidaam federaali ah. Rabitaanka dadweyne badan oo aan ku slaysnayn aqoon, doonista hey‟adaha caalamiga ah oo iyaguna fiirsanaya waxa u sahlan, iyo dibindaabyada dowladaha deriska ah qaarkood oo iyagu uu rabitaankoodu ku qotomo dantooda ayaa waxay keeneen in mar kasta oo Soomaalidu ay ikugu tagto shir in ay saxiixaan in dastuurka dalka lagu saleeyo nidaamka federaalka. Inta badan, shirarkii loo qabtay Soomaalida  waxaa qodobbadii la saxiixay ka mid ahaa qodob tilmaamaya in nidaamka federaalliga ah lagu saleeyo dastuurka Soomaaliya. Iyadoo go‟aankaas laga ambaqaadayo ayaa waxaa dhawaan soo baxay “Qabyo-Qoraal Dastuur” lagu doonayo in lagu diyaariyo dastuur ku salaysan nidaam federaal ah. Runtii waxaa jira su‟aalo waaweyn oo u baahan in laga jawaabo. Tusaale, marka hore waa maxay sababaha loogu baahan yahay dastuur cusub? Miyaanay suurtagal ahayn in dastuurradii hore u jiray wixii lagama maarmaan ah laga baddalo oo sidooda loo isticmaalo? Sidoo kale, waxaa iyaduna lagama maarmaan ah in laga jawaabo su‟aalo ay ka mid yihiin: Ma qasab baa in dastuurka cusub uu federaal noqdo? Haddiise ayba sidaas u dhacdo, waa maxay nidaamka federaalku? Waa maxay waxtarka iyo waxyeellooyinka uu nidaamkani wato? Soomaaliya sida ay hadda ku sugan tahay nidaamkani ma ku habboon yahay? Dhaqaale ahaan, Soomaaliya ma awooddaa oo ma ka bixi kartaa? Ma jiraa qaab kale oo laga heli karo faa‟iidooyinka ku jira nidaamka, islamarkaasna aan lahayn qasaarooyinka ku aasan nidaamkan? Xitaa haddii la qaato nidaamkan, ma jiraan waxyaalo caqabaad ah oo keeni kara in qasaarooyin waaweyn uu u geysto qarannimada Soomaaliya iyo aayaha iyo jiritaanka danbe ee ummadda Soomaaliyeed? Qormadan waxaan ugu talagalay inaan intii aan karo uga jawaabo su‟aalaha kor ku xusan. Waxaan ugu talagalay inaan dadka Soomaaliyeed la wadaago aragtidayda ku aaddan mowduucan iyo welwelka aan ka qabo nidaamkan federaalka. Haddii aan si kale u dhigo, qormadani ma ahan mid aan u qorayo koox mutacallimiin ah oo ku taqasussay siyaasadda iyo maamulka. Waxaan rajaynayaa inay furto dood iyadoo laga duulayo su‟aasha weyn ee ah, maxay aayaha iyo qarannimada ummadda Soomaaliyeed u dhimeysaa ama ku kordhinaysaa haddii aan ku salayno dowladnimadeenna nidaamka federaalliga ah? 5 Qormadani waxay ka kooban tahay laba qeybood. Qeybta hore, waxaan ku sharxayaa waxa uu yahay asal ahaan nidaamka federaalku, iyo waxtarkiisa iyo waxyeelladiisa. Qeybta labaad waxaan ku falanqeyn doonaa sida ay u adag tahay in nidaamka federaalliga ah laga hirgeliyo Soomaaliya. Waxaan ku soo gunaanadayaa aragtidayda ku aaddan arrintan oo ah inaan nidaamka federaalku xal u ahayn mushkiladda Soomaalida, islamarkaasna uusan ka shaqeyn karin dalka. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “hubsiino hal dhan baa la siistaa.” Waxaan qabaa in haddii si furan looga doodo oo caqligu shaqeeyo inay dhici karta in la gaaro qaab isku dheellitiraya danta iyo himilada fog ee ummadda iyo rabitaanka jidbada ku salaysan ee hadda jir

Waa Maxay Nidaamka Federaalku? Asal ahaan, ereygu wuxuu ka yimid afka Laatiinka, wuxuuna Ingiriiska ka soo galay dhinacaluqadda Faransiiska. Xagga adeegsiga, ereyga “federal” iyo figradda uu ku salaysan yahayba waxaa markii hore loo adeegsan jiray qaab diini ah. Markii ugu horreysay macnaha ereygan loo isticmaalay wuxuu ahaa “heshiis” u dhexeeya aadamaha iyo Allaah. Macnahani wuxuu markii danbe isku rogay heshiiska ama axdiga ay dadku wada galaan. Markii danbana wuxuu macnaha ereygani ku danbeeyey heshiisyada siyaasiga ah ee ay gobolladu galaan marka ay samaysanayaan dowlad dhexe. Sida ay aqoonyahannada ama culumada siyaasadda ee baara arrintani qoraan, muddadan danbe, ereygani wuxuu caan ku yahay oo lagu yaqaan siyaasadda,waana macnaha aan doonayo inaan warqaddan ku falanqeeyo (Elazar, 1987). Marka macnihiisa guud la fiiriyo, nidaamka federaalku waa qaab lagu saleeyo habeynta siyaasadda dalka iyadoo loo qeybinayo awoodaha dastuuriga ah laba heer oo kala ah heer qaran iyo heer gobol (waa laga badin karaa heerarka labo haddii la doono) (Riker, 1964). Guud ahaan, labada heer ee kala ah dowladda dhexe iyo kuwa gobolladu waxay wadaagaan oo ka dhexeeya maamulka dalka. Dowladda dhexe waxay xukuntaa dalka oo dhan, halka ay dowladaha gobolladu xukumaan gobolladooda. Awoodaha uu dastuurku u qeybinayo labadan heer waxaa ugu muhiimsan awoodda sharci dejinta iyo awoodda canshuurista ((Elazar, 1987). Sidoo kale, waxaa mararka qaar la raaciyaa awoodaha la xiriira kheyraadka dabiiciga ah, awoodda amniga iyo arrimaha la xiriira luqadaha iyo dhaqanka. Marka sidan loo fiiriyo nidaamkan federaalku wuxuu suurta gelinayaa in dalku uu lahaado dowlad guud, iyadoo uu gobol walbana si hoose isku maamulayo oo arrimihiisa u gaarka ah eeuu kaga duwan yahay gobollada kale uu isagu xeerinayo. Sida caadiga ah, waxaa nidaamkani uu aad ugu habboon yahay marka ay jiraan dad laga badan yahay oo diin-ahaan, dhaqan ahaan ama luqad-ahaan ka duwan dadka ka badan ee ay dalka kula nool yihiin. Tusaale, gobolka Quebec ee dalka Canada waxaa ku dhaqan dad asalkoodii hore ka yimid dalka Faransiiska, kuna hadla Af Faransiis, islamarkaasna heysta Mad-habta Katoolliiga ee Diinta Kiristaanka. Haddaba, sida inta badan laga dhegeysto idaacadaha, ree Quebec waxay doonayaan inay xor ka noqdaan dalka intiisa kale oo ay ka duwan yihiin. Sidoo kale, waxaa iyaduna jirta dalal badan oo ku yaal Yurub sida Germany,Switzerland, Belgium oo iyaguna ku kala duwan xagga diinta ama xagga luqadda. Dalalka ku dhaqmanidaamka federaalku waa 24 dowladood, waxayna ku kala yaallaan qaaradaha oodhan, inkasta oo ay jiraan illaa saddex kale oo hadda ka fekeraya inay u guuraan nidaamkaas (Forum of Federations, 2003). Marka qaaradda Afrika la fiiryo, dalalka 6 nidaamkoodu federaal yahay waa saddex: Nijeeriya, Koonfur Afrika iyo Itoobiya. Xaqiiqo ahaan, saddexdaba nidaamyadoodu ma gaarsiisna hab ay gobolladu awood macno leh leeyihiin oo waxaa awoodda inta badan leh dowladda dhexe. Dalka Sudan weli xaalkiisu ma cadda oo waxaaba dhici karta inuu laba dowladood noqdo. Marka waa lagu doodi karaa xitaa in la yiraahdo weli Afrika kama jiro dal si dhab ah federaal u noqday, walaw ay jirto in  warqadaha lagu qoray.

