Shirkii London: Timirtii Horeba Dab loo Waa !!

shirkalondon

May 10, 2013 Moment Media Ethics –  “….. waxaa Dalka Belgium lagu qabtey Xiligii uu Madaxweynaha ahaa Shiikh Shariif, Shir Soomaaliya Qaaraan loogu ururinayey oo lagu Yabooho lacag gaareysa 260 Milyan oo Doolar. Shiikh Shariif oo wax laga weydiiyey in Qaaraankaas uu hirgelay iyo in kale ayaa ku jawaabey “Waxaa gacanta Dowlada Qaaraankaas ka Soo gaarey 3 Milyan oo Doolar mana garan karo iyadoo Soomaaliya ku jirto Xili adag ay lacagtaa Dowladda heli weyso”….

Continue reading

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Analysing Britain’s Policy towards Somalia

 luce3336861_n1

Analysing Britain’s Policy towards Somalia

Contents

  1. Executive summary
  2. Introduction
  3. What is Policy?
  4. Britain Conquering Somaliland
  5. Britain conquers the Horn of Africa
  6. Britain’s Current policy towards Somalia
  7. Why should Britain engage Somalia?
  8. Al-Shabab as a terrorist posing threat
  9. Oil

B.     Piracy

  1. Conclusion
    1. Recommendations

Bibliography

  1. 1.   Executive summary

The report explores Britain’s foreign policy towards Somalia. The report investigated Britain’s historical relation with Somalia, since becoming a British protectorate in 1887 and through the present time. The report examined Britain’s policies where in the imperial epoch had a policy of colonization, based on diving and ruling and oppressing and after the collapse of Somali State had containment policy which based on delivering aid and developmental goods so as to reduce poverty, where as in 2012 an engagement policy based on stabilizing Somalia in order to eliminate piracy, terrorism and later profiting Somalis natural resources such as oil. Thus the report concluded Somalia became at the top of the UK policy agenda because it meets the UK’s foreign policy objectives which is based on maintaining Britain’s permanent national interests.

  Continue reading

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Conference on Somalia 13 May 2013

 

Waa qoraal ama nuqul ku saabsan kulanka la filayo in London lagu qabto bisha 7da May 2013 oo loo qabanaayo wadahadala Federaalka bilowga ah ee Soomaaliya sida ku cad qoraalka.

Wuxuu noqon-doonaa Kulan caalamiya oo dhinacyo badan leh .Su’aasha meesha ku-jirtaa waa dawlada Somaliland miyay ka qayb qaadanaysaa? Haddii se ay ka qayb galeyso heer ama hab maamuus u qalma ma loo qaabili doonaa? Ka qayb galkuse ma noqon doonaa mid Somaliland dani ugu jirto. Su’aalahan iyo qaar kalo badan ayaa loo baahan yahay in ay is weydiiyaan Cida ay hawshani u taalo oo ay ugu horeyso Xukuumada S/land iyo dhamaan aqoonyahanka iyo waxgaradka S/land.

Continue reading

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Taariikhda Dhulka iyo Dadka Soomaaliyeed – (Documentation-Film) Daawo Video

Dalka Soomaaliya juquraafi ahaan waxa uu ku yaala cirifka Bari ee Qaaradda Afrika , waa dhul istaraatiijyada wanaagsan leh isla markaana Surinka ku haya marinbiyoodka caalamiga ah ee Baabul mandab oo xiriiriya Badweynta Hindiya iyo badda Cas isla markaana ahmiyad u leh.

Continue reading

Categories: Truth to Power | Leave a comment

GUUL: Midowga Yurub oo Aqoonsi buuxa siisay Dowlada Somalia

Moqadisho, (Moment Media Group) – Dawlada Dalka Soomaaliya ayaa waxay u muuqataa mid Caalamka ka soo dhex IFTIIMEYSA, ka dib markii ay gaartay Guulo Aqoonsi oo is daba jog ah waxayna intaas ku gaartay dadaal dheeraad ah oo ay 4bilood gudahood ku soo hoysay.