Qeybinta Awoodda
Inta badan marka dastuur federaal ah la dejinayo waa la yaqaan tirade gobollada iyo xuduudahooda. Marka iyadoo sidaas la ogyahay ayaa awoodda loo qeybiyaa labada heer iyadoo lagu caddeynayo mid walba awooddiisa qodob ka mid ah dastuurka. Tusaale, qodobka 91 ee dastuurka Kanada wuxuu sheegayaa awoodda dowladda dhexe, halka qodobka 92 uu sheegayo awoodda dowladaha gobollada. Waxaa iyaduna jirta in marka la qeybinayo labada awoodood ay jiraan awoodo ay xeerintooda wadaagaan labada heer. Marka sidaas loo kala caddeeyo ayaa waxaa iyaduna muhiim ah in dastuurku uu caddeeyo cidda la siinayo wixii aan ku qeexneynlabadaas qodob. Dastuurka Mareykanku wuxuu siinayaa wixii aan ku caddeyn axdiga dowladaha gobollada, halka uu dastuurka Canada siinayo dowladda dhexe wixii aan ku caddeyn axdigaArrintani waa muhiim. Tusaale, Canada dastuurkeeda waxaa la sameeyey (British North America Act), 1867, markaasna ma jirin is-gaarsiintan casriga ah. Maaddaama aysan ku caddayn dastuurkii xilligaas cidda la siiyey awoodda xeerinta is-gaarsiinta, waxaa sidaas ay ku noqotay awood ay dowladda dhexe leedahay. Waxaa iyaduna muhiim ah in dastuurka ay ku caddahay qaabka wax looga baddeli karo awoodaha labada heer ee dowladda dhexe iyo dowladaha gobollada. Inta badan, labada heer (gobollada iyo dowladda dhexe) midkoodna kuma qasbi karo kan kale wax uusan rabin marka ay timaaddo awoodaha uu gaarka u leeyahay ee dastuurka ku cad.

Nidaamkani wuxuu ku yimaaddaa saddex qaab. Kow, qaabka gumeysiga oo ah in dowlad inta ay qabsato dhulal kale, ay dabadeed u qeybiso maamulka gobollada iyo dowlad dhexe ee dhulkaas ka jira. Boqortooyadii Ingiriisku markii ay dunida ka talinaysay waxay isku dayday inay nidaam federaalli ah u samayso dhulalkii ay maamulaysay. Sida uu ku dooday Peter Schuck oo macallin ka ah Jaamacadda Yale, waxaa sidoo kale sameeyey awoodihii jabiyay Jarmalka oo islamarkaa u sameeyey hab federaal ah oo dhibaato weyn gadaal kala yimid. Labo, nidaamka federaalliga wuxuu ka dhalan karaan dhaqanka iyo xiriirka u dhexeeya gobollada iyadoo aancidina ku qasbin ama aanay iyagu ku heshiin. Dhaqanka iyo koritaanka dabiiciga ah ayaa mararka qaar keena nidaam asal ahaan federal ah laakiin aan ku salaysnayn heshiis la kala saxiixday. Saddex, nidaamka federaalku wuxuu kaloo ku samaysmaa heshiis toos ah oo ay galaan gobollo u bareeray inay samaystaan nidaam guud oo danahooda ka shaqeeya iyagoo ilaashanaya maamulkooda hoose (Elazar, 1987; Schuck, 2008).

  2-Waxtarka Nidaamka Federaalka 
Nidaamka federaalka waxaa lagu soo dhaqmayey muddo dheer. Dalalka qaar, sida Switzerlandiyo Mareykanku waxay tirsanayaan boqollaal sano. Waa nidaam wax badan laga qoray oo siyaabo kala duwan loo daraaseeyey. Marka waxaan halkan ku soo koobi doonaa wixii qasaaro iyo faa‟iido laga soo dheegay intii lagu soo dhaqmayey. 

Culumada siyaasadda ee wax ka qora nidaamkani waxay ku sheegaan nidaamka lix faa‟iido oo waaweyn oo kala ah. Tan ugu horreysa ee sababta in dhowr gobol ay isku tagaan oo ay samaystaan dowlad dhexe waa inay iskaga kaashadaan sidii ay iskaga difaaci lahaayeen cadowga dibadda. Nidaamkani wuxuu suurta-galiyaa inay gobolladu yeeshaan hal ciidan oo ka ilaaliya si ay iskaga caabbiyaan weerarrada midkood ama dhammaantood kaga imaan kara cadowgooda.

Labo, nidaamkan federaalliga ahi waxaa ku ballaarta dhaqaalaha. Marka sidan la leeyahay waxaa gobol kasta si gooni ah loogu barbardhigayaa dowladda dhexe. Tusaale, dhaqaalaha hal gobol oo 
ka mid ah gobollada isku imaanaya lama mid noqon karo dhaqaalaha kulligood waayo waxaa dhacaysa in gobollada oo dhami ay yeeshaan hal lacag, ganacsi xor ah oo gobollada iskaga goosha, xorriyadda safarka dadka iyo inay hal nidaam ku wada hoos jiraan oo ay isku hab u shaqaynayaan. Arrimahani waxay fududeynayaan in dhaqdhaqaaqa gancasiga iyo dadkuba uu kordho. Dabcan, taasina waxay saamayn ku yeelanaysaa dhaqaalaha. Tusaale Soomaaliyeed marka la qaato wuxuu noqonayaa in dhaqaalaha gobolka Jubbada Hoose uusan la mid ahayn dhaqaalaha dalka oo dhan.

Saddex, nidaamka federaalliga ahi wuxuu ka mid yahay waxyaalaha, mararka qaar, ka ilaaliya maamulku inuu noqdo mid ku dhisan keli-talis. Maaddaama dastuurku qeybiyey awoodaha oo qaar la dhigay heerka gobollada, awoodaha kalena la siiyey dowladda dhexe, waxaa suurtagal noqonaysa in dowladda dhexe aysan siday rabto ka yeelin dowladhaha gobollada. Sidoo kale,dowladaha gobolladuna ma laha awood buuxda oo xeerka ay doonaan ay ku dejin karaan. Marka uu nidaamku yahay mid ku salaysan dimoqraadiya, gorgortanka labadan awoodood ka dhexeeya wuxuu keenaa inuu ka hortago ku-tagri-falka awoodda ama keli-talisnimada. Waxaase jira tusaalayaal badan oo tusinaya dowlado federaal ah oo keli-talis muddo xukumayey – Pakistan, Nijeeriya, Itoobiya iyo kuwa kalaba.

Afar, nidaamka federaalku wuxuu dhiirrigeliyaa ka qeyb-galka ay dadweynuhu ay ka qeybqaadanayaan maamulka iyo siyaasadda, gaar ahaan heerka dowladaha hoose. Shan, aqoonyahannada nidaamkan baara waxay caddeeyeen in ilaa xad uu nidaamkani fududeeyo in dowladaha gobolladu, maaddaama ay leeyihiin awood badan, ay tijaabi karaan aragtiyo iyo xalal cusub oo aan suurtagal noqdeen haddii nidaamku uusan federal ahayn. Lix, haddii ay jiraan dad laga badan yahay oo deggan gobol ka mid ah gobollada, nidaamka federaalligu wuxuu fududeeyaa in la xalliyo arrimahooda la xiriira luqadda, diinta iyo arrimaha dhaqanka (Watts, 1999 iyo Elazar 1987).

Waxyeellooyinka Nidaamka Federaalliga

Dabcan, wax kasta oo wanaagsan waxay wataan dhibkooda. Nidaamka federaalliga ah waa nidaam fahamkiisa iyo ku-dhaqankiisuba ay aad ugu adag yihiin dadweynaha.

Aqoonyahannadadaraaseeyey waxay ku sheegeen ilaa toddobo 7 cilladood oo waaweyn oo kala ah. Kow nidaamkani wuxuu ku cusleeyaa dowladda dhexe inay wax ka qabato arrimaha qaar laga yaabo in dastuurku uu siinayo dowladaha gobollada, laakiin xaqiiqa ahaan kagudbayaxuduudaha gobollada. Xilligan oo ay is-gaarsiintu wax badan fududeysay, waxaa isa-soo hoosgalaya

xuduudaha macnawiga ah ee u dhexeeya dowladaha gobollada iyo dowladda dhexe. Marka, waxaa nidaamkan la socda is-jiid-jiid badan iyo go‟aan-gaarista oo qaadata waqti dheeriyadoo aanba waxqabad la isla-gaarin. Tusaale, markii ay dhacday masiibadii Hurricane Katrina ee ka dhacday gobolka New Orleans, dowladda dhexe ee Maraykanku gurmadkii ay rabtay inay fidiso waxaa cillad ku noqday is-jiidjiidka iyo siyaasadaynta madaxdii gobolka New Orleans.

Labo, nidaamkani kuma fiicna beeqaaminta dhaqaalaha waayo wuxuu ganacsiga ku qasbaa inay u hoggaansamaan xeerar badan oo isku soo noqnoqonaya. Taasi waxay kordhinaysaa qarashka ganacsiga, waxayna hoos u dhigeysaa faa‟iidooyinka ay ganacsatadu ka helaan ganacsigooda.

Marka sidan la leeyahay waxaa loo barbardhigayaa nidaamka aan ahayn federaalka.Sidoo kale, nidaamka laftiisu wuxuu ku dhisan yahay qaab aan beeqaaminayn ama u tureyn dhaqaalaha dalka. Saddex, nidaamkani wuxuu abuuraa tartan ka dhexeeya dowladaha gobollada, gaar ahaan dhinaca dhaqaalaha. Marka uu gobol kasta isku dayo inuu soo jiito shirkadaha isagoo fududeynaya ama dhimaya canshuuraha iyo xeerinta, waxaa imanaysa inay hoos u dhacdo tayada wax-soosaarka. Tusaale, marka shirkadaha aan si adag loo xeerin waxay keenaysaa inay ku tuntaan dadweynaha iyo waxyaalaha danta guud ay ku xiran tahay sida deegaanka. Kanada marar badan ayay arrintani ka dhacday.

Afar, waxaa mararka qaar dhacda in dowladaha gobolladu ay ku qasbaan dadka ku nool gobollada kale inay bixiyaan qarashyo ama canshuuro dheeraad ah. Waxaa kaloo dhici karta inay xaddidaan xuquuqda shaqsiga ama ay u diidaan adeegyo kale oo uu qofkaasi ku leeyahay dalka iyagoo ku ximinaya inuusan qofkaasi ku dhalan gobolka. Soomaaliya hadda waxaa ka jira wax la yiraahdo “u dhashay gobolka” xitaa haddii uu qofku ku dhashay gobol kale. Dad badan oo magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya ku dhashay ayaan lahayn xuquuq siyaasadeed maadaama ay heyb-ahaan ka soo jeedaan qabiil aan ku badnayn magaalooyinka ay ku dhasheen.
Taasi waa dulmi weyn.

Shan, maaddaama uu nidaamkani ku salaysan yahay gobollo iyo dowlad dhexe oo wax isku darsanaya, nidaamkani wuxuu saarayaa dadka culeys dhaqaale oo farabadan. Tusaale, dowladda dhexe iyo dowladaha gobolladuba waa inay yeeshaan xukuumadahooda, shaqaalahooda,booliskooda iyo garsoorkooda. Taasi waxay keenaysaa in hanti farabadan lagu bixiyo adeeg isku mid ah. Ma rumaysanaysaa haddii lagu yiraa dowladda Mareykanku waxay leedahay tiro ka badan 83,000 xukuumadood? (Rosen, 1994, p. 8). Yacni, tiradani waxay sidan ku imaanaysaa marka laga soo billaabo Aqallada Congress-ka oo lagu keeno heerka u hooseeya ee dowladaha hoose ee ka jira magaalo kasta iyo tuulo walba. Laurence J. OToole Waxaanay arrintani wax weyn u dhibaysaa dhaqaalaha dalka. 

Lix, haddii aysan dadka laga badan yahay ku urursnayn hal gobol, waxaa dhacda in dowladaha gobolladu ay halis galiyaan jiritaanka dadka tirada yar. Dabcan, waxaa jira tusaalooyin badan oo la xiriira Soomaalida waayo waxaa jira dad la dhibo oo aan hal meel ku urursanayn. Ma helayaan xuquuqdooda dadkaasi. Mar aan dheereyn, waxaa saxaafadda Soomaalida soo galay cabashooyin badan oo qabiilka Gobooye ay ka tabanayaan xukuumadda “Somaliland”. Waxaa sidoo kale dhacay in dad barakacay lagu dhibaateeyey gobollad qaar oo loola dhaqmay sidii iyagoo qaxooti ah. Toddobo, nidaamka federaalka ahi ma ahan nidaam xasilloon. Waxaa mar walba kala jiita dowladaha gobollada oo aan iyaga laftoodu isla socon iyo dowladda dhexe. Marar badan waxaa qasab noqoto inuu dagaal ka dhasho is-jiid-jiidka. Waxaa kale oo iyaduna dhacda inay arrinta is-jiid-jiidku ku dhammaato in la kala baxo oo dowlado kala duwan la noqdo. Runtii, nidaamkan federaalku ma ahan nidaam u horseeda deggenaan dadka dalkaas ku nool haddii aysan taariikh hore u lahayn ku dhaqanka nidaamkan (Watts, 1999 iyo Elazar 1987).

Waxaa intaas dheer muranka ka dhasha xuduudaha dowladaha gobollada iyo is-maandhaafka ka dhasha fasirka dastuurka iyo cidda xaq u leh inay xeeriso arrinta la isku hayo. Sida caadada ah, dowladda dhexe waxay u xaglisaa in wixii ay qaramayn karto inay qaramayso halka dowladaha gobolladuna ay inta badan doonaan inay wixii ay ka ridan karaan dowladda dhexe inay ka ritaan.

Dhowr tusaale oo xiiso leh ayaa ka dhacay dalalka nidaamka federaalka ku dhaqma. Waxaa iyaduna jirta cillad weyn oo aqoonyahannada qaar xusaan, taasoo ah in nidaamka federaalku uu soo saaro in dadku ay jacaylkooda iyo jidbada wadaninimadooda ay siiyaan gobolladooda halkii ay siin lahaayeen dalka. Waxaa inta badan dhacda in dadku ay hormariyaan gobollada taasoo keeni karta inaysan dadku si weyn iskugu lifaaqin dalkooda. Tusaale, nidaamka federaalka ee ka jira dalka Canada ma uusan kobcin Canadiannimada ama qarannimada Canada ee wuxuu kobciyey goboleysiga.