Waxaa laga joogaa labo Todobaad markii ay Dawlada Mareykanku si Rasmi ah u Aqoonsatay Dawlada Soomaaliya oo u M/weynaha ka yahay Xasan Sh. Maxamuud. Sidoo kale waxaa si diiran logu soo dhaweyey Xarunta Gudiga European Commission oo u Madaxda ka yahay President Jose Barroso, waxuuna M/weynaha Soomaaliya halkaas ka jeediyey hadalo wax ku ool ah waana kuwaan Qeyb ka mid ah hadaladiisi siduu u yiri:

“Somalia has turned a page and wishes to take ownership of its future and of the well-being of its people,” said President Barroso after a meeting with President Hassan Sheikh Mohamud on Wednesday that was devoted to the ways the EU can assist Somalia on its path to a stable political future.

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Dowladda Ingiriiska oo sheegtay inaysan aqoonsaneyn wax la yiraahdo Somaliland, ayna ka mid tahay…

ibrahim109

 

  1. Safiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Matt Bough ayaa ka hadlay dhawaaqii dowladdiisu kaga digtay xasiloonida Somaliland, waxa…anu faahfaahin ka bixin kari waayey halista amaan daro ee dowladdiisu Somaliland ka sheegtay.
    Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Matt Bough waxaa kale oo uu ka hadlay Madax-banaani Somaliland ka hesho beesha caalamka, waxaanu tilmaamay in dowladda boqortooyada Ingiriisku aysan aqoonsanayn Somaliland wax la yiraahdo, balse ay ka warheyso dhibaatada ay ka tirsanayaan dalka Soomaaliya, taasina ay tahay wax la xallin karo oo aan loo sheegan Karin dowlad gooni ah.
Categories: Truth to Power | Leave a comment

Kulan lagu wado inuu dalka Ingiriiska ku dhexmaro wafdiyo ka kala socda dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland iyo warar dheeraad ah

IMG_1284

Wararka ka imaanaya magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa waxay sheegayaan in kulan uu magaaladaasi ku dhexmari doono wafdi ka kala socda dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, kuwaas oo ay kala hogaaminayaan wasiiradda arrimaha Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed C/laahi Cumar, kaas oo looga hadlayo sidii fikir mid ah looga qaato kala aragti duwanaashiyaha u dhaxeeya labada dhinac.

Continue reading

Categories: Truth to Power | Leave a comment

“Hadalka ka soo yeedhay Raysal wasaraha Somaliya waa Riyo Maalmeed, haddii uu Aminsan yahay in Somaliya iyo Somaliland ay Midoobayaan Waa uu Riyoonayaa.”Safiirka Wareega ee Somaliland

images

Hargeysa(Moment Media Group) Safiirka Wareega ee Somaliland Keysar Cabdilaahi Maxamed ayaa Jawaab kulul ka Bixiyey Hadal ka soo yeedhay Raysal wasaraha Dalka Somaliya oo Sheegay in wadda hadalada Somaliland iyo Somaliya ay yihiin kuwii soo celin lahaa Midnimo Somaliweyn, Safiirka ayaa Hadalkaasi raysalwasaraha ka soo yeedhay ku tilmaamay mid uu ku hadlay qof riyoonaya,waxanu hoosta ka xariiqay in shacabka Reer Somaliland ay hore u Goosteen in dawlad madaxbanaan ay noqdaan.

Continue reading

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Maamulka Somaliland oo sheegay inay diyaar u yihiin inay Wadahadallada la sii wadaan dowladda Soomaaliya

 

Talaado, December 18, 2012 (MMG) — Mas’uuliyiinta maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay inay diyaar u yihiin inay lasii wadaan dowladda Somalia wadahadalladii billowday bishii Feberaayo ee sannadkan, kuwaasoo looga hadlayay sidii go’aan mideysan looga gaari lahaa mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya.
Categories: Truth to Power | Leave a comment

Somaliland birth and path of the democracy!!!!

 opinion

At least twenty years and so elapsed since Somaliland republic broke away from Somalia or returned 1960 independence joined with Southern Somalia few days after gaining independence from the colony of Britain. Somaliland proclamation as free nation was the result of many years of severe problems and pressure of Southerners based on the historic background of these two nations as Italian and British mentality and systematic procedure which has had always existed there differently.