Haddaba marka si dhab ah loo fiiriyo waxtarka iyo waxyeellooyinka nidaamkan la socda, dadka Soomaaliyeed ma u baahan yihiin nidaamka federaalliga? Ma awoodaan dhaqaale ahaan? Mase ka samatabixi karaan deggenaan la‟aanta ku dhex jirta nidaamkan? Ma jiraa hab kale oo dabooli kara baahida dadka Soomaaliyeed, islamarkaasna ka waxyeellooyin yar? Haddii si kale loo dhigo ma la samayn karaa nidaam leh dhammaan waxtarka uu leeyahay nidaamka federaalku, islamarkaasna aan lahayn waxyeellooyinkiisa. Anigoo ka duulaya waxyaalaha kor ku qoran, waxaan warqadda inta ka hartay ku lafaguri doonaa su‟aalahan iyo kuwo kale.

Soomaaliya iyo Nidaamka Federaalka
Soomaalidu waligeed kuma aysan dhaqmin nidaamkan, mana u laha waayo-aragnimo iyo aqoon ay ku tiirsanaato. Dowladdii Dimoqraadiga ee ugu horreysay waxay ahayd dowlad dhexe oo leh siddeed gobol. Awoodda oo dhan waxaa iska lahaa oo uu dastuurku siinayey dowladda dhexeinkasta oo uuku jiro qodob ku dhiirrigelinaya dowladda inay nidaamka dadka u dhawayso oo ay dhisto gobollo xoog leh. Xukuumaddii militariga ama Kacaankii Oktoobar waxba kama uusan baddelin ee wuxuu sii xoojiyey dowladdii dhexe iyadoo ay weliba saraakiishii dalka maamulaysay ay si xun u adeegsadeen awoodda dowladda dhexe. Waxaa ka danbeeyey 20 sano oo dagaallo sokeeye ay dalka aafeeyeen. Dagaalladan waxaa ka dhashay in dadku kala qaxo oo qof walba meesha uu isleeyahay waad ku nabadgeli kartaa uu aado. Dad badan baa waxa lagu qasbay inay dib ugu noqdaan gobolladii ay ka yimaadeen asal ahaan oo laga yaabo in jiilka markaas ku noqonayey uusanba waxba ka garanayn. Waxaana sidaas ku samaysmay gobollo ka duwan kuwii ka jiri jiray dowladihii hore oo ku salaysan nidaam qabiil. 

Dhanka kale, ma jiraan wax raadraac ah oo weyn oo laga qoray sida Soomaaliya ay ugu dhaqmi karto nidaamka federaalka. Waxaa jira qormooyin dhowr ah oo aan iyaguna aad u sii ridneyn, islamarkaasna aan ku baahin dalka. Tusaale, Midowga Yurub (European Commission) qeybtiisa u qaabilsan Soomaaliya waxay qabanqaabisay dhowr shir oo lagu soo bandhigay diraasado caddaynaya nidaamyo-dowladeedyada kala duwan ee caalamka looga dhaqmo. Waxaa iyaduna jirta in UNISOM ay sanadkii 1994 wax ka qortay arrimahan.

Si kastaba ha ahaatee, ma jirto aqoon iyo waayo-aragnimo ay Soomaalidu u leedahay nidaamkan. Sidoo kale, meesha ma taallo daraasad qoto dheer oo sahmisay sida nidaamkani uu ugu habboon yahay Soomaalida ama sida uu uga hirgeli karo. Waxaa arrinta sii murjinaya saamaynta uu dagaalka sokeeye ku yeeshay fikirka dadka, iyo xaqiiqada dalka hadda ka jirta.

Arrimahan oo iskaashaday ayaa waxay iyaguna la imaanayaan caqabooyin badan. Run ahaan, inta aan anigu ogahay ma jiro gobollo ay Soomaalidu ku tahay heshiis oo lagu saleeyo nidaamka federaalka. Sida aan hore u soo sheegay nidaamkani waxa uu ka kooban yahay ugu yaraan laba heer (dowladda dhexe iyo dowladaha gobollada). Waa in la helo gobollo lagu yahay heshiis oo uu nidaamka federaalku ku salaysnaanayo. Tusaale, shirkii Carta ee Soomaalida wajigiisii koowaad waxaa iskugu tegay aqoonyahanno Soomaaliyeed oo loogu yeeray inay diyaariyaan ajandaha shirka.

Sida qof ka qeyb-galay shirkaas uu ii sheegay, su‟aalihii la isweydiiyey waxaa ka mid ahaa qaabka lagu salaynayo nidaamka federaalka. Dadka qaar waxay soo jeediyeen in federaalka Soomaalidu ka koobnaado Waqooyi iyo Koonfur ama Somaliland iyo Soomaaliya. Qaar kale waxay qabeen in dib loogu noqdo xilligii Kacaankii Oktoober oo lagu saleeyo 18-kii gobol ee dowladdii militariga ahayd ay ka tagtay. Kuwo kale ayaa iyaguna qabay inaan labadan hab sax ahayn oo nidaamka federaalka lagu saleeyo gobolladii uu gumeysigu ka tagay oo ahaa siddeed . Waxaa iyaduna jirta in dadka qaar qabeen in waxaasoo dhan laga tago oo nidaamka federaalka lagu saleeyo xaqiiqada hadda jirta oo la dhihi karo waxay markaas tiradu noqonaysaa afar ilaa shan gobol (Puntlland, Somaliland, Gobollada Dhexe, Koonfur-Galbeed iyo Jubbooyinka). Mararka qaar waa la isku daraa labada danb

Q.3aad – Nidaamka Federaalku Xal uma ahan Dhibaatada Soomaalida

 Waqooyi iyo Koonfur

Figradda hore ee oranaysa waa in nidaamka federaalka lagu saleeyo Waqooyi iyo Koonfur ama Soomaaliya iyo Soomaliland waxaa qaba qaar ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee ka yimid Soomaaliland ama gobollada Waqooyi, islamarkaasna ka soo horjeeda kala-goynta SoomaaliyaDadkani waxay ku doodaan in Soomaaliya ay koobneyd laba gobol oo ay kala gumeysan jireen laba gumeyste. Markii ay iska xoreeyeen gumeysigana, labada gobol iskood ayay iskugu tageen. Dooddani waxay leedahay, guuxa dadka dega Waqooyiga Soomaaliya wuxuu ka billowday ku xadgudub lagu xadgudbay isku-imaatinkii hore oo ujeeddadiisuna ahayd in labada gobol midoobaan, ayna si caddaalad ah u qeybsadaan maamulka. Inkastoo aan wax shuruud ah la kala qoran, haddana, waxay figraddani ku doodaysaa, ujeeddadu way iska caddayd. Haseyeeshee, reer Koonfur baa si kale u adeegsaday midnimadii, dabadeedna ku duudsiyey reer Waqooyi. “Guuxa keenay dagaalkaba wuxuu salka ku hayaa nidaamka federaalka oo lagu xadgudbay,” ayey dadkani qabaan. “Marka haddii Soomaaliya ay isku soo noqonayso waxaa lama huraan ah in hadda dib looga hadlo oo loo gorgortamo Waqooyi iyo Koonfur” ayey dabadhigaan. 

Dhanka kale, figradda noocan ah dadka intiisa badan (reer Koonfurka) waxay u arkaan inaysan macquul ahayn waayo waxay ku leeyihiin ma ahan isku miisaan Waqooyi iyo Koonfur. Tan kale, waxaa iyaduna jirta in qaar ka mid ah gobollada Waqooyi ay door bidayaan in nidaamka lagu saleeyo sidii ay uga tagtay dowladdii militariga ee ugu danbaysay oo ahaa 18 gobol. Dhanka kale, waxaa jira figrad xoog leh oo kaba duwan kuwan oo ku doodaysa in Waqooyi dib ula noqotay xorriyaddeedii, aysanna danaynayn inay mar kale Koonfur kala hadasho midnimo. Marka la soo koobo, nidaamka federaalku wuxuu ka guntamaa heshiis, waana lagu heshiin karaa wax kasta. Waa macquul, waana suurtagal haddii heshiis lagu yahay in nidaamka federaalka lagu saleeyo Waqooyi iyo Koonfur. Waxaase muhiim ah in sidaas la isku oggol yahay. Haddiiba la qaadanayo nidaamka federaalka waxaa habboon inaysan gobolladu aad u badan. Sabab la xiriirta awoodda dhaqaale iyo aqooneed ee ummadda Soomaaliyeed ayaa qasab ka dhigeysa in gobolladu ay yaraadaan. Tan kale, muhiim ma ahan in gobollada samaysanaya federaalku ay kulligood isku awood iyo dhaqaale yihiin. Marka arrimahan lagu daro muhimadda ay leedahay in midnimada Soomaalida la soo celiyo oo la xoojiyo, waxaad mooddaa inay habboon tahay in tixgelin la siiyo nidaamka federaalka marka laga hadlayo xiriirka u dhexeeya Waqooyi iyo Koonfur. Marka dhinacaas laga soo fiiriyo waxaa la dhihi karaa waa arrin suurtagal ah in federaal laba gobol ka kooban la sameeyo.

Haseyeeshee, arrimahaas oo dhami meesha kama saarayaan waxyeellooyinka uu wato nidaamka federaalka ah ee aan kor ku soo sheegay. Gobolladu tiro kasta ha la ekaadeene, dhibaatooyinkii la imanayey nidaamkani way jirayaan. Waxaa iyaduna aan meesha ka maqnayn in wax kasta oo nidaamka federaalka lagu samayn karo laga heli karo nidaamyada kale ee maamulka ee jira sida waxa afka qalaad lagu yiraado Decentralized Unitary State (dowlad dhexe oo haddana gobollada iyo degmooyinka siinaysa awood-hoosaad). Waxaa dhici kara in dadka qaar ay is-weydiiyaan faraqa u dhexeeya nidaamka federal-ka iyo nidaamka aan sheegay. Dhab ahaan, waxaa u dhexeeya faraq weyn, wuxuuse u baahan yahay in si qoto dheer looga hadlo mar kale.

Gobolladii Dowladdii Milatriga ee Siyaad Barre

Dowladdii uu hoggaamiyaha iyo madaxweynahaba u ahaa Jeneral Maxamed Siyaad Barre waxay dalka la wareegtay sanadkii 1969 iyadoo uu markaa dalku ka koobnaa siddeed gobol. Muddadii 21-kasanoahayd ee uu dalka ka talinayey Jeneral Maxamed Siyaad Barre wuxuu ku daray toban gobol. Haddaba waxaa isweydiin leh kororsiimadan muxuu nidaamku ku salaynayey?
Runtii lama garanayo qaabka uu Kacaanku raaci jiray marka uu abuurayo gobollo cusub. Nin odoy ah oo ka tirsanaa maamulkaas ayaan weydiiyey halbeegga la adeegsan jiray marka la samaynayo gobol ama degmo cusub. Ninkaasi wuxuu iigu jawaabay “dalka waxaa heystay nin keliteliye ah, wuxuuna u maamuli jiray sida uu u arko sax isagu. Gobollada iyo degmooyinka iyo go‟aannada kale ee waaweyna isaga ayaa samayn jiray.” 

Waxaa arrintan sii xoojinaya sheeko aan ka maqlay Cabdulle Raage Taraawiiloo ahaa halabuur caan ku ah bulshada dhexdeeda. Cabdulle Raage oo hadalka cajal ku duubay wuxuu ka sheekeyey dood dhexmartay isaga iyo Jeneraal Maxamed Siyaad Barre. Cabdulle Raage wuxuu leeyahay waxaa ii yeeray Madaxweyne Maxamed Siyaad Sanadkii 1990 oo ku beegnayd xilligii ay saxiixeen odoyaashu warqad ay ugu baaqayaan in uu Jananku is-casilo (Manafesto Group).

“Siyaad Barre ayaa wuxuu igala hadlay arrimaha warqaddan iyo qabiillada ka danbeeya,” ayuu yiri Cabdulle Raage. Siyaad Barre wuxuu igu yiri buu Cabdulle leeyahay, “Waxaa ii heshiiyey Majeerteen iyo Habargidir, marka waxaan doonayaa inaad tolkaa ka reebto arrintan oo aad idinku (qabiil ahaan) wax igala qabataan oo aad Kacaanka taageertaan.” Waxaan ku iri, ayuu Cabdulle Raage ku leeyahay cajaladda, “dadka saxiixay warqadaha kuma jiro qof aan aniga heybta hoose (Daa‟uud) isku nahay.”

Wuxuu intaas raaciyey, labo kulan oo kale iyo dood dheer kadib ayuu Siyaad Barre igu yiri, “waxaan degmo kaaga dhigayaa meeshii aad ku dhalatay oo magaceeda la yiraa Ruun Nirgood.” Cabdulle Raage wuxuu leeyahay waan ka diiday arrintaas Madaxweyanaha waayo waxaan weydiistay inuu degmo ka dhigo meeshaan10 sano ka hor, wuuna ii diiday. Dabadeed, sida uu cajaladda ku sheegayo, Cabdulle Raage wuxuu billaabay inuu goobta ka tiriyo gabay dheer oo uu Kacaanka ugu abaalsheeganayo wixii uu u galay iyo sidii uu Kacaanku ugu jisaaray ee uu ii xiray. “Markii aan gabaygii dhameeyey ayuu Siyaad Barre yiri, „waxaan ku darayaa Warshiikh.‟” Markaas baan ku iri, “Caadley ku dar.” Siyaad Barre wuu diiday arrintaas waayo wuxuu yiri waxaa la iga laayey askar Caadley, laakiin waxaan ku darayaa Biyacado. Isku soo duuboo, sida uu cajaladda ku sheegayo, Cabdulle Raage iyo odoyaal la socday waxay habeenkaas ka saxiixeen Jeneral Maxamed Siyaad Barre afar degmo.

Marka la fiiriyo gobolladii iyo degmooyinkii la abuuray iyo sheekadaniba waxay ku tusayaaninuusan jirin halbeeg la raaci jiray oo ay ku xirnayd Jeneral Siyaad Barre xaaladdiisu sida ay tahay. Marka haddii sidan gobollo lagu sameeyey lagu duldhiso nidaamka federaalka waxaa ka imanaya dhowr cilladood. Tan hore, waxaa laga tagayaa caddaaladda waayo waxaa jira gobollo dadka deggen uusan nidaamkii milatarigu jeclayn xilligaas, iyo gobollo kale oo dadkoodu aysan baraarug siyaasi ah lahayn. Labadan arrimood oo iskaashaday waxay keenayaan in la sharciyeeyo wax aan ku iman nidaam sharci ah ama aan caqligu qaadan karin.

Haddii xitaa la isku oggolaado oo la aqbalo 18 gobol, ma ahan suurtagal dhaqaale ahaan in lagu saleeyo nidaamka federaalka. Tusaale, ma jirto awood dhaqaale ama aqooneed oo ay Soomaalidu ku wadi karto18 baarlamaan, 18 xukuumadood, 18 ah boliiska gobollada, 18 ah maxkamado kala duwan, iyo 18 ah shaqaale dowaldeedyada gobollada. Waxaa arrintan diidaya awoodda dhaqaale iyo tan aqooneed ee hadda jira. 