Continue reading

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Madaxweynaha Somaliland Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabiay Ergayga Mahiga Iyo Wixii Ay Ka Wada Hadleen

Hargeysa (Moment Media Group)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergayga qaramadda midoobay u qaabilsan Somaliland/Somalia Augstina Mahiga oo socdaal rasmi ah oo qaadan doona muddo laba maalmood ah ku yimid Somaliland,  Ergayga qaramadda midoobay u qaabilsan Somaliland/Somalia Augstina Mahiga, ayaa hadal uu ka jeediyay kulankaasi waxa uu ugu horayn raali gelin buuxda ka siiyay Madaxweyne Axmed Siilaanyo hadal qadaf ah oo uu tilmaamay inay shaqaalihiisu sameeyeen mar uu xafiiskiisa ka maqnaa oo ay warqad ciwaan khaldan ah u soo direen Madaxweynaha Somaliland. Mr. Mahiga waxa uu sheegay inaanay duulimaad ku ahayn inay wax u dhimaan sharafta qaranimadda Somaliland, waxaanu xusay in Madaxweynaha iyo shacbiga Somaliland-ba ka raali gelinayo khaladkaasi.

Continue reading

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Madaxwaynaha Somaliland Oo Soo Jeedinayey Qoraal Ku Saabsan Doorashada Golaha Degaanka JSL

Bulshada Somaliland dibed iyo gudaba waxaan idinku salaamaya salaanta Islaamka,  ASSALAAMU CALAYKUM WA RAXMATULAAHI WA BARAKAATU”.  Walaalayaal: Dadka Somaliland meel kaste oo aad joogtaan waxaan idiin rajaynayaa guul, waxaan idinku amaanayaa dedaalka iyo isku-duubnida, waxaana inoo ballana illaalinta qaranimada iyo wadaniyada. Mudanayaal iyo marwooyin: Waxaynu ku jirnaa wakhti doorasho, sidaynu wada ognahayna dal dimuquraadiya ayay caadadiisa tahay inuu dawladnimada heerarkeeda kala duwan kula-kalawareego tartan doorasho oo xor iyo xalaal ah. Anagoo taa ka-duulaynana, waxaanu diyaarinay doorashadii golayaasha deegaanka oo ay ku tartami doonaan 7 Urur iyo 2653 musharax guudahaan wadanka oo dhan. Waxaana la rajaynayaa inay kasoo baxaan 3 xisbi qaran iyo 379 xildhibaan kuwaasoo la wareegi doona maamulka dawladaha hoose ee dalka sida shuruucdeenu dhigayso.

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Maamulka Somaliland oo shuruud adag ku xiray wadahal dambe oo ay la galaan dowladda Soomaaliya, kana dalbaday…

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo khudbad u jeediyay taageerayaasha xisbigiisa ee magaaladda Burco ayaa fariin u diray beesha caalamka iyo dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Madaxwaynaha Soomaaliya uu maamuli kari la’ dalka loo doortay ay Somaliland gef iyo gardaro ku tahay inuu caalamka u sheego inuu dowlad u yahay Somaliland.

 Guddoomiyaha Kulmiye waxa uu sheegay in Somaliland xuduudkeeda xiraneyso, isagoo sidoo kalena tilmaamay in doorashadani tahay waxa Somaliland ay ku gorgirtameyso beesha caalamka, Muuse Biixi oo ugu horeyn ka hadlaya doorashadda deegaanka ayaa yiri “Doorashadu waa guul qaranimada Somaliland lagu dhisayo, qaranimada Somaliland-baa ku garnaqsaneysa oo caalamka ayaynu tusaynaa qaabka aynu u shaqeynayno ee dawladnimo”.

“Ninka Xamar lagu doortay ee Kismaayo ka dhisi kari la’ maamul ee Gaalkacayo u kala qeybsan tahay, ma laga yaabaa inay leeyihiin Somaliland-baanu dowlad u nahay oo aanu mataleynaa, caalamka waxaanu u sheegaynaa waa gef aanaan qaadan karin iyo gardaro, waxaanu leenahay waxaad tihiin naftooda hafar markaad leedihiin Somaliland-baanu Wasiiro iyo Xildhibaano ka qaadanay, naftiina run umaydaan sheegin” ayuu yiri waxaanu intaas ku daray “Somaliland waan qaran, xuduudkeedii isticmaarku kaga tagayna way soo xiraneysaa” ayuu yiri markale Mr. Biixi.

Continue reading

Categories: Truth to Power | Leave a comment

Blog at WordPress.com. The Adventure Journal Theme.