Sida uu ii sheegey qof xog-ogaal ah, waxay dowladda KMG ah (xilligii dowladdii Carta) isku dayday inay baahiso maamulkeeda. Gobollada iyo degmooyinka qaar ayaa muujiyey inay doonayeen inay raacaan nidaamka Carta lagu soo dhisay. Xukuumaddii Dr. Cali Khaliif Galayr ayaa waxay ku tiri degmooyinkaas “idinku qorta boliis oo dhaqaalo ahaan isa-sii dabbara intii muddo ah, annaguna waxaan idinka kaalmayn doonnaa waxyaalaha kale.” Waxay sheegeen mas‟uuliyiintii degmooyinkaas inaysan awoodin inay qortaan boliis. Weliba degmooyinka qaarkood waa kuwa lagu tuhmo inay ugu roon yihiin degmooyinka dalka dhaqaalo ahaan. 

Haddaba, marka si kasta oo loo fiiriyo laguma salayn karo nidaamka federaalka 18 gobol. Laakiin, haddana waxaa jirta in dastuurka Dowladda KMG ah ee xilligaas jirtay ay ku qoran tahay in nidaamka federaalka ah lagu saleeyo 18 gobol.

Waxaa iyaduna xiiso gaar ah leh cayaarihii gobollada ee dhawaan lagu qabtay Garowe, caasimadda Puntland. Runtii, waxay ahayd dhacdo weyn oo ay ku ammaanan yihiin bahdaisboortiga iyo shacabka iyo dowladda Puntland. Laakiin xiisaha gaarka ah ee ay dhacdadani u leedahay doodda la xiriirta nidaamka federaalka waa in dad badan oo Soomaaliyeed ay isla oggol yihiin gobolladii uu kacaanku ka tagay, loona arko inay sharci ahaayeen. Runtiina, dhacdadan waxaa laga daliishan karaa in aragtida taageeraysa 18-ka gobol ay ka culus tahay kuwa kale.

Waxaan rumaysanahay inay taasi horumar tahay. Hayeeshee, anigu sideedaba ma qabo in nidaamka federaalku ka shaqayn karo dalka. Haddii la samaynayana waxaan qabaa inaan gobolladu ka badan afar, la iskuna raaciyo hab ku salaysan qaaciddooyinka dhaqaalaha iyo horumarka

Gobolladii Gumeysigu ka Tegey
Gumeysigii dalka ka tegey wuxuu ka tagay lix gobol oo ah Koonfur iyo laba ah Waqooyi. Siddeedan gobol laftooda lama garanayo asal ahaan meel ay ka yimaaddeen iyo halbeeg la isticmaalay markii la samaynayey. Gumeysigu wuxuu u samaystay in habkiisa maamulka uu ku gaaro, wuxuuna u arkay in siddeedan gobol ay tahay sida ugu habboon ee uu u habayn karo maamulkiisa xaaladda la joogay. Inkastoo ay jiraan dad qaba in nidaamkan loo noqdo, haddana taas macnaheedu ma ahan inuu yahay nidaam caddaalad ah. Gobol walba waxa uu doonayaa nidaamka uu isleeyahay waxaad ku heleysaa wax badan.

Tan kale, marka awoodda dhaqaale iyo aqooneed laga fiiriyo, waxay figraddani yeelanaysaa cilladaha figradda 18-ka gobol. Dhaqaale ahaan lama awoodo. Xaaladda hadda jirta marka la fiiriyana way baaba‟een gobolladii hore maaddaama dalka iyo dadka uu ku dhacay is-baddel weyn xilligii Kacaanka iyo xilliyadii dagaallada sokeeye.

Gobollada ka Samaysmay Dagaallada Sokeeye

Colaadda ka dhalatay dagaallada sokeeyey waxay keentay in dadkii wada degganaa magaalooyinka iyo gobollada dalku ay dhibaatooyin badan isku geystaan. Taasina waxay sababtay in dadku uu kala qaxo oo uu qof walba meesha uu ku nabadgeli karo uu aado. Waxaa sidaa ku abuurmay gobollo iyo degmooyin u habaysan qaab qabiil. Xitaa magaalooyinka waaweyn ee dalka waxaa loo kala deggan yahay xaafadaha hab qabiil.

Sanadkii 2000, waxaan tagay Xamar iyo Hargeysa. Waxaan labadaba ku arkay in loo deggen yahay qaab beeleed. Magaalada Xamar oo aan hore ugu noolaan jiray, waxaa iska baddalay wax weyn dhinac deegaanka. Magaaladu uma qeybsanayn Waqooyi iyo Koonfur oo kaliya waagaas.

Waxaa jirta inay jireen illaa toddobo deegaan oo midba uu qabiil gooni ah deggen yahay. Nin dhallinyaro ah oo aan saaxiib nahay oo aan kula kulmay Xamar ayaa igu yiri, “Waxaan deggenahay xaafad mushakal ahoo uu markaas ula jeeday xaafad ay qabiillo kala duwan deggen yihihiin,” isagoo ku faanaya. Marka aan sii wareystay ayuu ii sheegey in mushakalnimada lafteedu aysan ahayn Soomaali oo dhan laakiin ay tahay beelaha dega Koonfurta Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Xamar dhibkan waxaa la qaba dhammaan magaalooyinka waaweyn iyo gobollada dalka. Sidan waxaa ku samaysmay illaa shan gobol oo ku salaysan beelo. Haddaba, waxaa jirta figrad ku doodaysa in federaalka Soomaalida lagu saleeyo shantan gobol. Dadka figraddan qaba waxay u arkaan in shanta gobol yihiin Somaliland (Isaaq/Dir), Puntland (Harti/Daarood), Gobollada Dhexe (Hawiye) Koonfur-Galbeed (Digil/Mirifle), Jubba Land (Daarood, Digil/Mirifle/Dir/Hawiye). Dadka qaba figraddani iskuma wada waafaqsana gobolladan iyo xuduudahooda, waxayse ku doodaan in doodda laga billaabo halkan oo figraddan lagu saleeyo nidaamkan federaalka.

Waxaa jira cillado fara badan oo weheliya inaan heshiis lagu ahayn nidaamkan. Tiradu way ka yar tahay 18 gobol iyo 8 gobol. Waxaana dhici karta inay wax badan ka jiraan inay ka tarjumayso xaqiiqada hadda ka jirta dalka. Laakiin, haddii qaabkan la qaato, weli way taagnaanayaan su‟aalihii la xiriiray qaadashada qaabka federaalku inuu xal u yahay Soomaaliya iyo in kale. Waxba ka baddeli meyso tirada gobolladu asalka doodda oo ah in nidaamka federaalku xal yahay iyo in kale.

Gobollada ka dhashay dagaallada sokeeye waxay wataan cillad dheeri ah. Marka xaqiiqo ahaan haddii la qaato shantan gobol waxa federaalka loo samaynayaa qabiillo ee ma ahan gobollo.

Haddii sidan la yeelayo looma baahna nidaam federal ah ee waxaa loo baahan yahay nidaam kale oo la yiraahdo “Consociational Model.” Nidaamkaasi wuxuu oggolaanayaa in qabaa‟ilka loo sameeyo hab ay awoodda ku qeybsadaan, ayna ku xeeriyaan danahooda hoose. Muhiim ma ahan in qabiil kasta uu gobol deggen yahay, walow ay sahlayso hawlaha. Markaas, waxaa la dhihi karaa, waxaa nidaamka lagu salaynayaa qaabka qabiilka. Tusaale, waxaa la qaadan karaa qabaa‟ilka waaweyn sida Daarood, Dir, Hawiye, Isaaq, Digil, Mirifle iyo Beelaha Wadajir (waa magaca uu Sheekh Cumar Faaruuq u bixiyeye). Haddii sidan la yeelayo, ma ahan in la isku wareeriyo xuduudaha gobollada iyo nidaam federal ah toona. Haddii si kale loo dhigo, nidaamka awoodda loogu qeybinayo beelaha (consociation) waa habka laga soo minguuriyey 4.5. Marka haddii la isla garto in qabiilka lagu saleeyo federal ma noqonayo waayo nidaamka federaalku asal ahaan waxa uu ku salaysan yahay dhul xuduuddiisa la yaqaan. Kan ku salaysan 4.5 ee hadda jira oo wax laga baddalo ayaa ku filnaan kara markaas.

Isku soo duuboo, dhammaan hababka aan kor ku soo sheegay waxaa laga fahmi karaa inaysan sahlanayn in laga hirgeliyo nidaam federal ah Soomaaliya. Cilladaha uu nidaamka federaaliga ahi asal ahaan wato ka sokow, waxaa jira caqabooyin badan oo ku tacalluqa duruufaha Soomaalida oo aan oggolaanayn nidaamkan. Shirkii Carta iyo kii Kenya ma aysan joogin gobollo is aqoonsan oo uu mid walba leeyahay nidaamkiisa oo doonaya inay samaystaan nidaam federaalli ah. Waxaa joogay dad badan oo ka socda bulshada rayadka ah iyo hoggaamiyeyaalka kooxaha. Haddaba, maaddaama aysan jirin gobollo la isku oggol yahay oo sameeya dowlad federaal ah, waxaa la dhihi karaa lagama samayn karo nidaamka federaalka Soomaaliya. Waase suurtagal in lagu qoro waraaqaha la saxiixayo.

Soomaaliya ma u Baahan Tahay Nidaam Federal ah?
Runtii, shaqsi ahaan, kama soo horjeedo mana diiddani nidaamka federaalka asal ahaan. Nidaamka federaalku wuxuu ka mid yahay hababka lagu maareeyo khilaafaadka siyaasiga ah. Waa nidaam hore loo soo tijaabiyey. Inkasta oo uu meelo farabadan oo ka mid ah meelihi laga isticmaalay nidaamkani uu ka shaqeeyey, haddana, inta badan waa uu shaqeyn waayey. Doodda aan ka qabo nidaamka federaalku waxay la xiriirtaa sida uu ugu habboon yahay Soomaaliya.

Waxaan rumeysanahaya inaan loo baahnayn nidaamkan marka la maareynayo mushkiladda Soomaaliya. Dooddayda waxaan ku salaynayaa qodobbada soo socda:

Kow, sida ay sheegaan culumada daraaseeya arrinkan, nidaamka federaalku wuxuu ku habboon yahay dalalka juqraafi ahaan aadka u waaweyn sida Canada, Ameerica, Ruushka iyo Australia. 
Waxaa kale oo ku habboon yahay dalalka juqraafi ahaan kala qeybsan ee ay u dhexeeyaan buuro ama bad sida Malaysia iyo New Zealand. Soomaaliya dalkeeda sidaas uma weyna. Marka aan sidan leeyahay waxaan ula jeedaa dhulka Soomaalidu degto oo dhan. Haddaba, dal aad u ballaaran ma hayno. Xajmiga dalkeennu kama dhigayo lamahuraan inaan qaadanno nidaamkan federaalka. Mana jiraan buuro iyo bado qeybiya Soomaalida.
Labo, nidaamka federaalku wuxuu ku fiican yahay dalalka leh dad badan oo ku kala duwan diinta, dhaqanka iyo sinjiga sida India, Nigeria iyo Canada. Dadkeenna waxaa laqu qiyaasaatoban milyan marka la badiyo. Tirada ka sokow, Soomaalida waxaa lagu tilmaamaa dad ahaan dad si kasta isku mid u ah marka laga soo fiiriyo xagga diinta, dhaqanka iyo xagga luqaddaba. 
Haddaba, ma jirto sabab lama huraan ka dhigeysa inaan qaadanno nidaamkan. Saddex, waxaa qaadan kara nidaamka federaalka dalalka leh dhaqaale xooggan oo awooda inay bixiyaan kharashka heerar-dowladeedyo kala duwan sida Canada, Germany, Ameerica, Australia iyo kuwo kale oo badan. Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ugu saboolsan dunida. 
Dowladihii dalka soo maray waxay ku tiirsanaayeen kaalmada dibadda. Cilmi-baarisyada qaar waxay tilmaamayaan in 60-80% ay miisaaniyadda Soomaaliya ka iman jirtay kaalmo dibadeed. Runtii, qaab-goboleed kasta (18, 8, 5, 4 ama 2) oo la qaato, aad buu u yar yahay ama maba jiro gobol Soomaali ah oo is-bixin kara dhaqaale ahaan. Xitaa markaad fiiriso dhaqaalaha Somaliland iyo Puntland aad buu u yar yahay, mana awoodaan inay bulshada siiyaan adeegyada ay u baahan 
yihiin dadku. Miisaaniyadda dowladda Somaliland waxaa lagu qiyaasaa 40 milyan halka tan Puntland ay ahayd 20 milyan. Tan TFG iyadana waxaa lagu sheegay 115 milyan 00 80% laga sugayo deeqbixiyayaasha. Marka dhammaantood la isku daro waxaa cad inaan dal federaal ah lagu maamuli karin. 
Dadka Soomaaliyeed oo ay isaga danbeeyeen dowlado aan u tureyn, abaaro dabadheeraaday iyo dagaallo sokeeye waxaa la dhihi karaa dhammaantood waa qaxooti. Kuwa dalka joogana waxay u badan yihiin dad ka soo bara-kacay meelihii ay deggenaan jireen, kuwa dibadda joogana waaba qaxootiga ugu roon. Haddaba, awoodaha uu nidaamka federaalku gobollada iyo dowladda dhexe u qeybinayo waxaa ugu muhiimsan awoodda canshuurista iyo awoodda xeerinta. Waxaan la 

yaabay caqliga keenay in la sameeyo dhowr dowladood oo canshuura ummad dhammaanteed qaxooti ah. Cajiib! Afar, nidaamka federaalku ma ahan nidaam, figrad ahaan, ka yimid dadka Soomaaliyeed. Ma jirto dowlad Soomaaliyeed oo heysata kalsoonida dadweynaha oo inta baartay, dabadeed go‟aansatay in nidaamkani uu ku habboon yahay Soomaalida. Sidoo kale, weli ma arag qofmas‟uul ah oo aqoonyahan ah oo sameeyey cilmi-baaris, dabadeedna ku soo gunaanaday in nidaamkani uu u yahay xal mushkiladda Soomaalida. Weli ma arag afti dadweynaha laqa qaaday. Sidoo kale, doodda oranaysa dagaalka sokeeye wuxuu u dhacay nidaamka federaalka la‟aantiis waa daciif. Waxay figraddani ku baahday ku-tiri-ku-teen iyo wax aan aqoon ku dhisnayn. Kadibna, waxaa iska bartay carrabka dadka. Waxaad arki marka ay qabqablaha dagaalka xaajadu ku adag tahay ee waxa uu rabo uu waayo inuu iskala soo boodayo, „waxaan rabnaa nidaamka federaalka‟. 
Shan, nidaamka federaalku ma daweeyo keli-telisnimada wallow uu ka mid yahay aaladaha la adeegsado. Marka aad si dhab ah u fiiriso sababta ku kallifeysa Soomaalida nidaamkan, waxaad dareemeysaa inay intooda badan u heystaan inuu xal u yahay keli-talisnimada. Xaqiiqatan, waxaa jirta dood oranaysa nidaamka federaalku wuxuu u sahlaa kooxaha mintidka ah iyo kelitaliyeyaasha inay xukun qabsadaan. Tusaale, waxaa ah dalka Jarmalka xilligii Hitler. Waxaa kale oo jira kooxaha loo yaqaan KKK (Ku Klux Klan) inay koontoroollaan magaalooyin iyo heerardowladeedyo hoose oo ka mid ah gobollada dalka Mareykanka. Keli-talisnimada waxaa xal u ah in nidaamka dowladda dalku uu noqdo mid u oggolaanaya qof kasta inuu ka qeyb qaato go‟aamada dalka – ama aan fududeeyo e inuu nidaamku noqdo dimoqraadi. 
Waxaa kale oo la isticmaali karaa nidaamka labada aqal ee odoyaasha iyo kan wakiillada. Waxaa intan lagu sii lifaaqi karaa in dowladda dhexe ay siiso gobollada iyo degmooyinka awoodhoosaad ku salaysan xeer ay iyadu dejisay (Decentralized Unitary System). Sidoo kale, waxaa la xoojin karaa saxaafadda madaxa bannaan iyo ururrada bulshada rayadka ah, garsoorka iyoculumada. Intan oo iskaashatay way ku filan tahay inay dowladda ka ilaaliyaan inay ku tagrifasho awoodda. Haddii aan si kale u iraahdo ummaddu waxay u baahan tahay xukun furfuran oo demoqraadi ah ee uma baahna mid qeybsan oo aan xasilloonayn. Dal kasta oo federal ah ma ahan Dimoqraaddi. Bal e fiiri dalal ay ka mid yihiin Pakistan, Indoenesia, Nijeeriya, Itoobiya, Malaysia iyo qaar kale oo soo maray xilli ay keli-talisyo ka talinayen. Sidaa darteed, waxaan qabaa inaan loo baahnayn nidaam federal ah oo aan awood dhaqaale iyo mid aqooneed toona aan 
loo heyn. 
Lix, dhammaan waxyaalaha waxtarka ah ee ku jira nidaamkan waxaa laga heli karaa nidaamyada kale ee dimoqraadiga. In ka badan 85% dalalka dunidu ma ahan federal. Waxaa federaal ah illaa 24 dowladood oo kaliya. Waxaa intaas dheer in qaar badan oo dalalkaan ka mid ah ay ka dhaqaale badan yihiin, kana dal ballaaran yihiin Soomaalida – wallow ay jiraan kuwa magicahaan federaal ah laakiin xaqiiqo ahaan aan ahayn sida Itoobiya, Nijeeriya iyo Koonfur Afrika. 
Dhammaan waxtarka aan kor ku soo sheegey ma jirto mid ka mid ah oo aan laga heleyn nidaamyada kale. Waxaa intaas dheer, haddii la qaato nidaamyada kale (decentralized unitary state), waxaa laga hortagayaa waxyeellooyinka uu nidaamkani wato. Waxyeellada ugu weyn ee gaar ahaan Soomaalida quseysa waa xasillooni la‟aanta uu nidaamkani wato. Ma jiro qaab heshiis lagu yahay. Dadkii waxaa kala galay colaad oo wey kala qaxeen, waxayna kala tirsanayaan dhibaatooyin badan. Waxaa jira hub fara badan oo weli ku jira gacanta dadweynaha. 

Intaasoo arrimood oo isbiirsaday, marka lagu sii daro nidaam federaal ah oo keenaya in arrin kasta ay abuuri karo xasaasiyad, ayna mar walba jiraan hoggaamiyeyaal dano kale wata, taas macnaheedu wuxuu noqonayaa Soomaalidu yeysan heshiin qarniyada soo socda. Waxaa la dhihi karaa, ujeeddadu waa inay Soomaalidu isku-mashquulsanaato waligeed. 
Toddobo, ugu danbayntii, nidaamka federaalku wuxuu xoojinayaa qabyaaladda, wuxuuna wiiqayaa qarannimada Soomaalida. Gobol kasta waxaa isku aqoonsan qabiil gooni ah. Inuu iskuaqoonsan yahay oo kaliya ma ahan ee waxa imanaysa inuu inta kale uusan u aqoonsan inay xaq ku leeyihiin. Waxaa kale oo dhacaysa in adeegyada dowladda lagu dhibo ama loo diido dadka kale oo Soomaaliyeed. Halkaas waxaa ku dhimanaya dantii guud ee qaranka iyo xuquuqdii uu qofka Soomaaliga ah ku muteystay Soomaalinimada. Dastuurkii 1960 iyo kuwii ka danbeeyey waxyaalaha wanaagsan ee ku qornaa waxaa ka mid ah in qof kasta oo Soomaali ah uu leeyahay xaqa qofka kale oo Soomaaliga uu leeyahay iyadoo aan loo eegin gobol iyo qabiil toona. Dadka Soomaaliyeed ee ka yimid Soomaali Galbeed, NFD iyo Djibouti wuxuu dastuurkaasi u oggolaa xaqa qofka Soomaaliga ah. Waxay ahayd arrin aad u wanaagsan. Sidaasna waxaa fursad ku helay oo wax ku bartay ama madax kaga noqday Soomaalidii xorta ahayd dad farabadan oo Soomaaliyeed oo ka yimid gobolladaas. Haddii shaarka nidaamka federaalka loo geliyo gobollada qabiilka ku dhisan ee Soomaalida, waxaa imanaysa in dad badan oo Soomaali ah xuquuqdooda la duudsiyo. Kuwo gobollada Soomaali-Galbeed iyo NFD iyo kuwa gobollada kale ku nool marka laga soo tago, waxaa dhacaysa in qaar ku dhashay gobolka lagu takooro qabyaalad.

Gunaanad

Waxaan soo jeedinayaa inaynaan ku qancin waxa u sahlan hey‟adaha caalamiga ah iyo waxay ay dalalka deriska ah, gaar ahaan Itoobiya, rabto. Dadka iyo dalka Soomaaliyeed ma laha calaamadihii lama huraan ka dhigayey in nidaam federal ah lagu maamulo. Waxaa jira waxyeellooyin badan oo uu nidaamku wato asal ahaan. Dhammaantood waxay saamayn xun ku leeyihiin aayaha iyo qarannimada ummada Soomaaliyeed. Dhammaan waxyaalaha waxtarka ah ee ku jira nidaamka federaalka waa laga heli karaa nidaamyada kale ee ka dhibka yar. Waxaa intaas dheer in aysan jirin hab gobollo oo ay Soomaalidu heshiis ku tahay. Xitaa haddii ay dhacdo in la isku raaco hab ka mid ah kuwa aan soo sheegay, waxaa muuqda inaynaan dhaqaale ahaan iyo aqoon ahaan ka bixi karin nidaamkan. 
Waxaan rumeysnahay in nidaamakani uusan annaga naga iman, uusanna xallinayn mushkiladdeenna. Walow ay u badan tahay in niyadda bulshada caalamku aysan xumeyn oo ay doonayaan inay xal u helaan mushkiladda Soomaalida, haddana waxaa hubaal ah in dalalka deriska ah ay dantooda ka hormarinayaan tan Soomaalida. Itoobiya iyo Kenya waa inaynaan ka filin inay wanaag la doonayaan Soomaalida. Waxaa muuqda in Itoobiya ay iyadu si gaar ah u dooneyso nidaamkan oo ay weliba qaab gooni ah u rabto. Guddiyada loo saaray inay ka soo taliyaan iyo ergada ansixisay waa dad ay inta badan Itoobiya soo xushay ama ay raalli ka noqotay. Haddaba, taas kaliya ayaa ku filan dadka Soomaaliyeed inay ka digtoonaadaan arrintan waayo waxaa jirta dibindaabyo lagu doonayo inaysan Soomaalidu waligeed qaran noqon.

Nidaamka federaalkuna, sida aan qabo, waxa uu ugu horreeyaa dibindaabyooyinkaas.

Halista Dastuurka Cusub ee Soomaliya! Halkaan ka akhri

Leave a comment

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Create a free website or blog at WordPress.com.

%d bloggers like this: